< תהילים 96 >
שִׁירוּ לַיהֹוָה שִׁיר חָדָשׁ שִׁירוּ לַיהֹוָה כׇּל־הָאָֽרֶץ׃ | 1 |
Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
שִׁירוּ לַיהֹוָה בָּרְכוּ שְׁמוֹ בַּשְּׂרוּ מִיּֽוֹם־לְיוֹם יְשׁוּעָתֽוֹ׃ | 2 |
Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
סַפְּרוּ בַגּוֹיִם כְּבוֹדוֹ בְּכׇל־הָעַמִּים נִפְלְאוֹתָֽיו׃ | 3 |
Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
כִּי גָדוֹל יְהֹוָה וּמְהֻלָּל מְאֹד נוֹרָא הוּא עַל־כׇּל־אֱלֹהִֽים׃ | 4 |
Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
כִּי ׀ כׇּל־אֱלֹהֵי הָעַמִּים אֱלִילִים וַיהֹוָה שָׁמַיִם עָשָֽׂה׃ | 5 |
Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
הוֹד־וְהָדָר לְפָנָיו עֹז וְתִפְאֶרֶת בְּמִקְדָּשֽׁוֹ׃ | 6 |
Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
הָבוּ לַיהֹוָה מִשְׁפְּחוֹת עַמִּים הָבוּ לַיהֹוָה כָּבוֹד וָעֹֽז׃ | 7 |
Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
הָבוּ לַיהֹוָה כְּבוֹד שְׁמוֹ שְׂאֽוּ־מִנְחָה וּבֹאוּ לְחַצְרוֹתָֽיו׃ | 8 |
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
הִשְׁתַּחֲווּ לַיהֹוָה בְּהַדְרַת־קֹדֶשׁ חִילוּ מִפָּנָיו כׇּל־הָאָֽרֶץ׃ | 9 |
Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
אִמְרוּ בַגּוֹיִם ׀ יְהֹוָה מָלָךְ אַף־תִּכּוֹן תֵּבֵל בַּל־תִּמּוֹט יָדִין עַמִּים בְּמֵישָׁרִֽים׃ | 10 |
Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya, Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin, Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.
יִשְׂמְחוּ הַשָּׁמַיִם וְתָגֵל הָאָרֶץ יִֽרְעַם הַיָּם וּמְלֹאֽוֹ׃ | 11 |
Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,
יַעֲלֹז שָׂדַי וְכׇל־אֲשֶׁר־בּוֹ אָז יְרַנְּנוּ כׇּל־עֲצֵי־יָֽעַר׃ | 12 |
Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen, Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,
לִפְנֵי יְהֹוָה ׀ כִּי בָא כִּי בָא לִשְׁפֹּט הָאָרֶץ יִשְׁפֹּֽט־תֵּבֵל בְּצֶדֶק וְעַמִּים בֶּאֱמוּנָתֽוֹ׃ | 13 |
Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.