< תהילים 79 >
מזמור לאסף אלהים באו גוים בנחלתך-- טמאו את היכל קדשך שמו את-ירושלם לעיים | 1 |
Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii, Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen, Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
נתנו את-נבלת עבדיך-- מאכל לעוף השמים בשר חסידיך לחיתו-ארץ | 2 |
Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada, Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
שפכו דמם כמים--סביבות ירושלם ואין קובר | 3 |
Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin.
היינו חרפה לשכנינו לעג וקלס לסביבותינו | 4 |
Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii, Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.
עד-מה יהוה תאנף לנצח תבער כמו-אש קנאתך | 5 |
Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
שפך חמתך-- אל הגוים אשר לא-ידעוך ועל ממלכות-- אשר בשמך לא קראו | 6 |
Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon, Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.
כי אכל את-יעקב ואת-נוהו השמו | 7 |
Waayo, waxay laayeen reer Yacquub, Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
אל-תזכר-לנו עונת ראשנים מהר יקדמונו רחמיך-- כי דלונו מאד | 8 |
Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.
עזרנו אלהי ישענו-- על-דבר כבוד-שמך והצילנו וכפר על-חטאתינו למען שמך | 9 |
Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
למה יאמרו הגוים-- איה אלהיהם יודע בגיים (בגוים) לעינינו נקמת דם-עבדיך השפוך | 10 |
Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh? Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.
תבוא לפניך אנקת אסיר כגדל זרועך--הותר בני תמותה | 11 |
Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado, Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.
והשב לשכנינו שבעתים אל-חיקם חרפתם אשר חרפוך אדני | 12 |
Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari, Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.
ואנחנו עמך וצאן מרעיתך-- נודה לך לעולם לדר ודר-- נספר תהלתך | 13 |
Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada Waannu kugu mahadnaqaynaa weligayo, Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.