< 詩篇 40 >

1 我たへしのびてヱホバを俟望みたり ヱホバ我にむかひてわが號呼をききたまへり
Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
2 また我をほろびの阱より泥のなかよりとりいだしてわが足を磐のうへにおきわが歩をかたくしたまへり
Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
3 ヱホバはあたらしき歌をわが口にいれたまへり此はわれらの神にささぐる讃美なり おほくの人はこれを見ておそれ かつヱホバによりたのまん
Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.
4 ヱホバをおのが賴となし高るものによらず虚偽にかたぶく者によらざる人はさいはひなり
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.
5 わが神ヱホバよなんぢの作たまへる奇しき迹と われらにむかふ念とは甚おほくして汝のみまへにつらねいふことあたはず 我これをいひのべんとすれどその數かぞふることあたはず
Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin, Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin, Oo iyaga lama xisaabi karo, Haddii aan sheego oo ka hadlo, Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.
6 なんぢ犠牲と祭物とをよろこびたまはず汝わが耳をひらきたまへり なんぢ燔祭と罪祭とをもとめたまはず
Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid, Oo anna dhegahaygii waad ii furtay, Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.
7 そのとき我いへらく 觀よわれきたらんわがことを書の巻にしるしたり
Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid, Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
8 わが神よわれは聖意にしたがふことを樂む なんぢの法はわが心のうちにありと
Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
9 われ大なる會にて義をつげしめせり 視よわれ口唇をとぢず ヱホバよなんぢ之をしりたまふ
Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow.
10 われなんぢの義をわが心のうちにひめおかず なんぢの眞實となんぢの拯救とをのべつたへたり 我なんぢの仁慈となんぢの眞理とをおほいなる會にかくさざりき
Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin, Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay, Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
11 ヱホバよなんぢ憐憫をわれにをしみたまふなかれ 仁慈と眞理とをもて恒にわれをまもりたまへ
Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
12 そはかぞへがたき禍害われをかこみ わが不義われに追及てあふぎみること能はぬまでになりぬ その多きことわが首の髮にもまさり わが心きえうするばかりなればなり
Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.
13 ヱホバよ願くはわれをすくひたまへ ヱホバよ急ぎきたりて我をたすけたまへ
Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.
14 願くはわが霊魂をたづねほろぼさんとするものの皆はぢあわてんことを わが害はるるをよろこぶもののみな後にしりぞきて恥をおはんことを
Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
15 われにむかひて ああ視よや視よやといふ者おのが恥によりておどろきおそれんことを
Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda, Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.
16 願くはなんぢを尋求むるものの皆なんぢによりて樂みよろこばんことを なんぢの救をしたふものの恒にヱホバは大なるかなととなへんことを
Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo!
17 われはくるしみ且ともし 主われをねんごろに念ひたまふ なんぢはわが助なり われをすくひたまふ者なり ああわが神よねがはくはためらひたまふなかれ
Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Sayidkuse waa i xusuustaa. Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga, Haddaba ha iga raagin.

< 詩篇 40 >