< מתיו 26 >

כשסיים ישוע ללמד את תלמידיו, אמר להם: 1
Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan oo dhan dhammeeyey, inuu xertiisii ku yidhi,
”כידוע לכם חג הפסח מתחיל בעוד יומיים, וימסרו אותי למוות על הצלב.“ 2
Waxaad og tihiin laba maalmood dabadeed inay tahay Iiddii Kormaridda, oo Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelinayaa in iskutallaabta lagu qodbo.
באותה שעה התכנסו ראשי הכוהנים והמנהיגים האחרים בביתו של קייפא הכוהן הגדול, 3
Markaasaa wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka waxay isku urursadeen barxadda wadaadkii sare oo Kayafas la odhan jiray.
כדי לחשוב איך לתפוס את ישוע בחשאי ולהרגו. 4
Oo waxay ka wada hadleen si ay Ciise khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.
”לא בזמן חגיגות הפסח, “הסכימו ביניהם,”פן תתחולל מהומה בעם.“ 5
Laakiin waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin.
בזמן שישוע היה בבית־עניה, בביתו של שמעון המצורע, 6
Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray,
ניגשה אליו אישה ובידה בקבוק בושם יקר מאוד, ושפכה את הבושם על ראשו בשעה שאכל. 7
waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey.
התלמידים כעסו מאוד ואמרו:”מדוע היא מבזבזת את הבושם היקר הזה? הלא יכולנו למכור אותו בכסף רב, ואת הכסף היינו נותנים לעניים!“ 8
Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay?
9
Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa.
”מדוע אתם מציקים לה?“שאל ישוע.”הלא היא עשתה מעשה טוב. 10
Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.
העניים נמצאים איתכם תמיד, ואילו אני לא אהיה איתכם תמיד. 11
Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo.
היא שפכה עלי את הבושם כדי להכין את גופי לקבורה. 12
Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso.
אני אומר לכם: בכל מקום שבו תוכרז הבשורה הזאת, תיזכר גם האישה הזאת, בזכות המעשה שעשתה.“ 13
Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.
לאחר מכן הלך יהודה איש־קריות, שהיה אחד משנים־עשר התלמידים, אל ראשי הכוהנים 14
Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare
ושאל:”מה תתנו לי אם אמסור לידיכם את ישוע?“הם נתנו לו שלושים מטבעות כסף, 15
oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah.
ומאותה שעה חיפש יהודה הזדמנות למסור לידיהם את ישוע. 16
Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.
בערב הפסח באו התלמידים אל ישוע ושאלו:”היכן אתה רוצה שנכין את הסדר?“ 17
Maalintii ugu horraysay oo Iiddii Kibistii aan khamiirka lahayn xertii ayaa Ciise u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu kuu diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?
”לכו העירה אל אדם פלוני, “ענה ישוע,”ואמרו לו:’אדוננו אמר: שעתי הגיעה, והפעם אני ותלמידי נערוך את הסדר בביתך‘. “ 18
Wuxuu yidhi, Magaalada gala oo hebel u taga oo waxaad ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Wakhtigaygii waa dhow yahay, gurigaaga ayaan cashada Iidda Kormaridda kula samaysanayaa xertayda.
התלמידים עשו כדבריו והכינו את הסדר. 19
Xertii waa samaysay sida Ciise ku amray oo cashada Iidda Kormariddii ayay diyaargareeyeen.
בערב ישב ישוע עם תלמידיו ליד השולחן, 20
Goortii makhribkii la gaadhay, laba-iyo-tobankii xerta ahaa ayuu cunto ula fadhiistay,
ובשעת הארוחה אמר להם:”אחד מכם יבגוד בי ויסגיר אותי.“ 21
oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.
התלמידים התעצבו מאוד ושאלו זה אחר זה:”האם אתה מתכוון אלי?“ 22
Markaasay aad iyo aad u caloolxumaadeen, oo waxay bilaabeen in mid kastaa ku yidhaahdo, Ma aniga baa, Sayidow?
”אני מתכוון לאחד אשר טבל את המצה שלו בקערה יחד אתי. 23
Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Kii saxanka gacanta ila gesha kaasaa i gacangelin doona.
בן־האדם הולך למות כפי שכתוב שצריך לקרות, אולם אני אומר לכם: אוי לאיש שיסגיר אותו; מוטב שלא היה נולד בכלל!“ 24
Wiilka Aadanahu waa baxayaa, siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacangelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan.
גם יהודה שאל את ישוע:”רבי, האם אתה מתכוון אלי?“וישוע השיב:”כן.“ 25
Yuudas oo ah kii gacangeliyey ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma aniga baa, Sayidow? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.
בעת הסעודה לקח ישוע את הלחם (מצה), ברך, פרס לפרוסות, הגיש לתלמידיו ואמר:”קחו ואכלו; זהו גופי.“ 26
Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo xertii siiyey oo yidhi, Qaata oo cuna. Tanu waa jidhkaygiiye.
אחר כך לקח כוס יין, ברך, הגיש לתלמידיו ואמר:”שתו ממנה כולכם, 27
Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Kulligiin ka cabba.
כי זהו דמי החותם את הברית החדשה בין אלוהים לבין בני־האדם; זהו דמי הנשפך כדי לסלוח לחטאיהם של אנשים רבים. 28
Waayo, kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay dembidhaafkooda aawadiis.
ובכן לא אשתה יותר יין עד היום שבו אשתה יין חדש איתכם במלכות אבי.“ 29
Laakiin waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu kama cabbi doono midhahan geedka canabka ah ilaa maalinta aan iyadoo cusub idinkula cabbayo boqortooyada Aabbahay dhexdeed.
כל הנוכחים שרו מזמורי תהלים, ולאחר מכן הלכו להר הזיתים. 30
Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.
”הלילה כולכם תעזבו אותי, “אמר ישוע לתלמידיו,”והרי כתוב:’אכה את הרעה ותפוצין הצאן‘. 31
Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Caawa kulligiin waa iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa oo idaha foofka ahu waa kala firdhi doonaan.
אולם לאחר שאקום לתחייה אלך לגליל ואפגוש אתכם שם.“ 32
Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo, dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.
”אפילו אם כולם יעזבו אותך, אני לעולם לא אעזוב אותך!“קרא פטרוס. 33
Laakiin Butros ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Hadday kulli kaa xumaadaan, anigu weligay kaa xumaan maayo.
אולם ישוע אמר לו:”האמת היא שעוד הלילה, לפני שיקרא התרנגול את קריאת השחר, תתכחש לי שלוש פעמים!“ 34
Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Caawa qudheeda intaan diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.
”לעולם לא אתכחש לך, “התעקש פטרוס,”אפילו אם יהיה עלי למות!“ושאר התלמידים גם אמרו כך. 35
Butros wuxuu ku yidhi, In kastoo aan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Xertii oo dhammuna sidaasay wada yidhaahdeen.
הם הגיעו לחורשת עצי־זית הנקראת”גת־שמנים“, ואמר לתלמידיו:”חכו לי כאן עד שאחזור. אני הולך להתפלל.“ 36
Markaasaa Ciise la yimid iyaga meel Getsemane la odhan jiray, oo wuxuu xertii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan halkaas tegayo oo ku soo tukanayo.
הוא לקח איתו את פטרוס ואת יעקב ויוחנן, בני זבדי, והתמלא עצב ומועקה. 37
Oo wuxuu watay Butros iyo labada wiil oo Sebedi, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiiraanyoodo.
”אני מתייסר עד מוות!“אמר להם ישוע.”חכו כאן… הישארו לידי ערים…“ 38
Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo ila soo jeeda.
הוא התרחק מהם מעט, נפל על פניו והתפלל:”אבי, אם זה אפשרי, הסר ממני את כוס הייסורים. אולם לא כרצוני כי אם רצונך ייעשה!“ 39
Waxoogaa ayuu hore u socday, oo wejigiisuu u dhacay oo tukaday isagoo leh, Aabbow, hadday suurtowdo, koobkanu ha i dhaafo, hase ahaatee, yaanay noqon sidaan doonayo laakiin sidaad doonaysid ha noqoto.
לאחר מכן הוא חזר אל שלושת התלמידים ומצא אותם ישנים.”פטרוס, “קרא ישוע,”האם לא יכולתם להישאר ערים איתי שעה אחת בלבד? 40
Xertii ayuu u yimid, oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Waa sidee? Miyaad kari weydeen inaad saacad keliya ila soo jeeddaan?
עמדו על המשמר והתפללו שלא תבואו לידי ניסיון. אני יודע שהרוח אכן רוצה, אבל גופכם חלש כל־כך!“ 41
Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.
ישוע עזב אותם שוב והתפלל:”אבי, אם עלי לשתות את הכוס הזאת, אז שרצונך ייעשה!“ 42
Haddana mar labaad ayuu tegey oo tukaday isagoo leh, Aabbow, haddii aanay suurtoobin in koobkanu i dhaafo anigoo cabba maahee, sidaad doonaysid ha noqoto.
הוא חזר אל תלמידיו, וגם הפעם מצא אותם ישנים, כי עיניהם היו כבדות. 43
Mar kale ayuu yimid oo arkay iyagoo hurda, waayo, indhahoodu lulmay la cuslaayeen.
הוא שוב עזב אותם וחזר על תפילתו בפעם השלישית. 44
Wuu iska daayay oo haddana ka tegey, oo mar saddexaad ayuu tukaday isagoo haddana hadalkii oo kale ku hadlaya.
לאחר מכן הוא חזר אל תלמידיו ואמר:”האם אתם עדיין ישנים? הגיעה השעה שבן־האדם יימסר לידי אנשים חוטאים. 45
Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.
קומו, הבה נלך מכאן. הביטו, הנה מתקרב האיש שיסגיר אותי.“ 46
Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.
לפני שהספיק ישוע לסיים את דבריו הגיע למקום יהודה, אחד משנים־עשר התלמידים, ואיתו המון שנשלח מטעם ראשי הכוהנים וזקני העם, חמוש בחרבות ובמקלות. 47
Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka.
יהודה אמר להם לתפוס את האיש שייתן לו נשיקה, 48
Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta.
ואז ניגש ישר אל ישוע ואמר:”שלום, רבי!“ונישק אותו. 49
Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday.
”ידידי, “אמר לו ישוע,”עשה את מה שבאת לעשות.“באותו רגע תפסו אותו האחרים. 50
Kolkaasaa Ciise ku yidhi, Saaxiibow, maxaad u timid? Markaasay yimaadeen, oo gacmahooda ayay Ciise saareen oo qabteen.
אחד האנשים שהיו עם ישוע שלף חרב וקיצץ את אוזנו של עבד הכוהן הגדול. 51
Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay.
”עזוב את החרב שלך, “אמר לו ישוע,”מי שחי בחרב ימות בחרב. 52
Markaasaa Ciise ku yidhi, Seeftaada meesheedii ku celi, waayo, kuwa seefo qaada oo dhammu seef bay ku halligmi doonaan.
אתה לא מבין שאני יכול לבקש מאבי שייתן לי אלפי מלאכים להגן עלי, והוא היה שולח אותם מיד? 53
Ma waxaad u malaynaysaa inaanan Aabbahay baryi karin oo uusan haddeer ii soo diri karin malaa'igo laba iyo toban guuto ka badan?
אולם אילו הייתי עושה כך, כיצד הייתה מתקיימת הנבואה בכתובים המתארת את המתרחש עכשיו?“ 54
Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa?
ישוע פנה אל ההמון ואמר:”האם אני פושע מסוכן? מדוע אתם באים לאסור אותי בחרבות ובמקלות? הלא לימדתי אתכם במקדש יום־יום ויכולתם לאסור אותי שם ללא קושי! 55
Saacaddaas qudheeda ayaa Ciise dadkii badnaa ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? Maalin walbaba macbudka ayaan fadhiyi jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan.
אולם כל זה בא למלא את דברי הנביאים בכתבי הקודש.“אז עזבו אותו התלמידים וברחו. 56
Laakiin waxan oo dhan ayaa noqday in qorniinka nebiyadu rumoobo. Markaasaa xertii oo dhammu ka wada tageen oo carareen.
ההמון לקח את ישוע אל ביתו של קייפא הכוהן הגדול – שם כבר המתינו לו הסופרים והזקנים. 57
Kuwii Ciise qabtay waxay u geeyeen Kayafas oo ahaa wadaadkii sare, ilaa meeshii culimmada iyo waayeelladu ku urursanaayeen.
באותו זמן הלך פטרוס במרחק מה אחרי ההמון. הוא נכנס לחצר ביתו של הכוהן הגדול, ישב בין החיילים וחיכה לראות מה יקרה לישוע. 58
Laakiin Butros baa meel fog ka soo daba socday ilaa barxadda wadaadkii sare, wuuna galay oo askartii la fadhiistay inuu ugudambaysta arko.
ראשי הכוהנים וחברי הסנהדרין, שהתאספו שם, חיפשו עדי שקר שיעידו נגד ישוע, כדי שיוכלו להטיל עליו אשמה כלשהי ולדון אותו למוות. 59
Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati been ah oo Ciise ka gees ah si ay u dilaan.
אבל למרות שמצאו אנשים רבים שהסכימו לתת עדות שקר, דבריהם תמיד סתרו זה את זה. לבסוף באו שני אנשים שהצהירו:”האיש הזה אמר שהוא יכול להרוס את בית־המקדש ולבנות אותו מחדש תוך שלושה ימים.“ 60
Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba,
61
oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso.
הכוהן הגדול קם על רגליו ושאל:”מה יש לך לומר להגנתך? מה יש לך לומר על כל ההאשמות נגדך?“ 62
Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?
אך ישוע שתק.”בשם אלוהים חיים, “קרא הכוהן הגדול,”אני דורש ממך שתאמר לנו אם אתה המשיח, בנו של הקדוש־ברוך־הוא!“ 63
Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale.
”אתה אמרת, “אמר ישוע,”אבל אני אומר שאתם תראו את בן־האדם יושב לימין האלוהים ובא עם ענני השמים.“ 64
Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka.
הכוהן הגדול קרע את בגדיו וקרא בקול:”מגדף! איננו זקוקים לעדים נוספים, כולכם שמעתם את דבריו! מה אתם פוסקים?“”מוות!“הם צעקו.”מוות! מוות!“ 65
Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka.
66
Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho.
הם ירקו בפניו של ישוע, הכו אותו, סטרו לו על הלחי וקראו: 67
Markaasay wejiga kaga candhuufeen oo garaaceen. Qaarna waa dharbaaxeen,
”משיח שכמוך, התנבא לנו! מי הכה אותך הפעם?“ 68
oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Masiixow. Yuu yahay kan kugu dhuftay?
כשכל זה קרה, פטרוס ישב בחצר הבית. לפתע עברה לידו משרתת וקראה:”גם אתה היית עם ישוע מהגליל!“ 69
Butros wuxuu fadhiyey barxadda dibadda ah, markaasaa gabadh u timid oo waxay ku tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Galili.
אולם פטרוס הכחיש את דבריה בקול:”מה פתאום? אני בכלל לא יודע על מה את מדברת!“ 70
Laakiin dhammaantood ayuu ku hor dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu garan maayo waxaad leedahay.
מאוחר יותר נערה אחרת ראתה אותו ליד השער, ואמרה לאנשים סביבה:”גם הוא היה עם ישוע מנצרת!“ 71
Goortuu iridda tegey mid kale ayaa aragtay, oo waxay kuwii halkaas joogay ku tidhi, Kanu wuxuu la jiray Ciisihii reer Naasared.
פטרוס שוב הכחיש את הדבר:”אני נשבע שאני אפילו לא מכיר את האיש הזה!“ 72
Haddana dhaar ayuu ku dafiray oo yidhi, Anigu garan maayo ninka.
כעבור זמן מה ניגשו אליו האנשים שעמדו שם ואמרו:”אנחנו יודעים שאתה אחד מתלמידיו; המבטא הגלילי שלך מסגיר אותך!“ 73
Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa u yimid oo Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, hadalkaaga ayaa ku muujinaya.
פטרוס החל לקלל ונשבע:”אינני מכיר את האיש!“באותו רגע קרא התרנגול, 74
Markaasuu bilaabay inuu caytamo oo ku dhaarto inaanu ninka garanayn. Kolkiiba diiqii baa ciyey.
ופטרוס נזכר בדברי ישוע:”לפני שיקרא התרנגול תתכחש לי שלוש פעמים.“הוא יצא מהחצר ומירר בבכי. 75
Markaasaa Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu ciyin saddex goor ayaad i dafiri doontaa. Markaasuu baxay oo aad u ooyay.

< מתיו 26 >