< תהילים 38 >
מזמור לדוד להזכיר ב יהוה--אל-בקצפך תוכיחני ובחמתך תיסרני | 1 |
Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
כי-חציך נחתו בי ותנחת עלי ידך | 2 |
Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
אין-מתם בבשרי מפני זעמך אין-שלום בעצמי מפני חטאתי | 3 |
Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis, Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis.
כי עונתי עברו ראשי כמשא כבד יכבדו ממני | 4 |
Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
הבאישו נמקו חבורתי מפני אולתי | 5 |
Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin, Waana nacasnimadayda daraaddeed.
נעויתי שחתי עד-מאד כל-היום קדר הלכתי | 6 |
Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
כי-כסלי מלאו נקלה ואין מתם בבשרי | 7 |
Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol, Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
נפוגותי ונדכיתי עד-מאד שאגתי מנהמת לבי | 8 |
Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
אדני נגדך כל-תאותי ואנחתי ממך לא-נסתרה | 9 |
Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada, Oo taahiddayduna kaama qarsoona.
לבי סחרחר עזבני כחי ואור-עיני גם-הם אין אתי | 10 |
Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay, Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
אהבי ורעי--מנגד נגעי יעמדו וקרובי מרחק עמדו | 11 |
Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan, Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.
וינקשו מבקשי נפשי ודרשי רעתי דברו הוות ומרמות כל-היום יהגו | 12 |
Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan, Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun, Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.
ואני כחרש לא אשמע וכאלם לא יפתח-פיו | 13 |
Laakiinse anigu waxba kama maqlo sida nin dhega la', Oo waxaan la mid ahay nin carrab la' oo aan afkiisa kala qaadin.
ואהי--כאיש אשר לא-שמע ואין בפיו תוכחות | 14 |
Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin, Oo aan afkiisa murammo ku jirin.
כי-לך יהוה הוחלתי אתה תענה אדני אלהי | 15 |
Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa, Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.
כי-אמרתי פן-ישמחו-לי במוט רגלי עלי הגדילו | 16 |
Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
כי-אני לצלע נכון ומכאובי נגדי תמיד | 17 |
Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco, Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.
כי-עוני אגיד אדאג מחטאתי | 18 |
Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa, Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
ואיבי חיים עצמו ורבו שנאי שקר | 19 |
Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
ומשלמי רעה תחת טובה-- ישטנוני תחת רדופי- (רדפי-) טוב | 20 |
Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
אל-תעזבני יהוה אלהי אל-תרחק ממני | 21 |
Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.
חושה לעזרתי אדני תשועתי | 22 |
Soo dhaqso oo i caawi, Sayidow, badbaadadaydow.