< תהילים 5 >

למנצח אל הנחילות מזמור לדוד אמרי האזינה יהוה בינה הגיגי׃ 1
Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda.
הקשיבה לקול שועי מלכי ואלהי כי אליך אתפלל׃ 2
Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
יהוה בקר תשמע קולי בקר אערך לך ואצפה׃ 3
Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
כי לא אל חפץ רשע אתה לא יגרך רע׃ 4
Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo.
לא יתיצבו הוללים לנגד עיניך שנאת כל פעלי און׃ 5
Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
תאבד דברי כזב איש דמים ומרמה יתעב יהוה׃ 6
Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
ואני ברב חסדך אבוא ביתך אשתחוה אל היכל קדשך ביראתך׃ 7
Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
יהוה נחני בצדקתך למען שוררי הושר לפני דרכך׃ 8
Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
כי אין בפיהו נכונה קרבם הוות קבר פתוח גרונם לשונם יחליקון׃ 9
Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
האשימם אלהים יפלו ממעצותיהם ברב פשעיהם הדיחמו כי מרו בך׃ 10
Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen.
וישמחו כל חוסי בך לעולם ירננו ותסך עלימו ויעלצו בך אהבי שמך׃ 11
Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.
כי אתה תברך צדיק יהוה כצנה רצון תעטרנו׃ 12
Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa, Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.

< תהילים 5 >