< エゼキエル書 27 >
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Wiilka Aadamow, haddana Turos aawadeed baroor kor ugu qayli,
3 ツロに言べし汝海の口に居りて諸の國人の商人となり多衆の島々に通ふ者よ主ヱホバかく言たまふツロよ汝言ふ我の美は極れりと
oo waxaad Turos ku tidhaahdaa, Taada badda kadinkeeda ku taal, oo ah meesha ay gasiirado badan dadkoodu ka baayacmushtaraanay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Turosay, waxaad istidhi, Anigu waxaan leeyahay qurux kaamil ah.
Soohdimahaagu waxay ku yaallaan badda dhexdeeda, oo kuwii ku dhisayna quruxdaadii way kaamileen.
5 人セニルの樅をもて船板を作りレバノンより香柏を取て汝のために檣を作り
Alwaaxda doonniyahaaga oo dhan waxay ka sameeyeen dhirta berooshka ah ee Seniir, oo Lubnaan waxay ka soo goosteen geedo kedar ah si ay daqal kaaga dhigaan.
6 バシヤンの樫をもて汝の漿を作りキッテムの島より至れる黄楊に象牙を嵌て汝の坐板を作れり
Waxay seebab kaaga sameeyeen geedihii alloonka ee Baashaan, oo kursiyadaadiina waxay ka sameeyeen alwaax gasiiradaha Kitiim laga keenay oo foolmaroodi lagu sharxay.
7 汝の帆はエジプトより至れる文布にして旗に用ふべし汝の天遮はエリシヤの島より至れる藍と紫の布なり
Oo waxaa shiraaq kuu ahaa maro wanaagsan oo daabac leh oo Masar laga keenay, si ay taasu calaamad kuugu ahaato, oo waxaa kugu dednaa buluug iyo guduud gasiiradaha Eliishaah laga keenay.
8 汝の水手はシドンとアルワデの人なりツロよ汝の中にある賢き者汝の舵師となる
Turosay, kuwii sixiimadahaagii seebiyey waxay ahaayeen dadka Siidoon iyo Arwaad deggan, oo kuwii xigmadda lahaa ee ku dhex joogayna waxay ahaayeen doonniyawadayaashaadii.
9 ゲバルの老人等およびその賢き者汝の中にをりて汝の漏を繕ひ海の諸の船およびその舟子汝の中にありて汝の貨物を交易す
Odayaashii Gebal iyo kuweedii xigmadda lahaa ee ku dhex joogay ayaa kuwa dillaacyada awda kuu ahaayeen, oo badda doonniyaheedii oo dhan iyo baxriyadoodii oo dhammuba way ku dhex joogeen si ay kuula baayacmushtaraan.
10 ペルシヤ人ルデ人フテ人汝の軍にありて汝の戰士となる彼等汝の中に干と兜を懸け汝に光輝を與ふ
Reer Faaris, iyo reer Luud, iyo reer Fuud ayaa ciidankaagii ku jiray, oo waxay kuu ahaayeen dagaalyahankaagii, oo dhexdaaday gaashaanka iyo koofiyadda dagaalka sudheen, oo waxay soo bandhigeen quruxdaadii.
11 アルワデの人々および汝の軍勢汝の四周の石垣の上にあり勇士等汝の櫓にあり彼等汝の四周の石垣にその楯をかけ汝の美を盡せり
Oo derbiyadaadii kugu wareegsanaana waxaa dul joogay raggii reer Arwad iyo ciidankaagii, oo munaaradahaagiina waxaa ku jiray raggii reer Gammaadiim. Iyana gaashaammadooday derbiyadaadii kugu wareegsanaa sudheen, oo quruxdaadiina kaamil bay ka dhigeen.
12 その諸の貨物に富るがためにタルシシ汝と商をなし銀 鐵 錫および鉛をもて汝と交易を爲り
Tarshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.
13 ヤワン、トバルおよびメセクは汝の商賈にして人の身と銅の器をもて汝と貿易を行ふ
Oo reer Yaawaan, iyo reer Tubal, iyo reer Meshegna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen dad noolnool iyo weelal naxaas ah.
14 トガルマの族馬と騎馬および騾をもて汝と交易し
Oo kuwii reer Togarmaahna waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen fardo iyo fardo la fuulo iyo baqlo.
15 デダンの人々汝と商をなせり衆の島々汝の手にありて交易し象牙と黑檀をもて汝と貿易せり
Dadkii reer Dedaanna way kula baayacmushtari jireen, oo gasiirado badan ayaa kuu ahaan jiray meelahaad ku baayacmushtartid, oo waxay kuu keeni jireen foolmaroodi iyo qori haabniim ah.
16 汝の製造品の多がためにスリア汝と商をなし赤玉 紫貨 繡貨 細布 珊瑚および瑪瑙をもて汝と交易す
Suuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.
17 ユダとイスラエルの地汝に商をなしミンニテの麥と菓子と蜜と油と乳香をもて汝と交易す
Dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iilna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen sarreenkii Minniid, iyo fannag macaan, iyo malab, iyo saliid, iyo beeyo.
18 汝の製造物の多がため諸の貨物の多きがためにダマスコ、ヘルボンの酒と曝毛をもて汝と交易せり
Dimishaqna way kula baayacmushtari jirtay sancadaadii faraha badnayd aawadeed, iyo hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd oo dhan, oo waxay ka dhaafsan jirtay khamrigii Xelboon iyo dhogor cad.
19 ウザルのベダンとヤワン熟鐵をもて汝と交易す肉桂と菖蒲汝の市にあり
Wedaan iyo Yaawaan waxay alaabtaada kaga baayacmushtareen dun, oo alaabtaadana waxaa ka mid ahaa bir dhalaalaysa iyo kasiya iyo kalamus.
Dedaan waxay kaga baayacmushtari jirtay dharka qaaliga ah ee fardaha lagu saldhaysto.
21 アラビヤとケダルの君等とは汝の手に在りて商をなし羔羊と牡羊と牡山羊をもて汝と交易す
Carabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.
22 シバとラアマの商人汝と商をなし諸の貴き香料と諸の寶石と金をもて汝と交易せり
Oo reer Shebaa iyo reer Racmaahna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen xawaashka ugu fiican, iyo dhagxan kasta oo qaali ah, iyo dahab.
23 ハランとカンネとエデンとシバの商賈とアツスリヤとキルマデ汝と商をなし
Oo waxaa kaloo kula baayacmushtari jiray Xaaraan, iyo Kanneeh, iyo Ceeden, iyo baayacmushtariyaashii Shebaa, iyo Ashuur, iyo Kilmad oo dhan.
24 華美なる物と紫色なる繡の衣服と香柏の箱の綾を盛て紐にて結たる者とをもて汝の市にあり
Kuwaasu waxay ahaan jireen baayacmushtariyaasha kaa iibin jiray alaab door ah oo cayn kasta ah oo ahaa dhar buluug ah, iyo daabac, iyo sanaaduuq uu dhar qaali ahu ka buuxo oo ay xadhko ku xidhxidhan yihiin oo alwaax kedar ah laga sameeyey.
25 タルシシの船汝のために往來して商賣を爲す汝は海の中にありて豐滿にして榮あり
Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.
26 水手汝を蕩て大水の中にいたるに海の中にて東風汝を打破る
Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.
27 汝の財寶汝の商貨物汝の交易の物汝の舟子汝の舵師汝の漏を繕ふ者汝の貨物を商ふ者汝の中にあるところの凡ての軍人並に汝の中の乗者みな汝の壞るる日に海の中に陷るべし
Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.
Kuwa agagaarkaaga jooga oo dhammu waxay la wada gariiri doonaan qaylada dhawaaqa doonniyawadayaashaada.
29 凡て棹を執る者舟子および凡て海の舵師その船より下りて陸に立ち
Oo kuwa seebabka ku shaqeeya oo dhan, iyo baxriyada, iyo doonniyawadayaasha badda oo dhammuba doonniyahooda way ka soo degi doonaan, oo berrigay soo istaagi doonaan.
30 汝のために聲を擧げて痛く哭き塵を首に蒙り灰の中に輾轉び
Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.
31 汝のために髮を剃り麻布を纏ひ汝のために心を痛めて泣き甚く哭くべし
Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.
32 彼等悲みて汝のために哀の詞を宣べ汝を弔ひて言ふ孰かツロの如くなる海の中に滅びたる者の如くなると
Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?
33 汝の商貨の海より出し時は汝衆多の國民を厭しめ汝の衆多の財寶と貨物をもて世の王等を富しめたりしが
Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.
34 汝海に壞れて深き水にあらん時は汝の貨物汝の乗人みな陷らん
Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.
35 島々に住る者皆汝に駭かんその君等大に恐れてその面を振はすべし
Dadka gasiiradaha deggan oo dhammu way kula yaabsan yihiin, oo boqorradooduna aad iyo aad bay u cabsan yihiin, oo wejigooduna aad buu u argaggaxsan yahay.
36 國々の商賈汝のために嘶かん汝は人の戒懼となり限りなく失果ん
Oo baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.