< תהילים 75 >

למנצח אל-תשחת מזמור לאסף שיר ב הודינו לך אלהים--הודינו וקרוב שמך ספרו נפלאותיך 1
Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa, Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
כי אקח מועד אני מישרים אשפט 2
Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
נמגים ארץ וכל-ישביה אנכי תכנתי עמודיה סלה 3
Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
אמרתי להוללים אל-תהלו ולרשעים אל-תרימו קרן 4
Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina, Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
אל-תרימו למרום קרנכם תדברו בצואר עתק 5
Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.
כי לא ממוצא וממערב ולא ממדבר הרים 6
Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed, Ama xataa xagga koonfureed toona.
כי-אלהים שפט זה ישפיל וזה ירים 7
Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
כי כוס ביד-יהוה ויין חמר מלא מסך-- ויגר מזה אך-שמריה ימצו ישתו כל רשעי-ארץ 8
Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
ואני אגיד לעלם אזמרה לאלהי יעקב 9
Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa, Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
וכל-קרני רשעים אגדע תרוממנה קרנות צדיק 10
Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa, Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.

< תהילים 75 >