< דניאל 1 >

בשנת שלוש למלכות יהויקים מלך יהודה בא נבוכדנאצר מלך בבל ירושלם ויצר עליה׃ 1
Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.
ויתן אדני בידו את יהויקים מלך יהודה ומקצת כלי בית האלהים ויביאם ארץ שנער בית אלהיו ואת הכלים הביא בית אוצר אלהיו׃ 2
Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.
ויאמר המלך לאשפנז רב סריסיו להביא מבני ישראל ומזרע המלוכה ומן הפרתמים׃ 3
Markaasaa boqorkii la hadlay Ashfenas oo madax u ahaa raggiisii bohommada ahaa, oo wuxuu u sheegay inuu keeno reer binu Israa'iil qaar ka mid ah, oo weliba ah kuwo ka soo farcamay reer boqor, iyo kuwa gobta ah;
ילדים אשר אין בהם כל מאום וטובי מראה ומשכילים בכל חכמה וידעי דעת ומביני מדע ואשר כח בהם לעמד בהיכל המלך וללמדם ספר ולשון כשדים׃ 4
kuwo dhallinyar oo aan iin lahayn, oo qurqurxoon, oo xagga xigmadda oo dhan ku dheer, oo aqoon badan, oo waxgarasho leh, iyo inta awood u leh inay guriga boqorka istaagaan, iyo inuu iyaga tacliinta iyo afka reer Kaldayiin baro.
וימן להם המלך דבר יום ביומו מפת בג המלך ומיין משתיו ולגדלם שנים שלוש ומקצתם יעמדו לפני המלך׃ 5
Boqorkiina wuxuu rukun uga dhigay iyagii in ka mid ah cuntadiisii wanaagsanayd iyo khamrigii uu cabbi jiray, oo wuxuu amray in intii saddex sannadood ah la quudiyo si ay dabadeed boqorka isu hor taagaan.
ויהי בהם מבני יהודה דניאל חנניה מישאל ועזריה׃ 6
Kuwaasna waxaa ku jiray, oo reer Yahuudah ka mid ahaa, Daanyeel, Xananyaah, Miishaa'eel, iyo Casaryaah.
וישם להם שר הסריסים שמות וישם לדניאל בלטשאצר ולחנניה שדרך ולמישאל מישך ולעזריה עבד נגו׃ 7
Markaasaa amiirkii bohommada ayaa magacyo u baxshay oo Daanyeel wuxuu u baxshay Beelteshaasar, Xananyaahna wuxuu u baxshay Shadrag; Miishaa'eelna wuxuu u baxshay Meeshag; Casaryaahna wuxuu u baxshay Cabeednegoo.
וישם דניאל על לבו אשר לא יתגאל בפתבג המלך וביין משתיו ויבקש משר הסריסים אשר לא יתגאל׃ 8
Daanyeelna wuxuu qalbiga ku haystay inuusan isku nijaasayn cuntada wanaagsan ee boqorka iyo khamriga uu cabbo toona; sidaas daraaddeed wuxuu amiirkii bohommada weyddiistay inuu u oggolaado inuusan isnijaasayn.
ויתן האלהים את דניאל לחסד ולרחמים לפני שר הסריסים׃ 9
Haddaba Ilaah wuxuu ka dhigay in Daanyeel raallinimo iyo raxmad ka helo amiirkii bohommada.
ויאמר שר הסריסים לדניאל ירא אני את אדני המלך אשר מנה את מאכלכם ואת משתיכם אשר למה יראה את פניכם זעפים מן הילדים אשר כגילכם וחיבתם את ראשי למלך׃ 10
Markaasaa amiirkii bohommadu Daanyeel ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa sayidkayga boqorka ah, oo rukunka idiinka dhigay cuntadiinna iyo cabbitinkiinna, waayo, muxuu u arki wejiyadiinna oo ka liita kuwa dhallinyarada ah ee aad isku da'da tihiin? Sidaasaad madaxayga khatar ugu gelinaysaan boqorka hortiisa.
ויאמר דניאל אל המלצר אשר מנה שר הסריסים על דניאל חנניה מישאל ועזריה׃ 11
Markaasaa Daanyeel ku yidhi wakiilkii, amiirka bohommadu ka dhigay inuu u taliyo Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah,
נס נא את עבדיך ימים עשרה ויתנו לנו מן הזרעים ונאכלה ומים ונשתה׃ 12
Waan ku baryayaaye, intii toban maalmood ah na tijaabi annagoo addoommadaada ah, oo ha nala siiyo atar aan cunno iyo biyo aan cabnoba.
ויראו לפניך מראינו ומראה הילדים האכלים את פתבג המלך וכאשר תראה עשה עם עבדיך׃ 13
Dabadeedna wejiyadayada hortaada ha lagu fiiriyo iyo wejiga dhallinyarada boqorka cuntadiisa cunta; oo markaas annagoo ah addoommadaada sidii aad nagu aragtid noola macaamilo.
וישמע להם לדבר הזה וינסם ימים עשרה׃ 14
Sidaasuu uga dhegaystay xaaladdaas, oo intii toban maalmood ah ayuu tijaabiyey.
ומקצת ימים עשרה נראה מראיהם טוב ובריאי בשר מן כל הילדים האכלים את פתבג המלך׃ 15
Markay tobankii maalmood dhammaadeen, way ka weji qurxoonaayeen, wayna ka buurbuurnaayeen dhallinyaradii cuntada boqorka wax ka cuni jirtay oo dhan.
ויהי המלצר נשא את פתבגם ויין משתיהם ונתן להם זרענים׃ 16
Sidaas daraaddeed wakiilkii waa ka qaaday cuntadoodii iyo khamrigii ay cabbi jireen, oo wuxuu siiyey atar.
והילדים האלה ארבעתם נתן להם האלהים מדע והשכל בכל ספר וחכמה ודניאל הבין בכל חזון וחלמות׃ 17
Haddaba afartaas nin oo dhallinyarada ahaa Ilaah wuxuu siiyey aqoon, iyo inay tacliin iyo xigmad oo dhan ku dheeraadaan; Daanyeelna wuxuu garan jiray waxyaalo la tuso iyo riyooyin oo dhan.
ולמקצת הימים אשר אמר המלך להביאם ויביאם שר הסריסים לפני נבכדנצר׃ 18
Oo markii wakhtigii boqorku yidhi, Ha la ii keeno, dhammaaday ayuu amiirkii bohommadu keenay iyagii Nebukadnesar hortiisa.
וידבר אתם המלך ולא נמצא מכלם כדניאל חנניה מישאל ועזריה ויעמדו לפני המלך׃ 19
Boqorkiina markaasuu la hadlay iyagii, oo kulligoodna lagama helin mid la mid ah Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah; sidaas daraaddeed boqorkii bay is-hor taageen.
וכל דבר חכמת בינה אשר בקש מהם המלך וימצאם עשר ידות על כל החרטמים האשפים אשר בכל מלכותו׃ 20
Waxyaalihii boqorku weyddiiyey oo ku saabsan xigmadda iyo waxgarashada, wuxuu ogaaday inay toban jeer kaga fiican yihiin saaxiriintii iyo xiddigiyayaashii boqortooyadiisa joogay oo dhan.
ויהי דניאל עד שנת אחת לכורש המלך׃ 21
Daanyeelna waa sii joogay tan iyo boqorkii Kuuros sannaddiisii kowaad.

< דניאל 1 >