< תהילים 77 >

למנצח על-ידיתון (ידותון) לאסף מזמור ב קולי אל-אלהים ואצעקה קולי אל-אלהים והאזין אלי 1
Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
ביום צרתי אדני דרשתי ידי לילה נגרה--ולא תפוג מאנה הנחם נפשי 2
Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
אזכרה אלהים ואהמיה אשיחה ותתעטף רוחי סלה 3
Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
אחזת שמרות עיני נפעמתי ולא אדבר 4
Indhahaygii waad soo jeedisay, Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
חשבתי ימים מקדם-- שנות עולמים 5
Waxaan ka fikiray wakhtigii hore, Iyo sannadihii waa hore ahaa.
אזכרה נגינתי בלילה עם-לבבי אשיחה ויחפש רוחי 6
Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
הלעולמים יזנח אדני ולא-יסיף לרצות עוד 7
Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
האפס לנצח חסדו גמר אמר לדר ודר 8
Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
השכח חנות אל אם-קפץ באף רחמיו סלה 9
Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
ואמר חלותי היא-- שנות ימין עליון 10
Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
אזכיר (אזכור) מעללי-יה כי-אזכרה מקדם פלאך 11
Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa, Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
והגיתי בכל-פעלך ובעלילותיך אשיחה 12
Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
אלהים בקדש דרכך מי-אל גדול כאלהים 13
Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah, Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
אתה האל עשה פלא הודעת בעמים עזך 14
Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya, Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
גאלת בזרוע עמך בני-יעקב ויוסף סלה 15
Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay, Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
ראוך מים אלהים--ראוך מים יחילו אף ירגזו תהמות 16
Ilaahow, biyuhu way ku arkeen, Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen, Oo moolalkuna way gariireen.
זרמו מים עבות--קול נתנו שחקים אף-חצציך יתהלכו 17
Daruuruhuna biyay soo daayeen, Cirkuna wuxuu diray dhawaaq, Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
קול רעמך בגלגל--האירו ברקים תבל רגזה ותרעש הארץ 18
Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta, Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida, Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
בים דרכך--ושביליך (ושבילך) במים רבים ועקבותיך לא נדעו 19
Jidkaaguna badduu dhex maray, Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan, Oo raadadkaagana lama aqoon.
נחית כצאן עמך-- ביד-משה ואהרן 20
Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale, Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.

< תהילים 77 >