< Ézsaiás 9 >

1 Mert nincsen-e borongás, ahol szorongás van? Mostanában az első könnyűt végzett Zebúlún országában és Naftáli országában; de az utóbbi nehezet végez a tenger felé, a Jordán mellékén, a népek kerületében.
Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah.
2 A nép, mely sötétségben járt, nagy világosságot látott; a homály országának lakói – világosság fénylett fölöttük.
Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.
3 Megsokasítottad a nemzetet, öregbítetted örömét, örültek előtted, amint örülnek aratásban, valamint ujjonganak, mikor zsákmányt osztanak.
Adigu quruunta waad badisay, oo farxaddoodiina waad sii kordhisay, oo waxay hortaada ugu farxaan sida farxadda wakhtiga beeraha la goosto, iyo sida niman booli qaybsanayaa ay u reyreeyaan oo kale.
4 Mert terhének jármát és hátának vesszejét, elnyomójának botját összetörted, mint Midján napján.
Waayo, harqoodkii ku cuslaa, iyo hangoolkii garbaha lagaga dhufan jiray, iyo ushii kii dulmi jiray, ayaad jebisay sidii waagii reer Midyaan.
5 Mert a csatazajban fegyverkezőnek fegyverzete és a vérben hurcolt ruházat el lesz égetve, s a tűznek eledele.
Waayo, ninka hubka leh ee buuqa ku dhex jira hubkiisa oo dhan iyo dharka dhiigga miidhanna waa la gubi doonaa oo waxaa laga dhigi doonaa wax dabka lagu shido.
6 Mert gyermek született nekünk, fiú adatott nekünk és vállán van az uralom és e néven hívják: Csodálatosat határoz a hatalmas Isten, Örök atya, Béke fejedelme;
Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda.
7 az uralom nagyobbítására és békére vég nélkül Dávid trónján és királysága fölött, hogy megszilárdítsa és megtámassza joggal és igazsággal mostantól mindörökké. Az Örökkévalónak, a seregek urának buzgalma cselekszi ezt.
Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.
8 Igét küldött az Úr Jákobba és leszállt Izraelben;
Sayidku wuxuu eray u soo diray dadka Yacquub wuxuuna ku kor dhacay dadka Israa'iil.
9 hogy megtudja az egész nép, Efraim meg lakója Sómrónnak, kik büszkeséggel és a szív fennhéjázásával mondják:
Oo waxaa garan doona dadka oo dhan, xataa reer Efrayim iyo kuwa Samaariya deggan oo kibirka iyo islaweynaanta qalbiga ku hadla, iyagoo leh,
10 téglák dőltek le, majd faragott kővel építünk, vadfügefák vágattak ki, majd cédrusokkal pótoljuk.
Lebennadii way soo dheceen, laakiinse annagu waxaannu ku dhisi doonnaa dhagaxyo la qoray, geedihii darayga ahaa waa la jaray, laakiinse waxaannu ku beddeli doonnaa geedo kedar ah.
11 És fölmagasította ellene az Örökkévaló Reczín szorongatóit, és ellenségeit feluszítja.
Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku soo kicin doonaa kuwa Resiin la col ah, oo cadaawayaashiisana wuu isku soo wada ururin doonaa dhammaantood,
12 Elől arám s hátul a filiszteusok, és falták Izraelt egész szájjal. Mind amellett nem fordult el haragja és egyre kinyújtva a keze!
wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
13 A nép pedig nem tért meg ahhoz, aki verte és az Örökkévalót, a seregek urát nem keresték.
Laakiinse dadku uma ay soo noqon kii iyaga wax ku dhuftay, mana ay doondoonin Rabbiga ciidammada.
14 És kiirtott az Örökkévaló Izraelből fejet és farkat, pálmaágat és kákát egy napon.
Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu maalin keliya ayuu dadka Israa'iil ka jari doonaa madaxa iyo dabadaba, iyo laanta iyo cawsduurkaba.
15 Vén és tekintélyben álló, az a fej; próféta, ki hazugságot tanít, ez a fark.
Odayga iyo kan sharafta lahu waa madaxa, oo nebiga dadka beenta baraana waa dabada.
16 És lettek e nép vezetői tévesztők és a vezetettjei elveszítettek.
Waayo, dadkan hoggaamiyayaashoodu way qaldaan, oo kuwa la hoggaamiyaana way wada baabba'aan.
17 Azért nem örül ifjain az Úr és nem irgalmaz árváinak és özvegyeinek, mert mindnyája istentelen és gonosztevő és minden száj aljasságot beszél. Mind amellett nem fordult el haragja és egyre kinyújtva a keze!
Haddaba sidaas daraaddeed Sayidku ku farxi maayo barbaarradooda, oo agoontooda iyo carmalladoodana u naxariisan maayo, waayo, midkood kastaaba waa cibaadalaawe iyo xumaanfale, oo af kastaana wuxuu ku hadlaa wax nacasnimo ah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
18 Mert égett mint a tűz a gonoszság, tövist és gazt emészt, és meggyújtotta az erdő sűrűjét és felgomolyog benne az emelkedő füst.
Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.
19 Az Örökkévalónak, a seregek urának haragjától elborult az ország és mint tűznek eledele lett a nép, egyik a másikán nem könyörül.
Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo.
20 Jobbfelől vágott le és éhezett, ettek balfelől és nem laktak jól, ki-ki karjának húsát eszi:
Xagga gacanta midig ayaa wax laga dhufsan doonaa, waana la sii gaajoon doonaa, xagga gacanta bidixna wax baa lagu cuni doonaa, lamana dhergi doono, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka gacantiisa.
21 Menasse Efraimot, és Efraim Menassét, együttesen ők Jehúda ellen. Mind amellett nem fordult el haragja és egyre kinyújtva a keze!
Reer Manaseh waxay cuni doonaan reer Efrayim, oo reer Efrayimna waxay cuni doonaan reer Manaseh, oo iyana dhammaantood waxay col ku ahaan doonaan reer Yahuudah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

< Ézsaiás 9 >