< ゼカリヤ書 7 >

1 ダリヨス王の四年の九月すなはちキスリウといふ月の四日にヱホバの言ゼカリヤに臨めり
Oo Boqor Daariyus sannaddiisii afraad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah maalintii afraad oo bisha sagaalaad, taasoo ah bisha Kislee'u.
2 ベテルかの時シヤレゼル、レゲンメレクおよびその從者を遣してヱホバを和めさせ
Haddaba reer Beytel waxay soo direen Shareser iyo Regem Meleg iyo raggoodiiba inay Rabbiga baryaan,
3 かつ萬軍のヱホバの室にをる祭司に問しめ且預言者に問しめて言けらく我今まで年久しく爲きたりしごとく尚五月をもて哭きかつ齋戒すべきやと
iyo inay la hadlaan wadaaddadii guriga Rabbiga ciidammada, iyo nebiyadii, oo ay ku yidhaahdaan, Miyaan bisha shanaad ooyaa, oo miyaan gooni iska dhigaa sidii aan yeeli jiray sannadahan badan oo dhan?
4 ここにおいて萬軍のヱホバの言我に臨めり云く
Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo wuxuu igu yidhi,
5 國の諸民および祭司に告て言へ汝らは七十年のあひだ五月と七月とに斷食しかつ哀哭せしがその斷食せし時果して我にむかひて斷食せしや
Waxaad la hadashaa dadka dalka deggan oo dhan iyo wadaaddadaba, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad soomi jirteen oo aad barooran jirteen bisha shanaad iyo bisha toddobaad, oo ah toddobaatankan sannadood, miyaad innaba aniga ii soomi jirteen?
6 汝ら食ひかつ飮は全く己のために食ひ己のために飮ならずや
Oo markaad wax cuntaan, iyo markaad wax cabtaan, miyaydaan nafsaddiinna u cunin oo miyaydaan nafsaddiinna u cabbin?
7 在昔ヱルサレムおよび周圍の邑々人の住ふありて平安なりし時南の地および平野にも人の住ひをりし時に已往の預言者によりてヱホバの宣ひたりし言を汝ら知ざるや
Sow ma aha erayadii Rabbigu kaga dhex qayliyey nebiyadii hore, markii Yeruusaalem la degganaa oo ay barwaaqada ku dhex jirtay, oo la wada degganaa magaalooyinka hareeraheeda ku wareegsan iyo xagga koonfureed iyo bannaankaba?
8 ヱホバの言ゼカリヤに臨めり云く
Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah, isagoo leh,
9 萬軍のヱホバかく宣へり云く正義き審判を行ひ互に相愛しみ相憐め
Rabbiga ciidammadu sidan buu ku hadlay oo yidhi, Garsoorid daacad ah naqa, oo nin waluba walaalkiis ha u sameeyo naxariis iyo raxmad.
10 寡婦孤兒旅客および貧者を虐ぐるなかれ人を害せんと心に圖る勿れと
Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis.
11 然るに彼等は肯て耳を傾けず背を向け耳を鈍くして聽ず
Laakiinse way diideen inay dhegaystaan, oo intay caasiyeen ayay dhegaha furaysteen, si ayan u maqlin.
12 且その心を金剛石のごとくし萬軍のヱホバがその御霊をもて已往の預言者に由て傳へたまひし律法と言詞に聽したがはざりき是をもて大なる怒萬軍のヱホバより出て臨めり
Oo waxay qalbigoodii ka dhigeen sidii dhagax adag oo kale si ayan u maqlin sharcigii iyo erayadii Rabbiga ciidammadu uu ku soo dhiibay ruuxiisa markuu nebiyadiisii hore soo diray, oo sidaas daraaddeed waxaa Rabbiga ciidammada ka timid cadho weyn.
13 彼かく呼はりたれども彼等聽ざりき其ごとく彼ら呼はるとも我聽じ萬軍のヱホバこれを言ふ
Oo sidii uu u dhawaaqay oo iyana ay maqli waayeen, sidaas oo kalay u qayliyeen, oo anna ma aan maqlin, ayaa Rabbiga ciidammadu yidhi,
14 我かれらをその識ざる諸の國に吹散すべし其後にてこの地は荒て往來する者なきに至らん彼等かく美しき國を荒地となす
laakiinse waxaan iyaga ku kala firdhiyey dabayl duufaan ah oo waxaan dhex geeyey quruumaha ayan aqoon oo dhan. Sidaasuu dalkii cidla u noqday iyaga dabadood, oo ninna ma dhex marin, ciduna kuma soo noqon, waayo, dalkii wacnaa cidla baa laga dhigay.

< ゼカリヤ書 7 >