< מִשְׁלֵי 8 >

הלא-חכמה תקרא ותבונה תתן קולה 1
Haddaba xigmaddu sow ma dhawaaqin? Waxgarashaduna codkeedii sow kor uma qaadin?
בראש-מרמים עלי-דרך בית נתיבות נצבה 2
Waxay taagan tahay meelaha sarreeya Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.
ליד-שערים לפי-קרת מבוא פתחים תרנה 3
Oo waxay ka qaylisaa irdaha agtooda, Meesha magaalada laga soo galo, Iyo meesha albaabbada laga soo galoba.
אליכם אישים אקרא וקולי אל-בני אדם 4
Nimanyahow, idinkaan idiin dhawaaqayaa, Oo codkayguna wuxuu u yeedhayaa binu-aadmiga.
הבינו פתאים ערמה וכסילים הבינו לב 5
Garaadlaawayaashow, miyir lahaada, Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.
שמעו כי-נגידים אדבר ומפתח שפתי מישרים 6
I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan, Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.
כי-אמת יהגה חכי ותועבת שפתי רשע 7
Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.
בצדק כל-אמרי-פי אין בהם נפתל ועקש 8
Erayada afkayga oo dhammi waa xaq, Oo innaba wax qalloocan ama maroorsan lagama helo.
כלם נכחים למבין וישרים למצאי דעת 9
Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya, Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.
קחו-מוסרי ואל-כסף ודעת מחרוץ נבחר 10
Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina, Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.
כי-טובה חכמה מפנינים וכל-חפצים לא ישוו-בה 11
Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka, Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.
אני-חכמה שכנתי ערמה ודעת מזמות אמצא 12
Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir, Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.
יראת יהוה שנאת-רע גאה וגאון ודרך רע ופי תהפכות שנאתי 13
Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
לי-עצה ותושיה אני בינה לי גבורה 14
Talo iyo xigmad anigaa iska leh, Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.
בי מלכים ימלכו ורזנים יחקקו צדק 15
Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan, Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.
בי שרים ישרו ונדיבים כל-שפטי צדק 16
Taliyayaasha iyo saraakiisha iyo weliba xaakinnada dunida oo dhammuna Anigay wax iigu taliyaan.
אני אהביה (אהבי) אהב ומשחרי ימצאנני 17
Anigu kuwa i jecel waan jeclahay, Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.
עשר-וכבוד אתי הון עתק וצדקה 18
Anigaa iska leh taajirnimo iyo sharaf. Iyo weliba maal raagaya iyo xaqnimoba.
טוב פריי מחרוץ ומפז ותבואתי מכסף נבחר 19
Midhahaygu way ka sii wanaagsan yihiin dahab, haah, oo xataa dahab aad u wanaagsan way ka sii wanaagsan yihiin, Oo waxa ii kordhaana way ka sii wanaagsan yihiin lacag la doortay.
בארח-צדקה אהלך בתוך נתיבות משפט 20
Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada, Iyo waddooyinka garta dhexdooda,
להנחיל אהבי יש ואצרתיהם אמלא 21
Si aan kuwa i jecel uga dhigo inay maal dhaxlaan, Oo aan khasnadahooda ugu buuxiyo.
יהוה--קנני ראשית דרכו קדם מפעליו מאז 22
Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa Iyo shuqulladiisii hore ka hor.
מעולם נסכתי מראש-- מקדמי-ארץ 23
Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey, Ama intaan dunidu jirin ka hor.
באין-תהמות חוללתי באין מעינות נכבדי-מים 24
Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor, Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan.
בטרם הרים הטבעו לפני גבעות חוללתי 25
Intaan la qotomin buuraha Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay,
עד-לא עשה ארץ וחוצות וראש עפרות תבל 26
Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada, Amase ciiddii dunida ugu horraysay.
בהכינו שמים שם אני בחקו חוג על-פני תהום 27
Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay, Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
באמצו שחקים ממעל בעזוז עינות תהום 28
Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen,
בשומו לים חקו ומים לא יעברו-פיו בחוקו מוסדי ארץ 29
Markuu badda xad u yeelay Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin, Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
ואהיה אצלו אמון ואהיה שעשועים יום יום משחקת לפניו בכל-עת 30
Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye, Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa, Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;
משחקת בתבל ארצו ושעשעי את-בני אדם 31
Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay, Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.
ועתה בנים שמעו-לי ואשרי דרכי ישמרו 32
Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
שמעו מוסר וחכמו ואל-תפרעו 33
Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.
אשרי אדם שמע-לי לשקד על-דלתתי יום יום--לשמר מזוזת פתחי 34
Waxaa barakaysan ninka i maqla, Oo maalin kasta irdahayga igu dhawra, Oo albaabbadayda igu suga.
כי מצאי מצאי (מצא) חיים ויפק רצון מיהוה 35
Waayo, ku alla kii i helaa wuxuu helaa nolol, Oo Rabbiguna raalli buu ka ahaan doonaa.
וחטאי חמס נפשו כל-משנאי אהבו מות 36
Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa, Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.

< מִשְׁלֵי 8 >