< 1 इतिहास 24 >

1 फिर हारून की सन्तान के दल ये थे। हारून के पुत्र तो नादाब, अबीहू, एलीआजर और ईतामार थे।
Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
2 परन्तु नादाब और अबीहू अपने पिता के सामने पुत्रहीन मर गए, इसलिए याजक का काम एलीआजर और ईतामार करते थे।
Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.
3 और दाऊद ने एलीआजर के वंश के सादोक और ईतामार के वंश के अहीमेलेक की सहायता से उनको अपनी-अपनी सेवा के अनुसार दल-दल करके बाँट दिया।
Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd.
4 एलीआजर के वंश के मुख्य पुरुष, ईतामार के वंश के मुख्य पुरुषों से अधिक थे, और वे ऐसे बाँटे गए: अर्थात् एलीआजर के वंश के पितरों के घरानों के सोलह, और ईतामार के वंश के पितरों के घरानों के आठ मुख्य पुरुष थे।
Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen.
5 तब वे चिट्ठी डालकर बराबर-बराबर बाँटे गए, क्योंकि एलीआजर और ईतामार दोनों के वंशों में पवित्रस्थान के हाकिम और परमेश्वर के हाकिम नियुक्त हुए थे।
Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba.
6 और नतनेल के पुत्र शमायाह जो शास्त्री और लेवीय था, उनके नाम राजा और हाकिमों और सादोक याजक, और एब्यातार के पुत्र अहीमेलेक और याजकों और लेवियों के पितरों के घरानों के मुख्य पुरुषों के सामने लिखे; अर्थात् पितरों का एक घराना तो एलीआजर के वंश में से और एक ईतामार के वंश में से लिया गया।
Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.
7 पहली चिट्ठी तो यहोयारीब के, और दूसरी यदायाह,
Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah,
8 तीसरी हारीम के, चौथी सोरीम के,
kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim,
9 पाँचवीं मल्किय्याह के, छठवीं मिय्यामीन के,
kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin,
10 १० सातवीं हक्कोस के, आठवीं अबिय्याह के,
kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah,
11 ११ नौवीं येशुअ के, दसवीं शकन्याह के,
kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah,
12 १२ ग्यारहवीं एल्याशीब के, बारहवीं याकीम के,
kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,
13 १३ तेरहवीं हुप्पा के, चौदहवीं येसेबाब के,
kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,
14 १४ पन्द्रहवीं बिल्गा के, सोलहवीं इम्मेर के,
kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,
15 १५ सत्रहवीं हेजीर के, अठारहवीं हप्पित्सेस के,
kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,
16 १६ उन्‍नीसवीं पतह्याह के, बीसवीं यहेजकेल के,
kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel,
17 १७ इक्कीसवीं याकीन के, बाईसवीं गामूल के,
kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,
18 १८ तेईसवीं दलायाह के, और चौबीसवीं माज्याह के नाम पर निकलीं।
kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah.
19 १९ उनकी सेवकाई के लिये उनका यही नियम ठहराया गया कि वे अपने उस नियम के अनुसार जो इस्राएल के परमेश्वर यहोवा की आज्ञा के अनुसार उनके मूलपुरुष हारून ने चलाया था, यहोवा के भवन में जाया करें।
Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.
20 २० बचे हुए लेवियों में से अम्राम के वंश में से शूबाएल, शूबाएल के वंश में से येहदयाह।
Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.
21 २१ बचा रहब्याह, अतः रहब्याह, के वंश में से यिश्शिय्याह मुख्य था।
Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa.
22 २२ यिसहारियों में से शलोमोत और शलोमोत के वंश में से यहत।
Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad.
23 २३ हेब्रोन के वंश में से मुख्य तो यरिय्याह, दूसरा अमर्याह, तीसरा यहजीएल, और चौथा यकमाम।
Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.
24 २४ उज्जीएल के वंश में से मीका और मीका के वंश में से शामीर।
Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir.
25 २५ मीका का भाई यिश्शिय्याह, यिश्शिय्याह के वंश में से जकर्याह।
Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah.
26 २६ मरारी के पुत्र महली और मूशी और याजिय्याह का पुत्र बिनो था।
Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.
27 २७ मरारी के पुत्र: याजिय्याह से बिनो और शोहम, जक्कूर और इब्री थे।
Wiilashii Meraariina, waxaa reer Yacasiyaah ka joogay Benoo, iyo Shoham, iyo Sakuur, iyo Cibrii.
28 २८ महली से, एलीआजर जिसके कोई पुत्र न था।
Reer Maxliina waxaa ka joogay Elecaasaar, oo aan waxba wiilal lahayn.
29 २९ कीश से कीश के वंश में यरहमेल।
Reer Qiishna waxaa ka joogay ina Qiish, oo ahaa Yeraxme'eel.
30 ३० और मूशी के पुत्र, महली, एदेर और यरीमोत। अपने-अपने पितरों के घरानों के अनुसार ये ही लेवीय सन्तान के थे।
Reer Mushii waxaa ka joogay Maxlii, iyo Ceeder, iyo Yeriimood. Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi siday qolooyinkoodu kala ahaayeen.
31 ३१ इन्होंने भी अपने भाई हारून की सन्तानों की तरह दाऊद राजा और सादोक और अहीमेलेक और याजकों और लेवियों के पितरों के घरानों के मुख्य पुरुषों के सामने चिट्ठियाँ डालीं, अर्थात् मुख्य पुरुष के पितरों का घराना उसके छोटे भाई के पितरों के घराने के बराबर ठहरा।
Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.

< 1 इतिहास 24 >