< 列王記Ⅱ 5 >
1 スリア王の軍勢の長ナアマンはその主君のまへにありて大なる者にしてまた貴き者なりき是はヱホバ曾て彼をもてスリアに拯救をほどこしたまひしが故なり彼は大勇士なりしが癩病をわづらひ居る
Haddaba Nacamaan oo ahaa sirkaalkii ciidanka boqorka Suuriya wuxuu ahaa nin xagga sayidkiisa ku weyn oo ciso leh, maxaa yeelay, isaga ayaa Rabbigu reer Suuriya lib ku siiyey; oo weliba wuxuu ahaa nin xoog leh, laakiinse baras buu qabay.
2 昔にスリア人隊を組ていでたりし時にイスラエルの地より一人の小女を執へゆけり彼ナアマンの妻に事たりしが
Oo reer Suuriyana guutooyin bay ku baxeen, oo waxay dalkii Israa'iil ka soo dhaceen gabadh yar, oo iyana Nacamaan bilcantiisa ayay u adeegi jirtay.
3 その女主にむかひわが主サマリヤに居る預言者の前にいまさば善らん者をかれその癩病を痊すならんと言たれば
Oo waxay sayidaddeedii ku tidhi, Hoogay, haddii sayidkaygu hor tegi lahaa nebiga Samaariya jooga wuu ka bogsiin lahaa baraskan.
4 ナアマン入りてその主君に告てイスラエルの地よりきたれる女子斯々語りたりと言ふに
Oo mid baa sayidkiisii u galay oo ku yidhi, Gabadhii dalka Israa'iil ka timid saas iyo saas bay tidhi.
5 スリヤ王いひけるは往よ往よ我イスラエルの王に書をおくるべしと是において彼いでゆき銀十タラントと金六千および衣服十襲をたづさヘ
Markaasaa boqorkii Suuriya wuxuu Nacamaan ku yidhi, War orod oo tag, oo anna warqad baan kuugu sii dhiibayaa boqorka dalka Israa'iil. Oo isna wuu tegey, oo wuxuu qaaday toban talanti oo lacag ah, iyo lix kun oo sheqel oo dahab ah, iyo toban iskujoog oo dhar ah.
6 イスラエルの王にその書をもちゆけりその文に曰くこの書汝にいたらば視よ我わが臣ナアマンをなんぢに遣はせるなりこは汝にその癩病を痊されんがためなり
Oo wuxuu u keenay boqorkii dalka Israa'iil warqaddii lahayd, Haddaba markii warqaddanu kuu timaado, bal eeg, addoonkayga Nacamaan ah ayaan kugu soo diray si aad baraska uga bogsiisid.
7 イスラエルの王その書を讀み衣を裂ていふ我神ならんや爭か殺すことをなし生すことをなしえん然るに此人なんぞ癩病の人を我に遣はしてこれを痊さしめんとするや然ば請ふ汝等彼が如何に我に爭を求むるかを見て知れと
Oo markii boqorkii dalka Israa'iil warqaddii akhriyey ayuu dharkiisii iska jeexjeexay oo wuxuu yidhi, War ma anigaa ah Ilaah wax dili kara, waxna noolayn kara? Oo ninkanu ma saasuu nin iigu soo diray si aan baraska uga bogsiiyo? Waan idin baryayaaye bal u fiirsada siduu ii daandaansanayo.
8 茲に神の人エリシヤ、イスラエルの王がその衣を裂たることをきき王に言遣しけるは汝何とて汝の衣をさきしや彼をわがもとにいたらしめよ然ば彼イスラエルに預言者のあることを知にいたるべし
Oo markii Eliishaa oo ahaa nin Ilaah uu maqlay in boqorkii dalka Israa'iil dharkiisii iska jeexjeexay ayuu u cid diray boqorkii oo ku yidhi, War maxaad dharkaagii isaga jeexjeexday? Bal isagu ha ii yimaado, oo wuxuu ogaan doonaa in dalka Israa'iil nebi dhex joogo.
9 是においてナアマンその馬と車とをしたがへ來りてエリシヤの家の門に立けるに
Markaasaa Nacamaan yimid, isagoo wata fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, oo wuxuu soo hor istaagay albaabkii gurigii Eliishaa.
10 エリシヤ使をこれに遣して言ふ汝ゆきて身をヨルダンに七たび洗へ然ば汝の肉本にかへりて汝は清く爲べしと
Oo Eliishaa wargeeyuu u diray oo wuxuu ku yidhi, Tag oo Webi Urdun toddoba jeer ku maydho, oo jiidhkaagu mar kaluu kuu soo noqon doonaa, oo nadiif baad ahaan doontaa.
11 ナアマン怒りて去り言けるは我は彼かならず我もとにいできたりて立ちその神ヱホバの名を呼てその所の上に手を動して癩病を痊すならんと思へり
Laakiinse Nacamaan wuu cadhooday oo tegey, oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan mooday inuu isaga qudhiisu ii soo baxayo oo istaagayo, oo uu magaca Rabbiga Ilaahiisa ah iigu ducaynayo, oo uu gacantiisa meesha bukta dul marmarinayo, oo uu saas baraska ku bogsiinayo.
12 ダマスコの河アバナとパルパルはイスラエルのすべての河水にまさるにあらずや我これらに身を洗ふて清まることを得ざらんやと乃ち身をめぐらし怒りて去る
War Abaanaah iyo Farfar oo ah webiyadii Dimishaq sow kama wanaagsana biyaha dalka Israa'iil oo dhan? Bal miyaanan iyaga ku maydhan karin oo nadiif ahaan karin? Sidaas daraaddeed wuu noqday, oo wuxuu tegey isagoo cadhaysan.
13 時にその僕等近よりてこれにいひけるは我父よ預言者なんぢに大なる事をなせと命ずるとも汝はそれを爲ざらんや况て彼なんぢに身を洗ひて清くなれといふをやと
Laakiinse addoommadiisii ayaa u yimid oo la hadlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbow, haddii nebigu wax weyn kugu amro sow ma aadan samayseen? Haddaba bal maxaa ka sahlan hadduu kugu yidhaahdo, Maydho, oo nadiif noqo?
14 是においてナアマン下りゆきて神の人の言のごとくに七たびヨルダンに身を洗ひしにその肉本にかへり嬰兒の肉の如くになりて清くなりぬ
Markaasuu tegey, oo sidii ninkii Ilaah isaga ku yidhi ayuu yeelay, oo Webi Urdun ayuu toddoba jeer liimbaday; oo jiidhkiisiina mar kaluu u soo noqday isagoo u eg ilmo yar jiidhkiis, nadiif buuna noqday.
15 かれすなはちその從者とともに神の人の許にかへりきたりてその前に立ていふ我いまイスラエルのほかは全地に神なしと知る然ば請ふ僕より禮物をうけよ
Markaasuu ninkii Ilaah ku noqday, oo isagii iyo kooxdiisii oo dhammuba, intay yimaadeen ayay hortiisii soo istaageen; oo isna wuxuu yidhi, Bal eeg, haatan waan ogahay inaan dunida oo dhan Ilaah lagu arag dalka Israa'iil mooyaane, haddaba sidaas daraaddeed waxaan kaa baryayaa inaad qaadato hadiyaddayda anoo addoonkaaga ah.
16 エリシヤいひけるはわが事へまつるヱホバは活く肯て禮物をうけじとかれ強て之を受しめんとしたれども遂にこれを辭したり
Laakiinse Eliishaa wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga aan hor taagnahaye inaanan waxba kaa qaadanayn. Oo isna wuu ku sii cadaadiyey inuu qaato, laakiinse Eliishaa wuu diiday.
17 ナアマンいひけるは然ば請ふ騾馬に二駄の土を僕にとらせよ僕は今よりのち他の神には燔祭をも祭品をもささげずして只ヱホバにのみ献げんとす
Markaasaa Nacamaan wuxuu yidhi, Haddii ayan saas ahayn weliba waxaan kaa baryayaa in anigoo addoonkaaga ah lay siiyo ciid intii ay laba baqal qaadi karaan, waayo, anigoo addoonkaaga ah, hadda ka dib Rabbiga mooyaane ilaahyo kale u bixin maayo qurbaan la gubo iyo allabari toona.
18 ねがはくは主この事につきて僕をゆるしたまへ即ちわが主君リンモンの宮にいりそこにて崇拝をなしてわが手に倚ることありまた我リンモンの宮にありて身をかがむることあらんわがリンモンの宮において身をかがむる時に願くはヱホバその事につきて僕をゆるしたまへと
Oo waxakanna Rabbigu ha iga cafiyo anigoo addoonkaaga ah, markii sayidkaygu guriga Rimmon u tago inuu ku tukado, oo uu ku tiirsada gacantayda ee aan anna ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa, oo markaan ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa Rabbigu anigoo addoonkaaga ah ha iga cafiyo waxakan.
19 エリシヤ彼になんぢ安じて去れといひければ彼エリシヤをはなれて少しく進みゆきけるに
Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo nabad ku tag. Sidaas daraaddeed in yar buu ka socday.
20 神の人エリシヤの僕ゲハジいいひけるは吾が主人は此スリア人ナアマンをいたはりて彼が手に携へきたれるものを受ざりしがヱホバは活くわれ彼のあとを追かけて彼より少く物をとらんと
Laakiinse Geexasii oo ahaa midiidinkii Eliishaa oo ahaa ninkii Ilaah wuxuu yidhi, Bal eega, sayidkaygu wuu u tudhay Nacamaan kii reer Suuriya, oo wixii uu u keenayna waxba kama uu qaadan. Waxaan Rabbiga noloshiisa ugu dhaartay inaan intaan isagii ka daba ordo wax ka soo qaato.
21 ゲハジすなはちナアマンのあとをおひ行くにナアマンはおのれのあとに走り來る者あるを見て車より下りこれを迎へて皆平安やと言ふに
Sidaas daraaddeed Geexasii wuxuu daba galay Nacamaan. Oo Nacamaanna markuu arkay mid soo daba ordaya ayuu gaadhifaraskiisii ka soo degtay inuu ka hor tago, oo wuxuu ku yidhi, War ma nabad baa?
22 彼言けるは皆平安しわが主我を遣していはしむ只今エフライムの山より預言者の徒なる二人の少者わが許に來れり請ふ汝かれらに銀一タラントと衣二襲をあたへよと
Oo isna wuxuu ku yidhi, Waa nabad. Oo sayidkaygii baa i soo diray oo wuxuu kugu soo yidhi, Haddeerba waxaa ii yimid laba nin oo dhallinyar oo qoonkii nebiyada ah oo ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad iyaga siiso talanti lacag ah iyo laba iskujoog oo dhar ah.
23 ナアマンいひけるは望むらくは二タラントを取れとてかれを強ひ銀二タラントを二の袋にいれ衣二襲を添て二人の僕に負せたれば彼等これをゲハジの前に負きたりしが
Markaasaa Nacamaan yidhi, Oggolow oo qaad laba talanti oo lacag ah. Wuuna ku sii adkeeyey, oo labadii talanti wuxuu ugu xidhay laba kiish, oo wuxuu ugu sii daray laba iskujoog oo dhar ah, oo weliba wuxuu u saaray laba midiidinnadiisii ah, oo iyana intay u qaadeen ayay hortiisa socdeen.
24 彼岡に至りしとき之をかれらの手より取て室のうちにをさめかれらを放ちて去しめ
Oo markuu buurtii yimid ayuu gacmahoodii ka qaaday, oo guriguu dhigtay; nimankiina wuu iska diray oo way tageen.
25 而して入てその主人のまへに立つにエリシヤこれにいひけるはゲハジよ何處より來りしや答へていふ僕は何處にもゆかず
Oo isagiina intuu gudaha galay ayuu sayidkiisii hor istaagay. Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Geexasiiyow, xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu meella ma tegin.
26 エリシヤいひけるはその人が車をはなれ來りてなんぢを迎へし時にわが心其處にあらざりしや今は金をうけ衣をうけ橄欖園葡萄園羊牛僕婢をうくべき時ならんや
Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, War sow qalbigaygu kulama socon markii ninku gaadhifaraskiisii ka soo noqday inuu kaa hor yimaado? War haatan ma wakhti lacag la qaataa oo ma wakhti la qaataa dhar, iyo beero saytuun ah, iyo beero canab ah, iyo ido, iyo dibi, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah?
27 然ばナアマンの癩病はなんぢにつき汝の子孫におよびて限なからんと彼その前より退ぞくに癩病發して雪のごとくになりぬ
Haddaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.