< 使徒の働き 23 >
1 パウロ議會に目を注ぎて言ふ『兄弟たちよ、我は今日に至るまで事 毎に良心に從ひて神に事へたり』
Markaasaa Bawlos shirka aad u fiiriyey oo ku yidhi, Walaalayaalow, ilaa maalintan ayaan qalbi wanaagsan ku noolaa Ilaah hortiis.
2 大 祭司アナニヤ傍らに立つ者どもに、彼の口を撃つことを命ず。
Kolkaasaa wadaadkii sare oo Ananiyas la odhan jiray ku amray kuwii ag taagnaa inay afka ku dhuftaan.
3 ここにパウロ言ふ『白く塗りたる壁よ、神なんぢを撃ち給はん、なんぢ律法によりて我を審くために坐しながら、律法に悖りて我を撃つことを命ずるか』
Markaasaa Bawlos ku yidhi, Ilaah baa kugu dhufan doona, kaaga derbi caddaysanow; ma waxaad u fadhidaa inaad sharciga igu xukuntid oo aad ku amartid in laygu dhufto si aan sharcigu lahayn?
4 傍らに立つ者いふ『なんぢ神の大 祭司を罵るか』
Markaasaa kuwii ag taagnaa waxay ku yidhaahdeen, Ilaah wadaadkiisa sare miyaad caayaysaa?
5 パウロ言ふ『兄弟たちよ、我その大 祭司たることを知らざりき。録して「なんぢの民の司をそしる可からず」とあればなり』
Bawlosna wuxuu ku yidhi, Walaalayaalow, anigu ma aan garanaynin inuu wadaadkii sare yahay; maxaa yeelay, waxaa qoran, Waa inaanad wax shar ah kaga hadlin nin dadkaaga u taliya.
6 かくてパウロ、その一部はサドカイ人、その一部はパリサイ人たるを知りて、議會のうちに呼はりて言ふ『兄弟たちよ、我はパリサイ人にしてパリサイ人の子なり、我は死人の甦へることの希望につきて審かるるなり』
Laakiin Bawlos markuu gartay in dadka qaarkiis Sadukiin yahay, qaarka kalena ay Farrisiin yihiin, ayuu shirkii ka dhex qayliyey oo yidhi, Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi oo ah Farrisiinta wiilkood, oo wax ku saabsan rajada iyo sarakicidda kuwii dhintay ayaa laygu xukumayaa.
7 斯く言ひしに因りて、パリサイ人とサドカイ人との間に紛爭おこりて、會衆 相 分れたり。
Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay.
8 サドカイ人は復活もなく御使も靈もなしと言ひ、パリサイ人は兩ながらありと云ふ。
Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan.
9 遂に大なる喧噪となりて、パリサイ人の中の學者 數人たちて爭ひて言ふ『われら此の人に惡しき事あるを見ず、もし靈または御使かれに語りたるならば如何』
Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno.
10 紛爭いよいよ激しくなりたれば、千卒長、パウロの彼らに引 裂かれんことを恐れ、兵卒どもに命じて下りゆかしめ、彼らの中より引取りて陣營に連れ來らしめたり。
Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.
11 その夜、主パウロの傍らに立ちて言ひ給ふ『雄々しかれ、汝エルサレムにて我につきて證をなしたる如く、ロマにても證をなすべし』
Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.
12 夜明になりてユダヤ人、徒黨を組み盟約を立てて、パウロを殺すまでは飮食せじと言ふ。
Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane.
Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan.
14 彼らは祭司長・長老らに往きて言ふ『われらパウロを殺すまでは何をも味ふまじと堅く盟約を立てたり。
Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno.
15 されば汝 等なほ詳細に訊べんとする状して、彼を汝らの許に連れ下らすることを、議會とともに千卒長に訴へよ。我等その近くならぬ間に殺す準備をなせり』
Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.
16 パウロの姉妹の子この待伏の事をきき、往きて陣營に入りパウロに告げたれば、
Laakiin Bawlos wiilkuu abtiga u ahaa wuxuu maqlay gaadmadoodii, markaasuu yimid oo qalcaddii galay oo Bawlos u warramay.
17 パウロ百卒長の一人を呼びて言ふ『この若者を千卒長につれ往け、告ぐる事あり』
Markaasaa Bawlos wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyayaashii midkood oo ku yidhi, Wiilkan u gee sirkaalka sare, maxaa yeelay, war buu qabaa inuu u sheego.
18 百卒長これを携へ、千卒長に至りて言ふ『囚人パウロ我を呼びて、この若者なんぢに言ふべき事ありとて、汝に連れ往くことを請へり』
Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego.
19 千卒長その手を執り退きて、私に問ふ『われに告ぐる事とは何ぞ』
Markaasaa sirkaalkii sare gacanta ku qabtay isagii oo gees ula leexday oo gooni ahaan u weyddiiyey isagoo leh, Waa maxay warkaad qabtaa inaad ii sheegtid?
20 若者いふ『ユダヤ人は、汝がパウロの事をなほ詳細に訊ぶる爲にとて、明日かれを議會に連れ下ることを汝に請はんと申合せたり。
Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.
21 汝その請に從ふな、彼らの中にて四十 人 餘の者、パウロを待伏せ、之を殺すまでは飮食せじと盟約を立て、今その準備をなして汝の許諾を待てり』
Haddaba yaanay ku oggolaysiin; maxaa yeelay, waxaa isagii gaadaya kuwa ka badan afartan nin oo iyaga ka mid ah, kuwaasoo nidar galay inayan wax cunin, waxna cabbin ilaa ay isaga dilaan; haddana diyaar bay yihiin, iyagoo ballanqaad kaa filanaya.
22 ここに千卒長、若者に『これらの事を我に訴へたりと誰にも語るな』と命じて歸せり。
Haddaba sirkaalkii sare wiilkii buu iska diray isagoo ku amraya oo leh, Ninna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii muujisay.
23 さて百卒長を兩 三人よびて言ふ『今夜 九時ごろカイザリヤに向けて往くために、兵卒 二 百、騎兵 七 十、槍をとる者 二 百を整へよ』
Markaasuu wuxuu u yeedhay laba ka mid ah boqol-u-taliyayaashii oo ku yidhi, Waxaad diyaarisaan inay saddexda saacadood oo habeennimo tagaan ilaa Kaysariya laba boqol oo askar ah iyo toddobaatan fardooley ah iyo laba boqol oo warmooley ah.
24 また畜を備へ、パウロを乘せて安全に總督ペリクスの許に護送することを命じ、
Wuxuu kaloo ku yidhi, Keena neefaf ay Bawlos fuuliyaan oo nabad isaga ugu geeya taliye Feelikos.
Markaasuu qoray warqad sidan ah:
26 『クラウデオ・ルシヤ謹みて總督ペリクス閣下の平安を祈る。
Kalawdiyos Lusiyas wuxuu salaamayaa taliyaha sharafka weyn leh oo Feelikos ah.
27 この人はユダヤ人に捕へられて殺されんとせしを、我そのロマ人なるを聞き、兵卒どもを率ゐ往きて救へり。
Markii Yuhuuddu qabatay ninkan oo ay u dhowaayeen inay dilaan, ayaan askar la imid oo bixiyey, markaan ogaaday inuu reer Rooma yahay.
28 ユダヤ人の彼を訴ふる理由を知らんと欲して、その議會に引き往きたるに、
Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay;
29 彼らの律法の問題につき訴へられたるにて、死もしくは縛に當る罪の訴訟にあらざるを知りたり。
kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.
30 又この人を害せんとする謀計ありと我に聞えたれば、われ俄にこれを汝のもとに送り、これを訴ふる者に、なんぢの前にて彼を訴へんことを命じたり』
Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.
31 ここに兵卒ども命ぜられたる如くパウロを受けとりて、夜中アンテパトリスまで連れてゆき、
Sidaas daraaddeed ayaa askartii, sidii lagu amray, Bawlos kaxeeyeen, oo habeennimo keeneen Antibatris.
32 翌日これを騎兵に委ね、ともに往かしめて陣營に歸れり。
Laakiin maalintii dambe ayay fardooleydii daayeen inay isaga sii raacaan, iyaguna waxay ku noqdeen qalcaddii;
33 騎兵はカイザリヤに入り、總督に書をわたし、パウロを其の前に立たしむ。
kuwaasu markay Kaysariya yimaadeen oo ay warqaddii u dhiibeen taliyaha, ayay Bawlos hor taageen isagii.
34 總督、書を讀みて、パウロのいづこの國の者なるかを問ひ、そのキリキヤ人なるを知りて、
Markuu akhriyeyna, wuxuu weyddiiyey gobolkii uu ka yimid; oo kolkuu ogaaday inuu Kilikiya ka yimid,
35 『汝を訴ふる者の來らんとき、尚つまびらかに汝のことを聽かん』と言ひ、かつ命じて、ヘロデでの官邸に之を守らしめたり。
ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.