< צפניה 1 >

דבר יהוה אשר היה אל צפניה בן כושי בן גדליה בן אמריה בן חזקיה--בימי יאשיהו בן אמון מלך יהודה 1
Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Sefanyaah ina Kuushii, ina Gedalyaah, ina Amaryaah, ina Xisqiyaah, wakhtigii Yoosiyaah ina Aamoon uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah.
אסף אסף כל מעל פני האדמה--נאם יהוה 2
Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu wax kasta waan ka baabbi'in doonaa dhulka korkiisa.
אסף אדם ובהמה אסף עוף השמים ודגי הים והמכשלות את הרשעים והכרתי את האדם מעל פני האדמה--נאם יהוה 3
Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.
ונטיתי ידי על יהודה ועל כל יושבי ירושלם והכרתי מן המקום הזה את שאר הבעל--את שם הכמרים עם הכהנים 4
Oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa dalka Yahuudah iyo inta Yeruusaalem deggan oo dhan, oo intii Bacal ka hadhayna meeshan waan ka gooyn doonaa, iyo magaca Kemaariim iyo wadaaddada,
ואת המשתחוים על הגגות לצבא השמים ואת המשתחוים הנשבעים ליהוה והנשבעים במלכם 5
iyo kuwa ciidanka samada ku caabuda guryaha dhaladooda, iyo kuwa Rabbiga caabuda oo ku dhaarta oo haddana ku dhaarta Malkaam,
ואת הנסוגים מאחרי יהוה ואשר לא בקשו את יהוה ולא דרשהו 6
iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.
הס מפני אדני יהוה כי קרוב יום יהוה כי הכין יהוה זבח הקדיש קראיו 7
Sayidka Rabbiga ah hortiisa ku aamus, maxaa yeelay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waayo, Rabbigu waa diyaariyey allabari, oo martidiisiina quduus buu ka dhigay.
והיה ביום זבח יהוה ופקדתי על השרים ועל בני המלך--ועל כל הלבשים מלבוש נכרי 8
Oo maalinta Rabbiga allabarigiisa ayaan ciqaabi doonaa amiirrada iyo wiilasha boqorka, iyo inta dharka qalaad xidhan oo dhanba.
ופקדתי על כל הדולג על המפתן--ביום ההוא הממלאים בית אדניהם חמס ומרמה 9
Maalintaas waxaan wada ciqaabi doonaa kuwa marinka ka booda, oo guriga sayidkooda ka buuxiya dulmi iyo khiyaano.
והיה ביום ההוא נאם יהוה קול צעקה משער הדגים ויללה מן המשנה ושבר גדול מהגבעות 10
Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla maalintaas qaylo dhawaaqeed ayaa ka yeedhi doona Iridda Kalluunka, oo magaalada inteeda labaadna waxaa ka yeedhi doonta baroor, kurahana waxaa ka yeedhi doona daryaan weyn.
הילילו ישבי המכתש כי נדמה כל עם כנען נכרתו כל נטילי כסף 11
Kuwiinna Makteesh degganow, qayliya, waayo, dadkii reer Kancaan oo dhammu waa dhammaaday, oo kuwii lacagta ku rarnaa oo dhammu waa baabba'.
והיה בעת ההיא אחפש את ירושלם בנרות ופקדתי על האנשים הקפאים על שמריהם האמרים בלבבם לא ייטיב יהוה ולא ירע 12
Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo.
והיה חילם למשסה ובתיהם לשממה ובנו בתים ולא ישבו ונטעו כרמים ולא ישתו את יינם 13
Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.
קרוב יום יהוה הגדול קרוב ומהר מאד קול יום יהוה מר צרח שם גבור 14
Maalintii weynayd oo Rabbigu way soo dhow dahay, way soo dhow dahay, oo aad bay u soo degdegaysaa. Dhawaaqi maalinta Rabbigu mar dhow buu yeedhi doonaa, dadka xoogga badanuna halkaasay si qadhaadh ah uga qaylin doonaan.
יום עברה היום ההוא יום צרה ומצוקה יום שאה ומשואה יום חשך ואפלה יום ענן וערפל 15
Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,
יום שופר ותרועה על הערים הבצרות ועל הפנות הגבהות 16
oo waa maalin ay jiraan buun iyo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalooyinka deyrka leh, iyo munaaradaha dhaadheer.
והצרתי לאדם והלכו כעורים--כי ליהוה חטאו ושפך דמם כעפר ולחמם כגללים 17
Dadka waxaan ku soo dejin doonaa cidhiidhi inay u socdaan sidii dad indha la', maxaa yeelay, Rabbigay ku dembaabeen, oo dhiiggoodu wuxuu u daadan doonaa sida boodh oo kale, hilibkooduna sida digo oo kale.
גם כספם גם זהבם לא יוכל להצילם ביום עברת יהוה ובאש קנאתו תאכל כל הארץ כי כלה אך נבהלה יעשה את כל ישבי הארץ 18
Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

< צפניה 1 >