< הושע 12 >

אפרים רעה רוח ורדף קדים כל היום כזב ושד ירבה וברית עם אשור יכרתו ושמן למצרים יובל׃ 1
Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.
וריב ליהוה עם יהודה ולפקד על יעקב כדרכיו כמעלליו ישיב לו׃ 2
Oo weliba Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka Yahuudah, oo wuxuu reer Yacquub u ciqaabi doonaa si waafaqsan jidadkooda, oo wuxuu u abaalmarin doonaa si waafaqsan falimahooda.
בבטן עקב את אחיו ובאונו שרה את אלהים׃ 3
Yacquub markuu uurka ku jiray walaalkiis buu cedhibta ku dhegay, oo markuu nin noqdayna Ilaah buu la dagaallamay.
וישר אל מלאך ויכל בכה ויתחנן לו בית אל ימצאנו ושם ידבר עמנו׃ 4
Haah, oo wuxuu la dagaallamay malaa'igtii, wuuna ka adkaaday, wuuna ooyay oo baryay. Wuxuu isagii ka helay Beytel, oo halkaasuu nagula hadlay.
ויהוה אלהי הצבאות יהוה זכרו׃ 5
Rabbigu waa Ilaaha ciidammada. Rabbigu waa magiciisa lagu xusuusto.
ואתה באלהיך תשוב חסד ומשפט שמר וקוה אל אלהיך תמיד׃ 6
Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahaaga u soo jeeso, oo naxariista iyo garsooridda xaji, oo had iyo goorna Ilaahaaga sug.
כנען בידו מאזני מרמה לעשק אהב׃ 7
Dadkaygu waa baayacmushtari, oo waxaa gacanta ugu jira kafadihii khiyaanada, waxay jecel yihiin inay wax dulmaan.
ויאמר אפרים אך עשרתי מצאתי און לי כל יגיעי לא ימצאו לי עון אשר חטא׃ 8
Oo reer Efrayim wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah taajir baan noqday, oo maal baan helay, oo innaba hawlahayga oo dhan lagama heli doono xumaan dembi ah.
ואנכי יהוה אלהיך מארץ מצרים עד אושיבך באהלים כימי מועד׃ 9
Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inaad mar kale teendhooyin degganaataan sidii wakhtigii iidda.
ודברתי על הנביאים ואנכי חזון הרביתי וביד הנביאים אדמה׃ 10
Oo weliba waxaan la hadlay nebiyadii, oo waxaan badiyey waxyaalo aan tusay, oo nebiyadana waxaan u soo dhiibay masaalooyin.
אם גלעד און אך שוא היו בגלגל שורים זבחו גם מזבחותם כגלים על תלמי שדי׃ 11
Reer Gilecaad waa xumaan miidhan oo iyagu dhammaantood waa wax aan waxtar lahayn. Waxay Gilgaal ku allabaryaan dibiyo, oo weliba meelahooda allabarigu waa sida tuulmooyin ku dhex yaal jeexjeexyada beerta oo kale.
ויברח יעקב שדה ארם ויעבד ישראל באשה ובאשה שמר׃ 12
Yacquub wuxuu ku dhex cararay beertii Aram, oo Israa'iil inuu naag helo buu u shaqeeyey oo ido u ilaaliyey.
ובנביא העלה יהוה את ישראל ממצרים ובנביא נשמר׃ 13
Oo Rabbigu reer binu Israa'iil nebi buu kaga soo bixiyey dalkii Masar, oo nebi baa iyagii lagu ilaashay.
הכעיס אפרים תמרורים ודמיו עליו יטוש וחרפתו ישיב לו אדניו׃ 14
Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.

< הושע 12 >