< Wahyu 20 >
1 Saya melihat malaikat yang turun dari Surga, memegang kunci jurang maut dan sebuah rantai besar di tangannya. (Abyssos )
Oo markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn. (Abyssos )
2 Dia menangkap sang naga, si ular kuno itu, yang adalah Iblis dan Setan, dan mengikat dia dengan rantai selama seribu tahun.
Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay,
3 Malaikat itu melemparkan dia ke dalam jurang maut, menutup dan menyegelnya, agar ular itu tidak bisa lagi menipu bangsa-bangsa sampai masa seribu tahun berakhir. Sesudah itu dia akan dibebaskan untuk waktu yang sangat singkat. (Abyssos )
oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar. (Abyssos )
4 Saya melihat orang-orang yang duduk di atas tahta yang diberikan tanggung jawab untuk menghakimi, dan jiwa-jiwa yang dipenggal kepalanya oleh karena mereka menjadi saksi bagi Yesus dan menyebarkan Firman Allah. Mereka tidak menyembah binatang itu ataupun patungnya, juga tidak menerima tanda binatang itu pada dahi ataupun tangan mereka. Mereka hidup dan bertahta bersama dengan Kristus selama seribu tahun.
Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.
5 Ini adalah kebangkitan pertama. (Orang-orang mati yang lain tidak hidup kembali sampai seribu tahun itu berakhir.)
Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad.
6 Berbahagialah dan kuduslah mereka yang mengambil bagian dalam kebangkitan pertama! Kematian kedua tidak memiliki kuasa atas mereka. Mereka akan menjadi para imam Allah dan Kristus, dan mereka akan bertahta bersama-sama dengan Dia selama seribu tahun lamanya.
Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.
7 Sesudah seribu tahun berlalu, Setan akan dibebaskan dari penjaranya,
Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay,
8 dan akan keluar untuk menipu bangsa-bangsa, yang dilambangkan dengan Gog dan Magog, untuk mengumpulkan mereka bersama dalam peperangan dari ke empat sudut dunia. Jumlah mereka tidak dapat dihitung karena banyaknya sama dengan jumlah pasir di tepi pantai.
oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.
9 Mereka membentuk barisan di seluruh muka bumi inidan mengepung perkemahan orang-orang percaya, yaitu kota terkasih. Tetapi api turun dari langit dan membakar mereka.
Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.
10 Si Iblis, yang sudah menipu mereka, dilemparkan ke dalam danau api dan belerang, tempat binatang dan penyampai pesan palsu itu juga dilemparkan, dan mereka akan menderita sengsara sepanjang waktu untuk selama-lamanya. (aiōn , Limnē Pyr )
Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba. (aiōn , Limnē Pyr )
11 Lalu saya melihat singgasana putih besar dengan Dia yang duduk di atasnya. Surga dan bumi lenyap, dan mereka tidak pernah terlihat lagi.
Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.
12 Saya melihat banyak orang mati, baik orang biasa maupun orang terkenal, berdiri di depan takhta itu, dan kitab yang dibuka. Sebuah kitab lain, yaitu Kitab Kehidupan, dibuka dan orang-orang mati itu dihakimi sesuai dengan segala yang tertulis dalam buku-buku itu yang berisi semua perbuatan yang pernah mereka lakukan.
Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.
13 Laut menyerahkan orang mati di dalamnya, dan maut dan Hades menyerahkan orang mati yang ada di dalamnya, dan setiap orang dihakimi menurut apa yang telah mereka lakukan. (Hadēs )
Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. (Hadēs )
14 Lalu kematian dan Hades di lemparkan ke dalam lautan api. Lautan api itulah kematian yang kedua. (Hadēs , Limnē Pyr )
Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah. (Hadēs , Limnē Pyr )
15 Dan orang yang namanya tidak tertulis dalam Buku Kehidupan dilemparkan ke dalam danau api. (Limnē Pyr )
Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. (Limnē Pyr )