< תהילים 92 >

מזמור שיר ליום השבת ב טוב להדות ליהוה ולזמר לשמך עליון 1
Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
להגיד בבקר חסדך ואמונתך בלילות 2
Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada,
עלי-עשור ועלי-נבל עלי הגיון בכנור 3
Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.
כי שמחתני יהוה בפעלך במעשי ידיך ארנן 4
Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
מה-גדלו מעשיך יהוה מאד עמקו מחשבתיך 5
Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
איש-בער לא ידע וכסיל לא-יבין את-זאת 6
Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.
בפרח רשעים כמו עשב ויציצו כל-פעלי און להשמדם עדי-עד 7
Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
ואתה מרום-- לעלם יהוה 8
Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
כי הנה איביך יהוה-- כי-הנה איביך יאבדו יתפרדו כל-פעלי און 9
Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada, Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane, Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
ותרם כראים קרני בלתי בשמן רענן 10
Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
ותבט עיני בשורי בקמים עלי מרעים-- תשמענה אזני 11
Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
צדיק כתמר יפרח כארז בלבנון ישגה 12
Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
שתולים בבית יהוה בחצרות אלהינו יפריחו 13
Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
עוד ינובון בשיבה דשנים ורעננים יהיו 14
Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
להגיד כי-ישר יהוה צורי ולא-עלתה (עולתה) בו 15
Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.

< תהילים 92 >