< ישעה 33 >
הוֹי שׁוֹדֵד וְאַתָּה לֹא שָׁדוּד וּבוֹגֵד וְלֹא־בָגְדוּ בוֹ כַּהֲתִֽמְךָ שׁוֹדֵד תּוּשַּׁד כַּנְּלֹתְךָ לִבְגֹּד יִבְגְּדוּ־בָֽךְ׃ | 1 |
Adaa iska hoogay, kaaga wax dhaca oo aan adiga wax lagaa dhicin oo wax khiyaaneeya oo aan adiga lagu khiyaanayn. Markaad waxdhicidda joojisid ayaa adiga wax lagaa dhici doonaa, oo markaad waxkhiyaanaynta joojisid ayaa adiga lagu khiyaanayn doonaa.
יְהוָה חָנֵּנוּ לְךָ קִוִּינוּ הֱיֵה זְרֹעָם לַבְּקָרִים אַף־יְשׁוּעָתֵנוּ בְּעֵת צָרָֽה׃ | 2 |
Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.
מִקּוֹל הָמוֹן נָדְדוּ עַמִּים מֵרוֹמְמֻתֶךָ נָפְצוּ גּוֹיִֽם׃ | 3 |
Buuqa gurdanka ayaa dadyowgii ka carareen, oo sarajoogsigaaga ayay quruumihii la kala firdheen.
וְאֻסַּף שְׁלַלְכֶם אֹסֶף הֶֽחָסִיל כְּמַשַּׁק גֵּבִים שׁוֹקֵק בּֽוֹ׃ | 4 |
Oo boolidiinna waxaa loo soo urursan doonaa sida diirtu wax u urursato oo kale, oo waxaa loogu boodi doonaa sida ayaxu ugu boodboodo oo kale.
נִשְׂגָּב יְהוָה כִּי שֹׁכֵן מָרוֹם מִלֵּא צִיּוֹן מִשְׁפָּט וּצְדָקָֽה׃ | 5 |
Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.
וְהָיָה אֱמוּנַת עִתֶּיךָ חֹסֶן יְשׁוּעֹת חָכְמַת וָדָעַת יִרְאַת יְהוָה הִיא אוֹצָרֽוֹ׃ | 6 |
Oo wakhtigaaguna wuxuu ahaan doonaa ammaan, iyo badbaado, iyo xigmad, iyo aqoon miidhan, oo cabsida Rabbiguna waxay tahay khasnaddiisa.
הֵן אֶרְאֶלָּם צָעֲקוּ חֻצָה מַלְאֲכֵי שָׁלוֹם מַר יִבְכָּיֽוּן׃ | 7 |
Bal eega, kuwoodii xoogga badnaa dibadday ka qaylinayaan, oo ergooyinkii nabadduna si qadhaadh bay u ooyayaan.
נָשַׁמּוּ מְסִלּוֹת שָׁבַת עֹבֵר אֹרַח הֵפֵר בְּרִית מָאַס עָרִים לֹא חָשַׁב אֱנֽוֹשׁ׃ | 8 |
Jidadkii waaweynaa way baabba'san yihiin, oo dadkii mari jirayna way ka joogsadeen. Isagu axdigii wuu jebiyey, oo magaalooyinkiina wuu quudhsaday, oo ninna dan kama galo.
אָבַל אֻמְלְלָה אָרֶץ הֶחְפִּיר לְבָנוֹן קָמַל הָיָה הַשָּׁרוֹן כָּֽעֲרָבָה וְנֹעֵר בָּשָׁן וְכַרְמֶֽל׃ | 9 |
Dalku waa barooranayaa, waana taag gabayaa, Lubnaan way ceebowday, oo way engegtay, Shaaroon waa sida lamadegaan oo kale, oo Baashaan iyo Karmelna caleentii bay daadinayaan.
עַתָּה אָקוּם יֹאמַר יְהוָה עַתָּה אֵֽרוֹמָם עַתָּה אֶנָּשֵֽׂא׃ | 10 |
Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadda waan kacayaa, hadda kor baan isu qaadayaa, oo hadda waan sara marayaa.
תַּהֲרוּ חֲשַׁשׁ תֵּלְדוּ קַשׁ רוּחֲכֶם אֵשׁ תֹּאכַלְכֶֽם׃ | 11 |
Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona.
וְהָיוּ עַמִּים מִשְׂרְפוֹת שִׂיד קוֹצִים כְּסוּחִים בָּאֵשׁ יִצַּֽתּוּ׃ | 12 |
Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.
שִׁמְעוּ רְחוֹקִים אֲשֶׁר עָשִׂיתִי וּדְעוּ קְרוֹבִים גְּבֻרָתִֽי׃ | 13 |
Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.
פָּחֲדוּ בְצִיּוֹן חַטָּאִים אָחֲזָה רְעָדָה חֲנֵפִים מִי ׀ יָגוּר לָנוּ אֵשׁ אוֹכֵלָה מִי־יָגוּר לָנוּ מוֹקְדֵי עוֹלָֽם׃ | 14 |
Dembilayaasha Siyoon dhex jooga way cabsanayaan, oo cibaadalaawayaashuna cabsi bay la gariirayaan, bal keennee baa dabkan wax gubaya dhex joogi doona? Oo keennee baa gubasho weligeed ah dhex joogi doona?
הֹלֵךְ צְדָקוֹת וְדֹבֵר מֵֽישָׁרִים מֹאֵס בְּבֶצַע מַעֲשַׁקּוֹת נֹעֵר כַּפָּיו מִתְּמֹךְ בַּשֹּׁחַד אֹטֵם אָזְנוֹ מִשְּׁמֹעַ דָּמִים וְעֹצֵם עֵינָיו מֵרְאוֹת בְּרֽ͏ָע׃ | 15 |
Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,
הוּא מְרוֹמִים יִשְׁכֹּן מְצָדוֹת סְלָעִים מִשְׂגַּבּוֹ לַחְמוֹ נִתָּן מֵימָיו נֶאֱמָנִֽים׃ | 16 |
kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.
מֶלֶךְ בְּיָפְיוֹ תֶּחֱזֶינָה עֵינֶיךָ תִּרְאֶינָה אֶרֶץ מַרְחַקִּֽים׃ | 17 |
Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.
לִבְּךָ יֶהְגֶּה אֵימָה אַיֵּה סֹפֵר אַיֵּה שֹׁקֵל אַיֵּה סֹפֵר אֶת־הַמִּגְדָּלִֽים׃ | 18 |
Qalbigaagu wuxuu ka fikiri doonaa cabsida. Meeh karraanigii wax tirin jiray? Oo meeh kii baadda miisaami jiray? Oo meeh kii munaaradaha tirin jiray?
אֶת־עַם נוֹעָז לֹא תִרְאֶה עַם עִמְקֵי שָׂפָה מִשְּׁמוֹעַ נִלְעַג לָשׁוֹן אֵין בִּינָֽה׃ | 19 |
Mar dambe ma aad arki doontid dadka cadhada kulul, ee uusan hadalkoodu kuu dhicin, oo leh af qalaad oo aadan innaba garan karin.
חֲזֵה צִיּוֹן קִרְיַת מֽוֹעֲדֵנוּ עֵינֶיךָ תִרְאֶינָה יְרוּשָׁלִַם נָוֶה שַׁאֲנָן אֹהֶל בַּל־יִצְעָן בַּל־יִסַּע יְתֵֽדֹתָיו לָנֶצַח וְכָל־חֲבָלָיו בַּל־יִנָּתֵֽקוּ׃ | 20 |
Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin.
כִּי אִם־שָׁם אַדִּיר יְהוָה לָנוּ מְקוֹם־נְהָרִים יְאֹרִים רַחֲבֵי יָדָיִם בַּל־תֵּלֶךְ בּוֹ אֳנִי־שַׁיִט וְצִי אַדִּיר לֹא יַעַבְרֶֽנּוּ׃ | 21 |
Laakiinse Rabbiga haybadda badanu wuxuu halkaas inoogu noqon doonaa meel webiyo ballaadhan iyo durdurro leh, oo ayan huuriyo seeb lahu mari doonin, oo aan doonniyaha waaweynuna dhaafi doonin.
כִּי יְהוָה שֹׁפְטֵנוּ יְהוָה מְחֹקְקֵנוּ יְהוָה מַלְכֵּנוּ הוּא יוֹשִׁיעֵֽנוּ׃ | 22 |
Waayo, Rabbigu waa xaakinkeenna, oo Rabbigu waa taliyaheenna, oo Rabbigu waa boqorkeenna wuuna ina badbaadin doonaa.
נִטְּשׁוּ חֲבָלָיִךְ בַּל־יְחַזְּקוּ כֵן־תָּרְנָם בַּל־פָּרְשׂוּ נֵס אָז חֻלַּק עַֽד־שָׁלָל מַרְבֶּה פִּסְחִים בָּזְזוּ בַֽז׃ | 23 |
Xadhkihii way dabceen, oo salka daqalkiina lama xoojin karin, shiraaqiina lama kala fidin karin, markaasaa waxaa la qaybsaday booli badan, oo curyaankuna wixii la dhacay buu qaatay.
וּבַל־יֹאמַר שָׁכֵן חָלִיתִי הָעָם הַיֹּשֵׁב בָּהּ נְשֻׂא עָוֺֽן׃ | 24 |
Oo kan halkaas deggan ma odhan doono, Waan bukaa, oo dadka dhexdeeda degganna xumaantooda waa laga cafiyi doonaa.