< תהילים 130 >

שיר המעלות ממעמקים קראתיך יהוה 1
Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
אדני שמעה בקולי תהיינה אזניך קשבות-- לקול תחנוני 2
Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.
אם-עונות תשמר-יה-- אדני מי יעמד 3
Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
כי-עמך הסליחה-- למען תורא 4
Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
קויתי יהוה קותה נפשי ולדברו הוחלתי 5
Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
נפשי לאדני-- משמרים לבקר שמרים לבקר 6
Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
יחל ישראל אל-יהוה כי-עם-יהוה החסד והרבה עמו פדות 7
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
והוא יפדה את-ישראל-- מכל עונתיו 8
Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.

< תהילים 130 >