< エレミヤ書 2 >

1 ヱホバの言我にのぞみていふ
Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,
2 ゆきてヱルサレムに住る者の耳につげよヱホバ斯くいふ我汝につきて汝の若き時の懇切なんぢが契をなせしときの愛曠野なる種播ぬ地にて我に從ひしことを憶ゆと
Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.
3 イスラエルはヱホバの聖物にしてその初に結べる實なりすべて之を食ふものは罰せられ災にあふべしとヱホバ云ひたまへり
Reer binu Israa'iil wuxuu Rabbiga u ahaa quduus, iyo midhihii ugu horreeyey ee beergooyskiisii, oo kuwii isaga cunay oo dhammu eed bay lahaayeen, oo masiibo baa iyaga ku soo degtay, ayaa Rabbigu leeyahay.
4 ヤコブの家とイスラエルの家の諸の族よヱホバの言をきけ
Reer Yacquub iyo qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhammow, bal maqla erayga Rabbiga:
5 ヱホバかくいひたまふ汝等の先祖は我に何の惡事ありしを見て我に遠かり 虛しき物にしたがひて虛しくなりしや
Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin maxaa xaqdarro ah oo ay iga heleen oo ay iiga fogaadeen, oo ay waxyaalaha aan waxtarka lahayn u raaceen, oo ay waxmatarayaal u noqdeen?
6 かれらは我儕をエジプトの地より導きいだし曠野なる岩穴ある荒たる地 旱きたる死の蔭の地 人の過ぎざる地 人の住はざる地を通らしめしヱホバはいづこにあるといはざりき
Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?
7 われ汝等を導きて園のごとき地にいれ其實と佳物をくらはしめたり然ど汝等此處にいり我地を汚し我產業を憎むべきものとなせり
Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.
8 祭司はヱホバは何處にいますといはず律法をあつかふ者は我を知らず牧者は我に背き預言者はバアルによりて預言し益なきものに從へり
Wadaaddadii ma ay odhan, Rabbigii meeh? Oo kuwa sharciga hayaana ima ay aqoon, oo taliyayaashiina way igu xadgudbeen, oo nebiyadiina waxay wax ku sii sheegeen Bacal, oo waxay iska daba galeen waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn.
9 故にわれ尚汝等とあらそはん且汝の子孫とあらそふべしとヱホバいひたまふ
Oo sidaas daraaddeed weli waan idinla muddacayaa, oo carruurtiinna carruurtoodana waan la muddici doonaa.
10 汝等キッテムの諸島にわたりて觀よまた使者をケダルにつかはし斯のごとき事あるや否やを詳細に察せしめよ
Waayo, bal u gudba xagga gasiiradda Kitiim, oo bal wax eega, oo xagga Qedaarna cid u dira, oo aad u fiirsada, oo bal eega hadday waxaas oo kale halkaas jiraan.
11 その神を神にあらざる者に易たる國ありや然るに我民はその榮を益なき物にかへたり
Miyey jirtaa quruun beddeshay ilaahyadeed aan ilaahyo ahayn? Laakiinse dadkaygu waxay ammaantoodii ku beddeleen wax aan waxtar lahayn.
12 天よこの事を驚け慄けいたく怖れよとヱホバいひたまふ
Rabbigu wuxuu leeyahay, Samooyinkow, bal waxan la yaaba, oo aad iyo aad u cabsada, oo haddana aad u gariira.
13 蓋わが民はふたつの惡事をなせり即ち活る水の源なる我をすて自己水溜を掘れりすなはち壞れたる水溜にして水を有たざる者なり
Waayo, dadkaygii laba waxyaalood oo shar ah ayay sameeyeen, way iga tageen anigoo ah isha biyaha nool, oo waxay qoteen berkedo daldaloola oo aan innaba biyo celin karin.
14 イスラエルはしもべなるか家にうまれし僕なるかいかにして擄掠となれるや
Dalka Israa'iil ma addoon baa, mase waa bidde guriga ku dhashay? Maxaa isaga loo kala boobay?
15 わかき獅子かれにむかひて哮えその聲をあげてその地を荒せりその諸邑は焚れて住む人なし
Libaaxyo qayrabyo ah ayaa ku ciyey, oo codkoodiina way dheereeyeen, oo dalkiisiina way baabbi'iyeen, oo magaalooyinkiisiina way gubteen oo ciduna ma deggana.
16 ノフとタパネスの諸子も汝の頭首の髮をくらはん
Oo waxaa dhalada kaa jebiyey reer Nof iyo reer Taxfanees.
17 汝の神ヱホバの汝を途にみちびきたまへる時に汝これを棄たるによりて此事汝におよぶにあらずや
Sow adiga qudhaadu isuma aad keenin belaayadan, waayo, waxaad ka tagtay Rabbiga Ilaahaaga ah markuu jidka kugu hagayay?
18 汝ナイルの水を飮んとてエジプトの路にあるは何ゆゑぞまた河の水を飮んとてアツスリヤの路にあるは何故ぞ
Oo haatan bal maxaad ka samaynaysaa jidka Masar inaad cabto biyaha Shiixoor? Amase bal maxaad ka samaynaysaa jidka Ashuur inaad cabto biyaha Webi Yufraad?
19 汝の惡は汝をこらしめ汝の背は汝をせめん斯く汝が汝の神ヱホバをすてたると我を畏るることの汝の衷にあらざるとは惡く且つ苦きことなるを汝見てしるべしと主なる萬軍のヱホバいひ給ふ
Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.
20 汝昔より汝の軛ををり汝の縛を截ちていひけるは我つかふることをせじと即ち汝すべての高山のうへと諸の靑木の下に妓女のごとく身をかがめたり
Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.
21 われ汝を植て佳き葡萄の樹となし全き眞の種となせしにいかなれば汝われに向ひて異なる葡萄の樹の惡き枝にかはりしや
Laakiin waxaan kuu beeray canab wacan, oo kulligiis abuur wanaagsan ah, haddaba sidee baad ugu beddelantay inaad igu noqotid canab ba'ay oo qalaad?
22 たとひ嚥哘をもて自ら濯ひまたおほくの灰汁を加ふるも汝の惡はわが前に汚れたりと主ヱホバいひ給ふ
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aad soodhe isku maydhid, oo aad saabuun iska badisid, weli xumaantaadii sida calaamad oo kale bay ii muuqataa.
23 汝いかで我は汚れずバアルに從はざりしといふことを得んや汝谷の中のおこなひを觀よ汝のなせしことを知れ汝は疾走るわかき牝の駱駝にしてその途にさまよへり
Sidee baad u odhan kartaa, Anigu ma nijaasoobin, oo Bacaliimna ma raacin? Bal fiiri socodkii aad dooxada ku martay, oo garo wixii aad samaysay. Waxaad tahay qaalin geel oo dheeraysa oo warwareegta,
24 汝は曠野になれたる野の牝驢馬なり其欲のために風にあへぐその欲のうごくときは誰かこれをとどめえん凡てこれを尋る者は自ら勞するにおよばすその月の中に之にあふべし
iyo dameerdibadeed cidlada baratay, oo iyadoo orgoonaysa dabaysha ursanaysa. Yaa damaceeda ka celin kara? Oo kuwa iyada doonaya oo dhammuna isma ay daalin doonaan, waayo, iyaday bisheeda heli doonaan.
25 汝足をつつしみて跣足にならざるやうにし喉をつつしみて渇かぬやうにせよしかるに汝いふ是は徒然なり然りわれ異なる國の者を愛してこれに從ふなりと
Cagahaaga kabola'aan ka dhawr, oo hungurigaagana harraad ka dhawr, laakiinse waxaad tidhi, Rajo ma leh innaba, waayo, waxaan jeclaaday shisheeyayaal, oo iyagaan iska daba gelayaa.
26 盜人の執へられて恥辱をうくるがごとくイスラエルの家恥辱をうく彼等その王その牧伯その祭司その預言者みな然り
Siduu tuug markii la qabto u ceeboobo oo kale ayay reer binu Israa'iil u ceeboobeen, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooduba,
27 彼等木にむかひて汝は我父なりといひまた石にむかひて汝は我を生みたりといふ彼等は背を我にむけて其面をわれに向けずされど彼等災にあふときは起てわれらを救ひ給へといふ
kuwaasoo geed ku yidhaahda, Waxaad tahay aabbahay, oo dhagaxna ku yidhaahda, Adigaa i dhalay. Dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, laakiinse wakhtigii ay dhibaataysan yihiin waxay i odhan doonaan, Kac oo na badbaadi.
28 汝がおのれの爲に造りし神はいづこにあるやもし汝が災にあふときかれら汝を救ふを得ば起つべきなりそはユダよ汝の神は汝の邑の數に同じければなり
Laakiinse meeye ilaahyadaadii aad samaysatay? Iyagu ha keceen hadday ku badbaadin karaan wakhtigii aad dhibaataysan tahay, waayo, dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna.
29 汝等なんぞ我とあらそふや汝らは皆我に背けりとヱホバいひ給ふ
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaad iila muddacaysaan? Waayo, idinku kulligiin waad iga gudubteen.
30 我が汝らの衆子を打しは益なかりき彼等は懲治をうけず汝等の劍は猛き獅子のごとく汝等の預言者を滅せり
Anigu waxtarla'aan baan carruurtiinnii u dilay, iyaguse innaba kuma ay waano qaadan. Seeftiinnii ayaa nebiyadiinnii baabbi'isay sidii libaax wax baabbi'inaya oo kale.
31 なんぢらこの世の人よヱホバの言をきけ我はイスラエルのために曠野となりしや暗き地となりしや何故にわが民はわれら徘徊りて復汝に來らじといふや
Dadka qarniganow, bal erayga Rabbiga ka fiirsada. Reer binu Israa'iil ma waxaan u ahaa cidlo ama dal gudcur ah? Haddaba bal maxaa dadkaygu u yidhaahdaan, Xor baannu nahay, oo mar dambe kuu iman mayno?
32 それ處女はその飾物を忘れんや新婦はその帶をわすれんや然ど我民の我を忘れたる日は數へがたし
Gabadhu miyey illoobi kartaa wixii ay isku sharaxdo, aroosadduse miyey illoobi kartaa wixii ay xidhato? Laakiinse dadkaygu waxay i illoobeen maalmo badan oo aan la tirin karin.
33 汝愛を得んとて如何に汝の途を美くするぞよされば汝の行はあしき事を爲すに慣たり
Sidee baad jidkaaga u hagaajisaa markaad caashaq doondoonto? Sidaas daraaddeed xataa naagaha xunxunna jidadkaagaad bartay.
34 また汝の裾に辜なき貧者の生命の血ありわれ盜人の穿たる所にて之を見ずしてすべて此等の上にこれを見る
Oo weliba darfaha dharkaagana waxaa laga helaa dhiiggii masaakiinta aan xaqa qabin, sababtuna ma aha inaad heshay iyagoo guriga dhacaya, laakiinse waa waxyaalahaas oo dhan daraaddood.
35 されど汝いふわれは辜なし故にその怒はかならず我に臨まじとみよ汝われ罪を犯さざりしといふにより我汝とあらそふべし
Oo weliba waxaad istidhaahdaa, Anigu xaq ma qabo. Sida xaqiiqada ah cadhadiisu way iga noqotay. Bal ogow, anigu waan kula muddici doonaaye, maxaa yeelay, waxaad tidhaahdaa, Anigu ma aan dembaabin.
36 なんぢ何故にその途を易んとて迅くはしるや汝アツスリヤに恥辱をうけしごとくエジプトにも亦恥辱をうけん
Maxaad u warwareegtaa si aad jidadkaaga u beddesho? Ceeb baa dalka Masar kaaga iman doonta siday dalka Ashuur kaaga timid oo kale.
37 汝兩手を頭に置てかしこよりも出去らんそはヱホバ汝のたのむところの者を棄れば汝彼等によりて望を遂ること無るべければなり
Oo weliba isagana waad ka soo bixi doontaa, adigoo gacmahu madaxa kuu saaran yihiin, waayo, Rabbigu waa diiday kuwa aad ku kalsoon tahay oo dhan, oo iyaga innaba ku dhex liibaani maysid.

< エレミヤ書 2 >