< Mikeás 2 >
1 Oh azok kik jogtalanságot gondolnak ki és rosszat cselekesznek fekvőhelyeiken; a reggel virradtakor megcselekszik, mert van rá mód a kezükben.
Waxaa hoogay kuwa xumaanta ka fikira oo waxyaalaha sharka ah sariirahooda ku hindisa. Markii waagu beryo ayay sameeyaan, maxaa yeelay, taas gacantooda baa xoog u leh.
2 Megkívánnak mezőket és elrabolják, házakat, és elveszik; kifosztják a férfit és házát, embert és birtokát.
Oo waxay damcaan beero, kolkaasay xoog ku qabsadaan, oo waxay damcaan guryo oo way iska qaataan, oo waxay dulmaan nin iyo reerkiis, iyo xataa nin iyo dhaxalkiis.
3 Azért így szól az Örökkévaló: Íme én kigondolok a nemzetség ellen veszedelmet, a honnan nem mozdíthatjátok el a nyakatokat, és nem járhattok magasan, mert gonosz idő az.
Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan hindisay belaayo qoyskan ka gees ah, taas oo aydaan surkiinna kala bixi doonin, oo weliba si kibir leh uma socon doontaan, waayo, waa wakhti xun.
4 Ama napon példázatot hangoztatnak rólatok: és jajgatnak jajgató jajgatással, mondván: Pusztítva pusztíttattunk el, népemnek osztályrészét másnak adja – mint mozdít el engem! – a hódítónak, ki mezőnket felosztja.
Wakhtigaas waxaa laydinku qaadi doonaa masaal, waxaa lagu barooran doonaa baroor aad u weyn, oo waxaa la odhan doonaa, Annaga waa nala wada baabbi'iyey. Isagu waa beddelaa qaybtii dadkayga. Bal sidee buu iiga wareejiyaa! Oo beerahayagiina wuxuu u qaybiyaa caasiyiinta.
5 Azért nem lesz neked, ki mérőkötelet vet a sors útján az Örökkévalónak gyülekezetében!
Sidaas daraaddeed ururka Rabbiga dhexdiisa kuma lahaan doontid mid wax ku qiyaasa xadhigga saamiga.
6 Ne szónokoljatok! – szónokolják; ne szónokoljanak ezeknek, nem szűnik meg a gyalázkodás!
Waxay iyagu ku yidhaahdaan, Waxba ha sii sheegina. Iyagu kuwan waxba uma sii sheegi doonaan. Oo hadallo cay ah kama dhammaan doonaan.
7 Mily mondás, oh Jákób háza, vajon kifogyott-e az Örökkévaló türeleme, avagy ilyenek-e az ő cselekedetei? Nemde jót tesznek szavaim az egyenesen járóval.
Reer Yacquubow, ma waxaa la odhan doonaa, Ruuxii Rabbigu miyuu soo dulqaadasho yaraaday? Kuwanuse ma falimihiisii baa? Miyaan erayadaydu wax wanaagsan u tarin kii si qumman u socda?
8 De népem ellenében ellenségül támadnak: felül a ruhán lehúzzátok a köpenyt azokról, kik bizton vonulnak, harczból visszatérve.
Laakiinse waayahan dambeba dadkaygii wuxuu u kacay sidii cadow oo kale. Waxaad marada ka saartaan dharka dadka jidka ammaan ku maraya sidii kuwa dagaal ka noqda.
9 Népemnek asszonyait kiűzitek gyönyörködésük házából, kisdedeikről leszeditek az én ékességemet mindétig!
Dumarkii dadkayga waxaad ka saartaan guryahoodii wacnaa, oo carruurtoodii yaryaraydna waxaad weligiin ka qaadataan ammaantaydii.
10 Keljetek föl s menjetek, mert nem ez a nyugalom, a rontó tisztátalanság, az iszonyú romlás miatt.
Sara joogsada oo taga, waayo, tanu ma aha nasashadiinna, maxaa yeelay, waxaa jirta wasakh wax ku baabbi'inaysa baabba' xoog badan.
11 Ha valaki, ki széllel és hamissággal jár, azt hazudja szónokolok neked borról és részegítő italról, az lenne a népnek szónokklója.
Nin dabayl iyo khiyaano ku dhex socda hadduu been sheego oo yidhaahdo, Waxaan wax kaaga sii sheegayaa khamri iyo wax lagu sakhraamo, xataa kaasu nebi buu dadkan u noqon doonaa.
12 Gyűjtve gyűjtelek, Jákób, egészen, összehozva összehozom Izraél maradékát, egyaránt ollyá teszem, mint az akol juhait, mint nyáj a legelőjén, zajongni fognak embertől.
Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.
13 Haladt az úttörő előttük, áttörnek és elvonulnak, a kapun mentek ki; előttük vonult királyuk, az Örökkévaló élükön!
Kan wax jebiyo ayaa hortood tegey. Way soo fara baxsadeen oo waxay u gudbeen xagga iridda, oo halkaasay ka bexeen, oo boqorkoodiina hortooduu maray, oo Rabbiguna waa kan madax u ah.