< מארק 3 >
וישב ויבאו אל בית הכנסת ושם איש אשר ידו יבשה׃ | 1 |
Kol dambe wuxuu galay sunagogga; halkaasna waxaa joogay nin gacan engegan.
ויתבוננו בו אם ירפאהו בשבת למען ימצאו עליו שטנה׃ | 2 |
Markaasay fiirinayeen inuu sabtida bogsiinayo iyo in kale, si ay u ashtakeeyaan.
ויאמר אל האיש אשר יבשה ידו קום עמד בתוך׃ | 3 |
Kolkaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Dhexda isa soo taag.
ויאמר אליהם הנכון בשבת להיטיב או להרע להציל נפש או לאבדה ויחרישו׃ | 4 |
Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.
ויבט אליהם סביב בחמה ויתעצב על טמטום לבבם ויאמר אל האיש פשט את ידך ויפשט ידו ותרפא ותשב כאחרת׃ | 5 |
Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay, oo gacantiisu way bogsatay.
והפרושים יצאו מהרה ויתיעצו עליו עם ההורדוסיים לאבדו׃ | 6 |
Markaasaa Farrisiintu baxeen, oo markiiba waxay kala tashadeen Herodosiintii si ay u dilaan isaga.
וישוע סר משם עם תלמידיו אל יד הים וילכו אחריו המון עם רב מן הגליל ומיהודה׃ | 7 |
Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,
ומירושלים ומאדום ומעבר הירדן ומסביבות צור וצידון המון רב אשר שמעו את כל אשר עשה ויבאו אליו׃ | 8 |
iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee uu samaynayay ayay u yimaadeen.
ויאמר אל תלמידיו כי יכינו לו אניה קטנה מפני העם למען לא ילחצוהו׃ | 9 |
Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin.
כי רפא לרבים עד כי התנפלו עליו כל המנגעים לנגע בו׃ | 10 |
Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.
והרוחות הטמאות כראותן אתו נפלו לפניו ותצעקנה לאמר אתה הוא בן אלהים׃ | 11 |
Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.
ויגער בהן מאד אשר לא תגלינה אותו׃ | 12 |
Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.
ויעל אל ההר ויקרא אל אשר הוא חפץ בם ויבאו אליו׃ | 13 |
Goortaasuu buurta fuulay; wuu u yeedhayna kuwii uu doonayay; wayna u yimaadeen.
וישם שנים עשר איש למען יהיו אתו ולמען ישלחם לקרא׃ | 14 |
Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan,
והיה להם השלטן לרפא את התחלאים ולגרש את השדים׃ | 15 |
iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan.
ויכנה את שמעון בשם פטרוס׃ | 16 |
Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey,
ואת יעקב בן זבדי ואת יוחנן אחי יעקב ויכנה אתם בשם בני רגוש הוא בני רעם׃ | 17 |
iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka,
ואת אנדרי ואת פילפוס ואת בר תלמי ואת מתי ואת תומא ואת יעקב בן חלפי ואת תדי ואת שמעון הקני׃ | 18 |
iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana,
ואת יהודה איש קריות אשר גם מסרו׃ | 19 |
iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
ויבאו הביתה וישב המון העם להתאסף עד כי לא יכלו אף לאכל לחם׃ | 20 |
Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.
וישמעו קרוביו ויצאו להחזיק בו כי אמרו יצא מדעתו׃ | 21 |
Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.
והסופרים אשר ירדו מירושלים אמרו כי בעל זבוב נכנס בו ועל ידי שר השדים הוא מגרש את השדים׃ | 22 |
Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa.
ויקרא אותם אליו וידבר להם במשלים לאמר איך יוכל השטן לגרש השטן׃ | 23 |
Kolkaasuu iyagii u yeedhay oo masaallo kugu yidhi, Sidee baa Shayddaan Shayddaan u saari karaa?
ואם נחלקה ממלכה על עצמה לא תוכל לעמד הממלכה ההיא׃ | 24 |
Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto.
ובית אם נחלק על עצמו לא יוכל לעמד הבית ההוא׃ | 25 |
Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono.
ואם השטן יתקומם אל עצמו ונחלק לא יוכל לעמד כי בא קצו׃ | 26 |
Haddii Shayddaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho.
אין איש אשר יכל לבוא לבית הגבור ולגזל את כליו אם לא יאסר בראשונה את הגבור ואחר ישסה את ביתו׃ | 27 |
Ninna nin xoog leh gurigiisa ma geli karo inuu alaabtiisa dhaco hadduusan kolkii hore ninka xoogga leh xidhin, goortaasuu gurigiisa dhici doonaa.
אמן אמר אני לכם כי כל החטאים יסלחו לבני אדם וכל הגדופים אשר יגדפו׃ | 28 |
Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan;
אך המגדף את רוח הקדש אין לו סליחה לעולם כי יאשם בעונו לנצח׃ (aiōn , aiōnios ) | 29 |
laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah; (aiōn , aiōnios )
כי המה אמרו רוח טמאה בו׃ | 30 |
waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.
ויבאו אמו ואחיו ויעמדו מחוץ לבית וישלחו אליו לקרא לו׃ | 31 |
Markaasaa waxaa yimid walaalihiis iyo hooyadiis, oo dibadday istaageen, waxayna u direen cid ugu yeedha.
והמון העם ישבו סביביו ויאמרו אליו הנה אמך ואחיך בחוץ מבקשים אותך׃ | 32 |
Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan.
ויען ויאמר אליהם מי הם אמי ואחי׃ | 33 |
Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay?
ויבט סביב אל הישבים סביביו ויאמר הנה אמי ואחי׃ | 34 |
Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!
כי כל אשר יעשה רצון האלהים הוא אחי ואחותי ואמי׃ | 35 |
Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.