< ローマ人への手紙 7 >
1 兄弟よ、なんぢら知らぬか、(われ律法を知る者に語る)律法は人の生ける間のみ之に主たるなり。
Mise ma waydaan ogayn, walaalayaalow, in sharcigu nin u taliyo intuu nool yahay oo keliya? (Waxaan la hadlayaa dadka sharciga yaqaan.)
2 夫ある婦は律法によりて夫の生ける中は之に縛らる。然れど夫 死なば夫の律法より解かるるなり。
Naagtii nin luhu sharcigay ugu xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiinse mar haddii ninku dhinto, way ka furan tahay sharcigii ninka.
3 されば夫の生ける中に他の人に適かば淫婦と稱へらるれど、夫 死なばその律法より解放さるる故に、他の人に適くとも淫婦とはならぬなり。
Sidaas daraaddeed inta ninkeedu nool yahay, hadday nin kale naag u noqoto, waxaa loogu yeedhi doonaa dhillo, laakiinse ninkeedu hadduu dhinto, sharciga way ka furan tahay, oo sidaas daraaddeed dhillo ma aha in kastoo ay nin kale naag u noqoto.
4 わが兄弟よ、斯くのごとく汝 等もキリストの體により律法に就きて死にたり。これ他の者、すなはち死人の中より甦へらせられ給ひし者に適き、神のために實を結ばん爲なり。
Sidaas daraaddeed, walaalahayow, jidhkii Masiixa baa meyd idinka dhigay xagga sharciga, in mid kale idin lahaado, oo ah kii kuwii dhintay laga sara kiciyey inaynu Ilaah midho u soo bixinno.
5 われら肉に在りしとき、律法に由れる罪の情は我らの肢體のうちに働きて、死のために實を結ばせたり。
Waayo, markii aynu jidhka ku dhex jirnay, damacyadii dembiyada ee sharciga ka yimid waxay ka dhex shaqaynayeen xubnaheenna inay midho u soo bixiyaan dhimasho.
6 されど縛られたる所に就きて我等いま死にて律法より解かれたれば、儀文の舊きによらず、靈の新しきに從ひて事ふることを得るなり。
Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.
7 さらば何をか言はん、律法は罪なるか、決して然らず、律法に由らでは、われ罪を知らず、律法に『貪る勿れ』と言はずば、慳貪を知らざりき。
Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.
8 されど罪は機に乘じ誡命によりて各樣の慳貪を我がうちに起せり、律法なくば罪は死にたるものなり。
Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd.
9 われ曾て律法なくして生きたれど、誡命きたりし時に罪は生き、我は死にたり。
Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay.
10 而して我は生命にいたるべき誡命の反つて死に到らしむるを見出せり。
Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho ii geeynayo.
11 これ罪は機に乘じ誡命によりて我を欺き、かつ之によりて我を殺せり。
Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay.
12 それ律法は聖なり、誡命もまた聖にして正しく、かつ善なり。
Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay.
13 されば善なるもの我に死となりたるか。決して然らず、罪は罪たることの現れんために、善なる者によりて我が内に死を來らせたるなり。これ誡命によりて罪の甚だしき惡とならん爲なり。
Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.
14 われら律法は靈なるものと知る、されど我は肉なる者にて罪の下に賣られたり。
Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa.
15 わが行ふことは我しらず、我が欲する所は之をなさず、反つて我が憎むところは之を爲すなり。
Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay.
16 わが欲せぬ所を爲すときは律法の善なるを認む。
Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay.
17 然れば之を行ふは我にあらず、我が中に宿る罪なり。
Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
18 我はわが中、すなわち我が肉のうちに善の宿らぬを知る、善を欲すること我にあれど、之を行ふ事なければなり。
Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo.
19 わが欲する所の善は之をなさず、反つて欲せぬ所の惡は之をなすなり。
Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa.
20 我もし欲せぬ所の事をなさば、之を行ふは我にあらず、我が中に宿る罪なり。
Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
21 然れば善をなさんと欲する我に惡ありとの法を、われ見出せり。
Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo.
Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah.
23 わが肢體のうちに他の法ありて、我が心の法と戰ひ、我を肢體の中にある罪の法の下に虜とするを見る。
Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira.
24 噫われ惱める人なるかな、此の死の體より我を救はん者は誰ぞ。
Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?
25 我らの主イエス・キリストに頼りて神に感謝す、然れば我みづから心にては神の律法につかへ、内にては罪の法に事ふるなり。
Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.