< 詩篇 50 >

1 ぜんのうの神ヱホバ詔命して日のいづるところより日のいるところまであまねく地をよびたまへり
Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
2 かみは美麗の極なるシオンより光をはなちたまへり
Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
3 われらの神はきたりて默したまはじ火その前にものをやきつくし暴風その四周にふきあれん
Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
4 神はその民をさばかんとて上なる天および地をよびたまへり
Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
5 いはく祭物をもて我とけいやくをたてしわが聖徒をわがもとに集めよと
Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
6 もろもろの天は神の義をあらはせり 神はみづから審士たればなり (セラ)
Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
7 わが民よきけ我ものいはんイスラエルよきけ我なんぢにむかひて證をなさん われは神なんぢの神なり
Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
8 わがなんぢを責るは祭物のゆゑにあらず なんぢの燔祭はつねにわが前にあり
Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
9 我はなんぢの家より牡牛をとらず なんぢの牢より牡山羊をとらず
Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
10 林のもろもろのけもの山のうへの千々の牲畜はみなわが有なり
Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
11 われは山のすべての鳥をしる 野のたけき獣はみなわがものなり
Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
12 世界とそのなかに充るものとはわが有なれば縦ひわれ饑るともなんぢに告じ
Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
13 われいかで牡牛の肉をくらひ牡山羊の血をのまんや
Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
14 感謝のそなへものを神にささげよ なんぢのちかひを至上者につくのへ
Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
15 なやみの日にわれをよべ我なんぢを援けん而してなんぢ我をあがむべし
Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
16 然はあれど神あしきものに言給く なんぢは敎をにくみ わが言をその後にすつるものなるに何のかかはりありてわが律法をのべ わがけいやくを口にとりしや
Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
17 然はあれど神あしきものに言給く なんぢは敎をにくみ わが言をその後にすつるものなるに何のかかはりありてわが律法をのべ わがけいやくを口にとりしや
Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
18 なんぢ盗人をみれば之をよしとし姦淫をおこなふものの伴侶となれり
Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
19 なんぢその口を惡にわたす なんぢの舌は詭計をくみなせり
Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
20 なんぢ坐りて兄弟をそしり己がははの子を誣ののしれり
Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
21 汝これらの事をなししをわれ默しぬれば なんぢ我をおのれに恰にたるものとおもへり されど我なんぢを責めてその罪をなんぢの目前につらぬべし
Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
22 神をわするるものよ今このことを念へ おそらくは我なんぢを抓さかんとき助るものあらじ
Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
23 感謝のそなへものを献るものは我をあがむ おのれの行爲をつつしむ者にはわれ神の救をあらはさん
Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.

< 詩篇 50 >