< יהושע 15 >

ויהי הגורל למטה בני יהודה למשפחתם אל גבול אדום מדבר צן נגבה מקצה תימן׃ 1
Oo reer Yahuudah qabiilkoodii waxay qayb u heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen ilaa soohdinta Edom, iyo tan iyo xataa cidlada Sin ee xagga koonfureed ka xigta, iyo xagga koonfureed ee ugu shishaysa.
ויהי להם גבול נגב מקצה ים המלח מן הלשן הפנה נגבה׃ 2
Oo soohdintooda koonfureedna waxay gaadhsiisnayd xagga ugu shishaysa ee Badda Cusbada leh, iyo tan iyo gacanka koonfur u jeeda,
ויצא אל מנגב למעלה עקרבים ועבר צנה ועלה מנגב לקדש ברנע ועבר חצרון ועלה אדרה ונסב הקרקעה׃ 3
oo waxay u baxday xagga koonfureed ee jiirta Caqrabbiim, oo waxay u dhaaftay xagga Sin, oo haddana waxay martay xagga koonfureed oo Qaadeesh Barneeca, oo ay martay xagga Xesroon, oo waxay kor ugu baxday xagga Addaar, oo u laabatay xagga Qarqaacaa;
ועבר עצמונה ויצא נחל מצרים והיה תצאות הגבול ימה זה יהיה לכם גבול נגב׃ 4
oo waxay u sii dhaaftay xagga Casmoon, oo haddana waxay u baxday xagga durdurka Masar, oo soohdinta waxaa dhammaadkeedu ahaa badda; taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna koonfureed.
וגבול קדמה ים המלח עד קצה הירדן וגבול לפאת צפונה מלשון הים מקצה הירדן׃ 5
Oo soohdinta barina waxay ahayd ilaa Badda Cusbada leh, iyo tan iyo meesha uu Webi Urdun ku dhammaado. Oo waaxda woqooyi soohdinteeduna waxay ahayd badda gacankeeda u dhow meesha uu Webi Urdun ku dhammaado;
ועלה הגבול בית חגלה ועבר מצפון לבית הערבה ועלה הגבול אבן בהן בן ראובן׃ 6
oo soohdintu waxay martay ilaa Beytxoglaah, oo waxay sii martay xagga woqooyi oo u dhow Beytcaraabaah; oo soohdintu waxay martay dhagaxii Bohan ina Ruubeen;
ועלה הגבול דברה מעמק עכור וצפונה פנה אל הגלגל אשר נכח למעלה אדמים אשר מנגב לנחל ועבר הגבול אל מי עין שמש והיו תצאתיו אל עין רגל׃ 7
oo soohdintu waxay sii martay Debiir, marka laga tago dooxadii Caakoor, iyo xagga woqooyi ee ku soo jeedda Gilgaal, taasu waxa weeyaan meel ku toosan jiirta Adummiim, taasoo ku taal webiga dhiniciisa koonfureed; oo soohdintu waxay sii martay biyaha Ceyn Shemesh, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa Ceyn Rogeel agteeda;
ועלה הגבול גי בן הנם אל כתף היבוסי מנגב היא ירושלם ועלה הגבול אל ראש ההר אשר על פני גי הנם ימה אשר בקצה עמק רפאים צפנה׃ 8
oo soohdintu waxay sii martay dooxadii ina Xinnom iyo ilaa xagga koonfureed ee Yebuus. Taasu waa Yeruusaalem. Oo soohdintu waxay kor ugu baxday buurta ku taal dooxadii Xinnom horteeda ee xaggeeda galbeed, taasoo ku taal dooxada xagga woqooyi oo ugu fog ee reer Rafaa.
ותאר הגבול מראש ההר אל מעין מי נפתוח ויצא אל ערי הר עפרון ותאר הגבול בעלה היא קרית יערים׃ 9
Oo soohdintu waxay ka soo baxday buurta dhaladeeda ilaa isha biyaha ee Neftoo'ax, oo ay u baxday xagga magaalooyinkii ku yiil Buur Cefroon; oo soohdintu waxay sii martay xagga Bacalaah, (taasu waxa weeyaan Qiryad Yecaariim),
ונסב הגבול מבעלה ימה אל הר שעיר ועבר אל כתף הר יערים מצפונה היא כסלון וירד בית שמש ועבר תמנה׃ 10
markaasay soohdintu ka laabatay Bacalaah galbeedkeeda ilaa Buur Seciir, oo waxay sii martay Buur Yecaariim dhinaceeda woqooyi (taasuna waxa weeyaan Kesaaloon), oo waxay hoos ugu dhaadhacday xagga Beytshemesh, oo waxay sii martay Timneh;
ויצא הגבול אל כתף עקרון צפונה ותאר הגבול שכרונה ועבר הר הבעלה ויצא יבנאל והיו תצאות הגבול ימה׃ 11
markaasay soohdintu u baxday dhinaca woqooyi oo Ceqroon; oo haddana soohdintu waxay u baxday Shikeroon, oo waxay sii martay Buur Bacalaah, oo waxay u baxday Yabne'eel agteeda; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa badda.
וגבול ים הימה הגדול וגבול זה גבול בני יהודה סביב למשפחתם׃ 12
Oo soohdinta xagga galbeedna waxay ahayd tan iyo badda weyn iyo xeebteeda. Intaasu waa soohdintii ku soo wareegi jirtay reer Yahuudah sida reerahoodu ahaayeen.
ולכלב בן יפנה נתן חלק בתוך בני יהודה אל פי יהוה ליהושע את קרית ארבע אבי הענק היא חברון׃ 13
Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon).
וירש משם כלב את שלושה בני הענק את ששי ואת אחימן ואת תלמי ילידי הענק׃ 14
Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq.
ויעל משם אל ישבי דבר ושם דבר לפנים קרית ספר׃ 15
Oo halkaasuu ka tegey oo la diriray dadkii Debiir degganaa; oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer.
ויאמר כלב אשר יכה את קרית ספר ולכדה ונתתי לו את עכסה בתי לאשה׃ 16
Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
וילכדה עתניאל בן קנז אחי כלב ויתן לו את עכסה בתו לאשה׃ 17
Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.
ויהי בבואה ותסיתהו לשאול מאת אביה שדה ותצנח מעל החמור ויאמר לה כלב מה לך׃ 18
Oo markay isagii u timid waxay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto: oo markay dameerkeedii ka soo degtay ayaa Kaaleeb ku yidhi, Maxaad doonaysaa?
ותאמר תנה לי ברכה כי ארץ הנגב נתתני ונתתה לי גלת מים ויתן לה את גלת עליות ואת גלת תחתיות׃ 19
Kolkaasay ku tidhi, Hadiyad i sii, waayo, waxaad i siisay dalka Koonfureed, weliba i sii ilo biyo ah. Markaasuu siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose.
זאת נחלת מטה בני יהודה למשפחתם׃ 20
Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.
ויהיו הערים מקצה למטה בני יהודה אל גבול אדום בנגבה קבצאל ועדר ויגור׃ 21
Oo qabiilkii reer Yahuudah magaalooyinkoodii ugu fogaa xagga soohdinta koonfureed oo Edom waxay ahaayeen Qabse'eel, iyo Ceeder, iyo Yaaguur,
וקינה ודימונה ועדעדה׃ 22
iyo Qiinaah, iyo Diimoonaah, iyo Cadcaadaah,
וקדש וחצור ויתנן׃ 23
iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Itnaan,
זיף וטלם ובעלות׃ 24
iyo Siif, iyo Telem, iyo Becaalood,
וחצור חדתה וקריות חצרון היא חצור׃ 25
iyo Xaasoor Xadataah, iyo Qiryood Xesroon (oo taasuna waa Xaasoor qudheeda),
אמם ושמע ומולדה׃ 26
iyo Amaam, iyo Shemac, iyo Molaadaah,
וחצר גדה וחשמון ובית פלט׃ 27
iyo Xasar Gaddaah, iyo Xeshmoon, iyo Beytfeled,
וחצר שועל ובאר שבע ובזיותיה׃ 28
iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac, iyo Bisyootiyaah,
בעלה ועיים ועצם׃ 29
iyo Bacalaah, iyo Ciyiim, iyo Cesem,
ואלתולד וכסיל וחרמה׃ 30
iyo Eltoolad, iyo Kesiil, iyo Xormaah,
וצקלג ומדמנה וסנסנה׃ 31
iyo Siiqlag, iyo Madmannaah, iyo Sansannaah,
ולבאות ושלחים ועין ורמון כל ערים עשרים ותשע וחצריהן׃ 32
iyo Lebaa'ood, iyo Shilxiim, iyo Cayn, iyo Rimmon, oo magaalooyinka oo dhan iyo tuulooyinkooduba waa sagaal iyo labaatan.
בשפלה אשתאול וצרעה ואשנה׃ 33
Oo dalka dooxadana waxay ku lahaayeen Eshtaa'ool, iyo Sorcaah, iyo Ashnaah,
וזנוח ועין גנים תפוח והעינם׃ 34
iyo Saanoo'ax, iyo Ceyn Ganniim, iyo Tafuu'ax, iyo Ceynaam,
ירמות ועדלם שוכה ועזקה׃ 35
iyo Yarmuud, iyo Cadullaam, iyo Sokoh, iyo Caseeqaah,
ושערים ועדיתים והגדרה וגדרתים ערים ארבע עשרה וחצריהן׃ 36
iyo Shacarayim, iyo Cadiitayim, iyo Gedeeraah, iyo Gedeerootayim, oo iyana waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
צנן וחדשה ומגדל גד׃ 37
Iyo Senaan, iyo Xadaashaah, iyo Migdal Gaad,
ודלען והמצפה ויקתאל׃ 38
iyo Dilcaan, iyo Misfaah, iyo Yoqte'eel,
לכיש ובצקת ועגלון׃ 39
iyo Laakiish, iyo Bosqad, iyo Cegloon,
וכבון ולחמס וכתליש׃ 40
iyo Kabboon, iyo Laxmaam, iyo Kitliish,
וגדרות בית דגון ונעמה ומקדה ערים שש עשרה וחצריהן׃ 41
iyo Gedeerood, iyo Beytdagoon, iyo Nacamaah, iyo Maqeedaah, iyana waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
לבנה ועתר ועשן׃ 42
Libnaah, iyo Ceter, iyo Caashaan,
ויפתח ואשנה ונציב׃ 43
iyo Yiftaax, iyo Ashnaah, iyo Nesiib,
וקעילה ואכזיב ומראשה ערים תשע וחצריהן׃ 44
iyo Qeciilaah, iyo Aksiib, iyo Maareeshaah, oo iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.
עקרון ובנתיה וחצריה׃ 45
Ceqroon, iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii,
מעקרון וימה כל אשר על יד אשדוד וחצריהן׃ 46
iyo Ceqroon iyo ilaa badda, iyo kulli intii u dhowayd Ashdood iyo tuulooyinkoodii.
אשדוד בנותיה וחצריה עזה בנותיה וחצריה עד נחל מצרים והים הגבול וגבול׃ 47
Ashdood iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii, iyo Gaasa iyo magaalooyinkeedii, iyo tuulooyinkeedii, iyo ilaa durdurkii Masar, iyo ilaa badda weyn, iyo soohdinteeda.
ובהר שמיר ויתיר ושוכה׃ 48
Iyo dalkii buuraha lahaa oo dhan, iyo Shamiir, iyo Yatiir, iyo Sokoh,
ודנה וקרית סנה היא דבר׃ 49
iyo Dannaah, iyo Qiryad Sannaah (taasoo Debiir ah),
וענב ואשתמה וענים׃ 50
iyo Canaab, iyo Eshtemoh, iyo Caaniim,
וגשן וחלן וגלה ערים אחת עשרה וחצריהן׃ 51
iyo Goshen, iyo Xolon, iyo Giloh, iyana waa koob iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
ארב ורומה ואשען׃ 52
Araab, iyo Duumah, iyo Eshecaan,
וינים ובית תפוח ואפקה׃ 53
iyo Yaaniim iyo Beyd Tafuu'ax, iyo Afeeqaah,
וחמטה וקרית ארבע היא חברון וציער ערים תשע וחצריהן׃ 54
Xumtaah, iyo Qiryad Arbac (taasoo ah Xebroon), iyo Siicor, iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.
מעון כרמל וזיף ויוטה׃ 55
Iyo Maacoon, iyo Karmel, iyo Siif, iyo Yutaah,
ויזרעאל ויקדעם וזנוח׃ 56
iyo Yesreceel, iyo Yokdecaam, iyo Saanoo'ax,
הקין גבעה ותמנה ערים עשר וחצריהן׃ 57
Kayn, iyo Gibecaah, iyo Timneh, iyana waa toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
חלחול בית צור וגדור׃ 58
Xalxuul, iyo Beytsuur, iyo Gedoor,
ומערת ובית ענות ואלתקן ערים שש וחצריהן׃ 59
iyo Macaraad, iyo Beytcanood, iyo Elteqon, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.
קרית בעל היא קרית יערים והרבה ערים שתים וחצריהן׃ 60
Qiryad Bacal (taasoo ah Qiryad Yecaariim), iyo Rabbaah, iyana waa laba magaalo iyo tuulooyinkoodii.
במדבר בית הערבה מדין וסככה׃ 61
Xagga cidladana waxay ku lahaayeen Beytcaraabaah, iyo Middiin, iyo Sekaakaah,
והנבשן ועיר המלח ועין גדי ערים שש וחצריהן׃ 62
iyo Nibshaan iyo Magaalada Cusbada leh iyo Ceyn Gedii, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.
ואת היבוסי יושבי ירושלם לא יוכלו בני יהודה להורישם וישב היבוסי את בני יהודה בירושלם עד היום הזה׃ 63
Xagga reer Yebuus, kuwaasoo Yeruusaalem degganaa, reer Yahuudah way eryi kari waayeen; laakiinse reer Yebuus Yeruusaalem bay la degganaayeen reer Yahuudah ilaa maantadan la joogo.

< יהושע 15 >