< תהילים 4 >
למנצח בנגינות מזמור לדוד ב בקראי ענני אלהי צדקי--בצר הרחבת לי חנני ושמע תפלתי | 1 |
Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
בני איש עד-מה כבודי לכלמה--תאהבון ריק תבקשו כזב סלה | 2 |
Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
ודעו--כי-הפלה יהוה חסיד לו יהוה ישמע בקראי אליו | 3 |
Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh, Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
רגזו ואל-תחטאו אמרו בלבבכם על-משכבכם ודמו סלה | 4 |
Cadhooda oo ha dembaabina, Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)
זבחו זבחי-צדק ובטחו אל-יהוה | 5 |
Bixiya allabaryadii xaqnimada, Oo Rabbiga isku halleeya.
רבים אמרים מי-יראנו-טוב נסה עלינו אור פניך יהוה | 6 |
Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
נתתה שמחה בלבי מעת דגנם ותירושם רבו | 7 |
Waxaad qalbigayga gelisay farxad Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
בשלום יחדו אשכבה ואישן כי-אתה יהוה לבדד לבטח תושיבני | 8 |
Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.