< שמואל א 20 >

ויברח דוד מנוית ברמה ויבא ויאמר לפני יהונתן מה עשיתי מה עוני ומה חטאתי לפני אביך כי מבקש את נפשי׃ 1
Markaasaa Daa'uud wuxuu ka cararay Naayood oo Raamaah ku taal, oo intuu Yoonaataan u yimid ayuu ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo dembigaygu waa maxay? Oo dembiga aan aabbahaa ku sameeyey ee uu naftayda u doonayaa waa maxay?
ויאמר לו חלילה לא תמות הנה לו עשה אבי דבר גדול או דבר קטן ולא יגלה את אזני ומדוע יסתיר אבי ממני את הדבר הזה אין זאת׃ 2
Oo isna wuxuu ku yidhi, Yaanay noqon, adigu dhiman maysid. Aabbahay wax yar iyo wax weyn toona ma sameeyo wixii uu daaha iiga qaaday mooyaane. Maxaa aabbahay waxaas oo kale iiga qarinaya? Saas ma aha.
וישבע עוד דוד ויאמר ידע ידע אביך כי מצאתי חן בעיניך ויאמר אל ידע זאת יהונתן פן יעצב ואולם חי יהוה וחי נפשך כי כפשע ביני ובין המות׃ 3
Oo haddana Daa'uud wuu dhaartay oo yidhi, Aabbahaa aad buu u og yahay inaad raalli iga tahay; oo wuxuu isyidhaahdaa, Yuusan Yoonaataan tan ogaanin waaba intaasoo uu ka calool xumaadaaye; laakiinse sida runta ah, waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaada inaan aniga iyo dhimasho waxba noo dhaxayn tallaabo mooyaane.
ויאמר יהונתן אל דוד מה תאמר נפשך ואעשה לך׃ 4
Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii naftaadu jeceshahayba waan kuu samayn doonaa.
ויאמר דוד אל יהונתן הנה חדש מחר ואנכי ישב אשב עם המלך לאכול ושלחתני ונסתרתי בשדה עד הערב השלשית׃ 5
Oo Daa'uudna Yoonaataan buu ku yidhi, Bal eeg, berrito bil baa dhalanaysa, oo waa inaanan ka baaqan inaan boqorka cunto ula fadhiisto, laakiinse i sii daa, aan tagee, oo aan ilaa maalinta saddexaad duurka ku dhuuntee.
אם פקד יפקדני אביך ואמרת נשאל נשאל ממני דוד לרוץ בית לחם עירו כי זבח הימים שם לכל המשפחה׃ 6
Oo haddii aabbahaa i waayo, waxaad ku tidhaahdaa, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu magaaladiisii Beytlaxam ku ordo; waayo, ehelkiisii oo dhan ayaa halkaas ku bixinaya allabarigii sannadka.
אם כה יאמר טוב שלום לעבדך ואם חרה יחרה לו דע כי כלתה הרעה מעמו׃ 7
Hadduu kugu yidhaahdo, Waa hagaag, anoo addoonkaaga ah nabad baan helayaa. Laakiinse hadduu cadhoodo, bal ogow inuu shar maaggan yahay.
ועשית חסד על עבדך כי בברית יהוה הבאת את עבדך עמך ואם יש בי עון המיתני אתה ועד אביך למה זה תביאני׃ 8
Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah ii roonow; waayo, adigu waxaad ila dhigatay axdi xagga Rabbiga ah. Laakiinse haddaan dembi galay, adiguba i dil; bal maxaad aabbahaa iigu geeynaysaa?
ויאמר יהונתן חלילה לך כי אם ידע אדע כי כלתה הרעה מעם אבי לבוא עליך ולא אתה אגיד לך׃ 9
Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Taasu ha kaa fogaato, waayo, haddaan ogahay in aabbahay maaggan yahay inuu shar kugu sameeyo, sow kuuma soo sheegeen?
ויאמר דוד אל יהונתן מי יגיד לי או מה יענך אביך קשה׃ 10
Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Haddii aabbahaa si xun ugu jawaabo bal yaa ii soo sheegaya?
ויאמר יהונתן אל דוד לכה ונצא השדה ויצאו שניהם השדה׃ 11
Oo Yoonaataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Kaalay oo ina keen aan duurka tagnee. Oo labadoodiiba waxay tageen duurka.
ויאמר יהונתן אל דוד יהוה אלהי ישראל כי אחקר את אבי כעת מחר השלשית והנה טוב אל דוד ולא אז אשלח אליך וגליתי את אזנך׃ 12
Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu, markhaati ha ka ahaado; berrito ama saa dambe haddaa oo kale, markii aan aabbahay soo calool baadho, hadduu wanaag kuu qabo, sow kuu soo cid diri maayo, oo daaha kaaga qaadi maayo wuxuu maaggan yahay oo dhan?
כה יעשה יהוה ליהונתן וכה יסיף כי ייטב אל אבי את הרעה עליך וגליתי את אזנך ושלחתיך והלכת לשלום ויהי יהוה עמך כאשר היה עם אבי׃ 13
Hadday aabbahay ka farxin lahayd inuu shar kugu sameeyo oo aanan daaha kaaga qaadin, oo aanan weliba ku dirin si aad nabdoonaan ugu tagtid, Rabbigu saas iyo ka sii daran ha igu sameeyo; Rabbiguna ha kuula jiro siduu aabbahay ula jiray oo kale.
ולא אם עודני חי ולא תעשה עמדי חסד יהוה ולא אמות׃ 14
Waa inaanad raxmadda Rabbiga i tusin intaan noolahay oo keliya, si aanan u dhiman,
ולא תכרת את חסדך מעם ביתי עד עולם ולא בהכרת יהוה את איבי דוד איש מעל פני האדמה׃ 15
laakiinse raxmaddaada waa inaanad ka gooyn reerkayga weligaa, oo xataa ma aha markii Rabbigu cadaawayaashaada ka dhammeeyo dhulka.
ויכרת יהונתן עם בית דוד ובקש יהוה מיד איבי דוד׃ 16
Sidaasuu Yoonaataan axdi ula dhigtay reerkii Daa'uud, oo yidhi, Taas wuxuu Rabbigu ka doonayaa cadaawayaasha Daa'uud gacantooda.
ויוסף יהונתן להשביע את דוד באהבתו אתו כי אהבת נפשו אהבו׃ 17
Oo Yoonaataan mar kaluu Daa'uud dhaariyey, jacaylkii uu u qabay aawadiis, waayo, wuxuu isaga u jeclaa siduu naftiisa u jeclaa oo kale.
ויאמר לו יהונתן מחר חדש ונפקדת כי יפקד מושבך׃ 18
Markaasaa Yoonaataan wuxuu isagii ku yidhi, Berrito bil baa dhalanaysa oo waa lagu waayi doonaa, maxaa yeelay, kursigaagu wuu madhnaan doonaa.
ושלשת תרד מאד ובאת אל המקום אשר נסתרת שם ביום המעשה וישבת אצל האבן האזל׃ 19
Markaad saddex maalmood joogto dabadeed waa inaad dhaqsataa oo aad tagtaa halkaad ku dhuumatay markii xaalkanu dhacay, oo waa inaad sii ag joogtaa dhagixii Kalategidda.
ואני שלשת החצים צדה אורה לשלח לי למטרה׃ 20
Oo anna waxaan meeshaas dhinaceeda ku soo gani doonaa saddex fallaadhood, sidii anigoo calaamad ku ganaya.
והנה אשלח את הנער לך מצא את החצים אם אמר אמר לנער הנה החצים ממך והנה קחנו ובאה כי שלום לך ואין דבר חי יהוה׃ 21
Oo bal eeg, wiil yar baan u soo diri doonaa, oo waxaan ku odhan doonaa, Tag oo fallaadhihii soo doondoon. Haddaba haddaan yarka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa sokeeyaan, soo qaad oo kaalay; waayo, nabad baa kuu jirta oo waxyeello lama arko, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye.
ואם כה אמר לעלם הנה החצים ממך והלאה לך כי שלחך יהוה׃ 22
Laakiinse haddaan wiilka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa shisheeyaan; markaas iska tag, waayo, Rabbigu wuu ku diray.
והדבר אשר דברנו אני ואתה הנה יהוה ביני ובינך עד עולם׃ 23
Oo xagga xaalkii aynu ka hadalnay, bal eeg, aniga iyo adiga waxaa inoo dhexeeya Rabbiga weligiisba.
ויסתר דוד בשדה ויהי החדש וישב המלך על הלחם לאכול׃ 24
Sidaasaa Daa'uud duurka ugu dhex dhuuntay, oo markii bishii dhalatay ayaa boqorkii u fadhiistay inuu wax cuno.
וישב המלך על מושבו כפעם בפעם אל מושב הקיר ויקם יהונתן וישב אבנר מצד שאול ויפקד מקום דוד׃ 25
Markaasaa boqorkii wuxuu ku fadhiistay kursigiisii, sidii mararkii hore oo kale, kaasuna wuxuu ahaa kursigii derbiga ag yiil; oo Yoonaataanna wuu istaagay, Abneerna wuxuu dhinac fadhiistay Saa'uul, laakiinse meeshii Daa'uud way madhnayd.
ולא דבר שאול מאומה ביום ההוא כי אמר מקרה הוא בלתי טהור הוא כי לא טהור׃ 26
Habase yeeshee Saa'uul maalintaas waxba kuma uu hadlin, waayo, wuxuu u maleeyey in wax ku dhaceen, oo wuxuu isyidhi, Ma uu nadiifsana, hubaal isagu ma uu nadiifsana.
ויהי ממחרת החדש השני ויפקד מקום דוד ויאמר שאול אל יהונתן בנו מדוע לא בא בן ישי גם תמול גם היום אל הלחם׃ 27
Oo maalintii ka dambaysay galabtii bishu dhalatay, taasoo ahayd maalintii labaad, Daa'uud meeshiisii way madhnayd, markaasaa Saa'uul wuxuu wiilkiisii Yoonaataan ku yidhi, War wiilka Yesay muxuu cuntada ugu iman waayay shalay iyo maantaba?
ויען יהונתן את שאול נשאל נשאל דוד מעמדי עד בית לחם׃ 28
Markaasaa Yoonaataan wuxuu Saa'uul ugu jawaabay, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu Beytlaxam tago,
ויאמר שלחני נא כי זבח משפחה לנו בעיר והוא צוה לי אחי ועתה אם מצאתי חן בעיניך אמלטה נא ואראה את אחי על כן לא בא אל שלחן המלך׃ 29
oo wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa, aan tagee, waayo, ehelkayagii baa magaalada allabari ku leh, oo walaalkay baa igu amray inaan halkaas joogo, haddaba haddii aad raalli iiga tahay i sii daa aan tagee oo walaalahay soo arkee, waan ku baryayaaye. Oo sidaas daraaddeed buu u iman waayay miiska boqorka.
ויחר אף שאול ביהונתן ויאמר לו בן נעות המרדות הלוא ידעתי כי בחר אתה לבן ישי לבשתך ולבשת ערות אמך׃ 30
Markaasaa Saa'uul aad ugu cadhooday Yoonaataan, oo wuxuu ku yidhi, Kaagan naag qalloocan oo caasiyad ah inankeed ahow, war sow ma aan ogi inaad wiilka Yesay dooratay adoo ceeb u soo jiidaya naftaada iyo cawrada hooyadaa?
כי כל הימים אשר בן ישי חי על האדמה לא תכון אתה ומלכותך ועתה שלח וקח אתו אלי כי בן מות הוא׃ 31
Waayo, inta wiilka Yesay dhulka ku nool yahay, adiga iyo boqortooyadaada midna dhismi maayo. Sidaas daraaddeed u cid dir oo soo kexee, waayo, hubaal wuu dhimanayaa.
ויען יהונתן את שאול אביו ויאמר אליו למה יומת מה עשה׃ 32
Markaasaa Yoonaataan wuxuu u jawaabay aabbihiis Saa'uul oo ku yidhi, Maxaa loo dilayaa? Oo bal muxuu sameeyey?
ויטל שאול את החנית עליו להכתו וידע יהונתן כי כלה היא מעם אביו להמית את דוד׃ 33
Kolkaasaa Saa'uul warankiisii ku soo gantaalay si uu u dilo. Sidaasaa Yoonaataan taas ku ogaaday in aabbihiis maagganaa inuu Daa'uud dilo.
ויקם יהונתן מעם השלחן בחרי אף ולא אכל ביום החדש השני לחם כי נעצב אל דוד כי הכלמו אביו׃ 34
Oo Yoonaataanna miiskuu kala kacay cadho kulul, oo bisha maalinteedii labaadna waxba ma cunin, waayo, wuxuu u calool xumaaday Daa'uud aawadiis, maxaa yeelay, aabbihiis baa ceeb ku sameeyey.
ויהי בבקר ויצא יהונתן השדה למועד דוד ונער קטן עמו׃ 35
Oo subaxdii dambe ayuu Yoonaataan duurka tegey wakhtigii uu Daa'uud la ballamay isagoo wata wiil yar.
ויאמר לנערו רץ מצא נא את החצים אשר אנכי מורה הנער רץ והוא ירה החצי להעברו׃ 36
Markaasuu wiilkii yaraa ku yidhi, Orod hadda oo soo doondoon fallaadhaha aan ganayo. Oo intii yarkii sii ordayay ayuu fallaadh shishadiisa ku ganay.
ויבא הנער עד מקום החצי אשר ירה יהונתן ויקרא יהונתן אחרי הנער ויאמר הלוא החצי ממך והלאה׃ 37
Oo yarkii markuu yimid meeshii Yoonaataan fallaadhii ku soo ganay ayaa Yoonaataan ka soo daba qayliyey yarkii, oo ku yidhi, War sow fallaadhii kaama sii shishayso?
ויקרא יהונתן אחרי הנער מהרה חושה אל תעמד וילקט נער יהונתן את החצי ויבא אל אדניו׃ 38
Oo haddana Yoonaataan wuxuu ka soo daba dhawaaqay wiilkii oo ku yidhi, War dheeree oo dhaqso oo ha joogsan. Markaasaa Yoonaataan yarkiisii soo ururiyey fallaadhihii oo sayidkiisii u yimid.
והנער לא ידע מאומה אך יהונתן ודוד ידעו את הדבר׃ 39
Laakiin yarku waxba ma ogayn, Yoonaataan iyo Daa'uud keliya ayaase xaalka ogaa.
ויתן יהונתן את כליו אל הנער אשר לו ויאמר לו לך הביא העיר׃ 40
Markaasaa Yoonaataan hubkiisii yarkii u dhiibay, oo ku yidhi, Tag, oo magaaladii gee.
הנער בא ודוד קם מאצל הנגב ויפל לאפיו ארצה וישתחו שלש פעמים וישקו איש את רעהו ויבכו איש את רעהו עד דוד הגדיל׃ 41
Oo isla markiiba kolkii yarkii tegey ayaa Daa'uud ka soo baxay meel Yoonaataan xagga koonfureed ka ahayd, markaasuu wejiga dhulka ku dhuftay oo saddex jeer sujuuday, wayna isdhunkadeen oo isla ooyeen ilaa Daa'uud sii badiyey.
ויאמר יהונתן לדוד לך לשלום אשר נשבענו שנינו אנחנו בשם יהוה לאמר יהוה יהיה ביני ובינך ובין זרעי ובין זרעך עד עולם ויקם וילך ויהונתן בא העיר׃ 42
Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nabad ku tag, maxaa yeelay, labadeennuba waxaynu isugu dhaarannay magaca Rabbiga, innagoo leh, Rabbigu ha inoo dhexeeyo aniga iyo adiga, iyo farcankayga iyo farcankaaga weligiisba. Markaasaa Daa'uud kacay oo tegey, oo Yoonaataanna magaaladuu galay.

< שמואל א 20 >