< הושע 10 >

גפן בוקק ישראל פרי ישוה לו כרב לפריו הרבה למזבחות כטוב לארצו היטיבו מצבות׃ 1
Dadka Israa'iil waa geed canab ah oo barwaaqaysan, kaasoo midhihiisa soo bixiya, oo sida midhihiisu u bateen ayuu meelihiisa allabariga u badiyey, oo sida dalkiisu u barwaaqaysan yahay ayay u samaysteen tiirar qurqurxoon.
חלק לבם עתה יאשמו הוא יערף מזבחותם ישדד מצבותם׃ 2
Qalbigoodu waa kala qaybsan yahay, oo haatan waxaa lagu heli doonaa gardarro. Meelahooda allabariga ayuu wax ku dhufan doonaa, oo tiirarkoodana wuu wada kharribi doonaa.
כי עתה יאמרו אין מלך לנו כי לא יראנו את יהוה והמלך מה יעשה לנו׃ 3
Sida xaqiiqada ah hadda waxay odhan doonaan, Annagu boqor ma lihin, waayo, Rabbiga kama cabsanno, haddaba bal maxaa boqor noo taraya?
דברו דברים אלות שוא כרת ברית ופרח כראש משפט על תלמי שדי׃ 4
Waxay ku hadlaan erayo aan waxba ahayn, iyagoo si been ah ugu dhaaranaya markay axdiyo gelayaan. Sidaas daraaddeed xukunku wuxuu u soo bixi doonaa sidii dacarmariid ka soo baxa beerta jeexjeexeeda.
לעגלות בית און יגורו שכן שמרון כי אבל עליו עמו וכמריו עליו יגילו על כבודו כי גלה ממנו׃ 5
Dadka dalka Samaariya degganu aad bay u cabsan doonaan sanamyada weylaha ah ee Beytaawen aawadood, waayo, dadkiisa iyo weliba wadaaddadii ku rayrayn jiray way u barooran doonaan sanamka, waana sharaftiisii aawadeed, maxaa yeelay, way ka tagtay.
גם אותו לאשור יובל מנחה למלך ירב בשנה אפרים יקח ויבוש ישראל מעצתו׃ 6
Oo weliba sanamkii waxaa loo qaadi doonaa dalka Ashuur inuu Boqor Yaareeb gabbaro u noqdo aawadeed. Reer Efrayim wuxuu heli doonaa ceeb, oo dadka Israa'iilna waxay ka ceeboobi doonaan taladooda.
נדמה שמרון מלכה כקצף על פני מים׃ 7
Oo weliba Samaariyana boqorkeedii wuxuu u baabba'ay sida xumbada biyaha dul sabbayso.
ונשמדו במות און חטאת ישראל קוץ ודרדר יעלה על מזבחותם ואמרו להרים כסונו ולגבעות נפלו עלינו׃ 8
Oo weliba meelaha sare ee Aawen ku yaal oo dembiga dadka Israa'iil ahna waa la wada dumin doonaa. Meelahooda allabarigana waxaa ka soo kor bixi doona qodxan iyo yamaarug. Waxay buuraha ku odhan doonaan, War na qariya. Oo gumburahana waxay ku odhan doonaan, Nagu soo dhaca.
מימי הגבעה חטאת ישראל שם עמדו לא תשיגם בגבעה מלחמה על בני עלוה׃ 9
Dadka Israa'iilow, tan iyo wakhtigii Gibecaah waad dembaabayseen. Halkaasay istaagaan si aan dagaalkii lala dagaallamay carruurta dembigu Gibecaah u gaadhin.
באותי ואסרם ואספו עליהם עמים באסרם לשתי עינתם׃ 10
Markaan damco ayaan iyaga edbin doonaa, oo dadyowga ayaa isugu soo wada ururi doona iyaga, markii loo xidho labadoodii xadgudub aawadood.
ואפרים עגלה מלמדה אהבתי לדוש ואני עברתי על טוב צוארה ארכיב אפרים יחרוש יהודה ישדד לו יעקב׃ 11
Oo reer Efrayim waa sidii qaalin lo'aad oo la tababbaray, taasoo jecel inay hadhuudhka ku tumato, laakiinse anigu waan u tudhay surkeedii qurxoonaa. Reer Efrayim waxaan korkooda saari doonaa mid iyaga fuula. Dadka Yahuudah dhulkay jeexi doonaan, reer Yacquubna waxay burburin doonaan ciidda qallalan.
זרעו לכם לצדקה קצרו לפי חסד נירו לכם ניר ועת לדרוש את יהוה עד יבוא וירה צדק לכם׃ 12
Nafsaddiinna xaqnimo wax ugu beerta, oo si naxariista waafaqsan wax u goosta, oo jabsada dhulkiinna jeexan, waayo, waa wakhti ku habboon in Rabbiga la doondoona, ilaa uu yimaado oo uu xaqnimo idinku soo dejiyo.
חרשתם רשע עולתה קצרתם אכלתם פרי כחש כי בטחת בדרכך ברב גבוריך׃ 13
Waxaad falateen sharnimo, waxaad soo goosateen xumaan, oo waxaad cunteen midhihii beenta, waayo, waxaad isku hallayseen jidkiinna iyo raggiinna tirada iyo xoogga badan.
וקאם שאון בעמך וכל מבצריך יושד כשד שלמן בית ארבאל ביום מלחמה אם על בנים רטשה׃ 14
Haddaba sidaas daraaddeed buuq baa dadkiinna ka dhex kici doona, oo qalcadihiinna oo dhanna waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii Shalman Beytarbeel maalintii dagaalka u baabbi'iyey oo kale. Hooyada iyo carruurteediiba ayaa dhulka lagu tuuray.
ככה עשה לכם בית אל מפני רעת רעתכם בשחר נדמה נדמה מלך ישראל׃ 15
Sidaas oo kalaa Beytel laydinkaga samayn doonaa, waana sharnimadiinna weyn daraaddeed. Markii waagu beryo ayaa boqorka dalka Israa'iil dhammaantiis la baabbi'in doonaa.

< הושע 10 >