< תהילים 143 >

מזמור לדוד יהוה שמע תפלתי-- האזינה אל-תחנוני באמנתך ענני בצדקתך 1
Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.
ואל-תבוא במשפט את-עבדך כי לא-יצדק לפניך כל-חי 2
Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin, Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.
כי רדף אויב נפשי-- דכא לארץ חיתי הושבני במחשכים כמתי עולם 3
Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.
ותתעטף עלי רוחי בתוכי ישתומם לבי 4
Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.
זכרתי ימים מקדם-- הגיתי בכל-פעלך במעשה ידיך אשוחח 5
Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore, Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa, Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.
פרשתי ידי אליך נפשי כארץ-עיפה לך סלה 6
Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)
מהר ענני יהוה-- כלתה רוחי אל-תסתר פניך ממני ונמשלתי עם-ירדי בור 7
Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.
השמיעני בבקר חסדך-- כי-בך בטחתי הודיעני דרך-זו אלך-- כי-אליך נשאתי נפשי 8
Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.
הצילני מאיבי יהוה-- אליך כסתי 9
Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.
למדני לעשות רצונך-- כי-אתה אלוהי רוחך טובה תנחני בארץ מישור 10
I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga, Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.
למען-שמך יהוה תחיני בצדקתך תוציא מצרה נפשי 11
Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.
ובחסדך תצמית איבי והאבדת כל-צררי נפשי--כי אני עבדך 12
Oo raxmaddaada cadaawayaashayda ku wada tirtir, Kuwa naftayda dhiba oo dhanna baabbi'i, Waayo, waxaan ahay addoonkaaga.

< תהילים 143 >