< תהילים 19 >
למנצח מזמור לדוד ב השמים מספרים כבוד-אל ומעשה ידיו מגיד הרקיע | 1 |
Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
יום ליום יביע אמר ולילה ללילה יחוה-דעת | 2 |
Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal, Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
אין-אמר ואין דברים בלי נשמע קולם | 3 |
Ma jiro hadal ama af Aan codkooda laga maqlin.
בכל-הארץ יצא קום ובקצה תבל מליהם לשמש שם-אהל בהם | 4 |
Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
והוא--כחתן יצא מחפתו ישיש כגבור לרוץ ארח | 5 |
Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
מקצה השמים מוצאו--ותקופתו על-קצותם ואין נסתר מחמתו | 6 |
Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda, Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda, Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
תורת יהוה תמימה משיבת נפש עדות יהוה נאמנה מחכימת פתי | 7 |
Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
פקודי יהוה ישרים משמחי-לב מצות יהוה ברה מאירת עינים | 8 |
Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
יראת יהוה טהורה--עומדת לעד משפטי-יהוה אמת צדקו יחדו | 9 |
Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
הנחמדים--מזהב ומפז רב ומתוקים מדבש ונפת צופים | 10 |
Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah, Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
גם-עבדך נזהר בהם בשמרם עקב רב | 11 |
Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay, Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
שגיאות מי-יבין מנסתרות נקני | 12 |
Bal yaa qaladdadiisa garan kara? Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
גם מזדים חשך עבדך-- אל-ימשלו-בי אז איתם ונקיתי מפשע רב | 13 |
Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro, Oo yaanay ii talin, Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa, Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
יהיו לרצון אמרי-פי והגיון לבי לפניך יהוה צורי וגאלי | 14 |
Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow, Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.