< תהילים 72 >

לשלמה אלהים--משפטיך למלך תן וצדקתך לבן-מלך 1
Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
ידין עמך בצדק וענייך במשפט 2
Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.
ישאו הרים שלום לעם וגבעות בצדקה 3
Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
ישפט עניי-עם--יושיע לבני אביון וידכא עושק 4
Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
ייראוך עם-שמש ולפני ירח דור דורים 5
Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto, Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
ירד כמטר על-גז כרביבים זרזיף ארץ 6
Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
יפרח-בימיו צדיק ורב שלום עד-בלי ירח 7
Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa, Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
וירד מים עד-ים ומנהר עד-אפסי-ארץ 8
Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad, Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.
לפניו יכרעו ציים ואיביו עפר ילחכו 9
Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan; Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
מלכי תרשיש ואיים מנחה ישיבו מלכי שבא וסבא אשכר יקריבו 10
Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
וישתחוו-לו כל-מלכים כל-גוים יעבדוהו 11
Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan, Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
כי-יציל אביון משוע ועני ואין-עזר לו 12
Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
יחס על-דל ואביון ונפשות אביונים יושיע 13
Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
מתוך ומחמס יגאל נפשם וייקר דמם בעיניו 14
Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi, Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
ויחי-- ויתן-לו מזהב שבא ויתפלל בעדו תמיד כל-היום יברכנהו 15
Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa; Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan, Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
יהי פסת-בר בארץ-- בראש הרים ירעש כלבנון פריו ויציצו מעיר כעשב הארץ 16
Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
יהי שמו לעולם-- לפני-שמש ינין (ינון) שמו ויתברכו בו כל-גוים יאשרוהו 17
Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
ברוך יהוה אלהים--אלהי ישראל עשה נפלאות לבדו 18
Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
וברוך שם כבודו-- לעולם וימלא כבודו את-כל הארץ-- אמן ואמן 19
Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba, Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto. Aamiin iyo Aamiin.
כלו תפלות-- דוד בן-ישי 20
Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.

< תהילים 72 >