< 1 טימותי 4 >

אבל הרוח אמר בפרוש כי באחרית הימים יהיו אנשים אשר יסורו מן האמונה בפנותם אל הרוחות המטעות ואל תורת השדים׃ 1
Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,
דברי שקרים בחנפה ונכוים הם במדעת׃ 2
oo waxay kaga fogaan doonaan labawejiilenimada dadka beenta ku hadla oo qalbigooda la gubay sida isagoo bir kulul lagu dhejiyey.
אסרים לקחת אשה ומנעים ממיני מאכל אשר בראם האלהים שיאכלות בתודה המאמינים וידעי האמת׃ 3
Waxay diidaan in la guursado, oo amraan in laga fogaado cuntooyinka Ilaah u abuuray in kuwa rumaysta oo runta yaqaanu mahadnaqid ku aqbalaan.
כי כל בריאת אלהים טובה היא ואין דבר משקץ אם יאכל בתודה׃ 4
Waayo, wax kasta oo Ilaah abuuray wuu wanaagsan yahay, waana inaan waxba la diidin haddii mahadnaqid lagu aqbalo,
כי יקדש בדבר אלהים ובתפלה׃ 5
waayo, waxaa quduus lagaga dhigaa ereyga Ilaah iyo ducada.
אם תשים כזאת לפני אחיך משרת טוב תהיה לישוע המשיח מגדל בדברי האמונה ובלקח הטוב אשר דבקת אחריו׃ 6
Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.
אך התרחק מהגדות פסולות ובלות והרגל עצמך בחסידות׃ 7
Laakiin ka fogow sheekooyinka habraha oo nijaasta ah, oo nafsaddaada bar cibaadaysiga,
כי הרגל הגוף יועיל מעט אבל החסידות תועיל לכל דבר ויש לה הבטחת חיי העולם הזה והעולם הבא׃ 8
waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba.
נאמן הדבר הזה וראוי על כל להתקבל׃ 9
Hadalku waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo.
כי לזאת אנחנו גם יגעים גם נעלבים על אשר הוחלנו לאלהים חיים שהוא המושיע לכל האדם וביותר למאמינים׃ 10
Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.
את זאת תצוה ותלמד׃ 11
Waxyaalahan dadka ku amar oo bar.
אל יבוז איש את בחורותיך אך היה מופת למאמינים בדבור במעשה באהבה ברוח באמונה ובטהרה׃ 12
Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba.
והיה שקוד לקרות ולהוכיח ולהורת עד כי אבוא׃ 13
Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow.
ואל תקל בעיניך מתנת החסד אשר בך הנתונה לך בנבואה עם סמיכת ידי הזקנים׃ 14
Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen.
לאלה תשית לבך ובהם היה למען תראה הצלחתך לכל׃ 15
Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo.
שית לבך לנפשך ולהוראה והחזק בזה כי בעשותך כן תושיע את נפשך ואת נפש השמעים אליך׃ 16
Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.

< 1 טימותי 4 >