< מִשְׁלֵי 19 >
טוב-רש הולך בתמו-- מעקש שפתיו והוא כסיל | 1 |
Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.
גם בלא-דעת נפש לא-טוב ואץ ברגלים חוטא | 2 |
Oo weliba in naftu aqoon la'aato ma wanaagsana, Oo kii cagihiisu degdegaanna wuu ambadaa.
אולת אדם תסלף דרכו ועל-יהוה יזעף לבו | 3 |
Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.
הון--יסיף רעים רבים ודל מרעהו יפרד | 4 |
Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo, Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.
עד שקרים לא ינקה ויפיח כזבים לא ימלט | 5 |
Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana ma baxsan doono.
רבים יחלו פני-נדיב וכל-הרע לאיש מתן | 6 |
Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona, Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya.
כל אחי-רש שנאהו-- אף כי מרעהו רחקו ממנו מרדף אמרים לא- (לו-) המה | 7 |
Miskiinka walaalihiis oo dhammu way neceb yihiin, Haddaba saaxiibbadiisuna intee bay ka fogaan doonaan! Isagu hadal buu kala daba tagaa iyaga, laakiinse way tageen.
קנה-לב אהב נפשו שמר תבונה למצא-טוב | 8 |
Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.
עד שקרים לא ינקה ויפיח כזבים יאבד | 9 |
Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana wuu halligmi doonaa.
לא-נאוה לכסיל תענוג אף כי-לעבד משל בשרים | 10 |
Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.
שכל אדם האריך אפו ותפארתו עבר על-פשע | 11 |
Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa, Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.
נהם ככפיר זעף מלך וכטל על-עשב רצונו | 12 |
Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa, Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.
הות לאביו בן כסיל ודלף טרד מדיני אשה | 13 |
Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.
בית והון נחלת אבות ומיהוה אשה משכלת | 14 |
Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.
עצלה תפיל תרדמה ונפש רמיה תרעב | 15 |
Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn, Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.
שמר מצוה שמר נפשו בוזה דרכיו יומת (ימות) | 16 |
Kii amarka dhawraa naftiisuu dhawraa, Laakiinse kii jidadkiisa fudaydsadaa wuu dhiman doonaa.
מלוה יהוה חונן דל וגמלו ישלם-לו | 17 |
Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
יסר בנך כי-יש תקוה ואל-המיתו אל-תשא נפשך | 18 |
Wiilkaaga edbi intay rajo jirto, Laakiinse naftaada ha ku qasbin si uu u dhinto.
גרל- (גדל-) חמה נשא ענש כי אם-תציל ועוד תוסף | 19 |
Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.
שמע עצה וקבל מוסר-- למען תחכם באחריתך | 20 |
Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.
רבות מחשבות בלב-איש ועצת יהוה היא תקום | 21 |
Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan, Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga.
תאות אדם חסדו וטוב-רש מאיש כזב | 22 |
Nin waxaa loo doonayaa waa raxmaddiisa, Oo miskiinkuna waa ka wanaagsan yahay beenaalaha.
יראת יהוה לחיים ושבע ילין בל-יפקד רע | 23 |
Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.
טמן עצל ידו בצלחת גם-אל-פיהו לא ישיבנה | 24 |
Ninkii caajis ahu wuxuu gacanta geliyaa xeedhada, Oo mar dambe xagga afkiisa uma soo celiyo.
לץ תכה ופתי יערם והוכיח לנבון יבין דעת | 25 |
Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.
משדד-אב יבריח אם-- בן מביש ומחפיר | 26 |
Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya, Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.
חדל-בני לשמע מוסר לשגות מאמרי-דעת | 27 |
Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.
עד בליעל יליץ משפט ופי רשעים יבלע-און | 28 |
Markhaatigii waxmatare ahu gartuu quudhsadaa, Oo kan sharka leh afkiisuna wuxuu liqaa xumaan.
נכונו ללצים שפטים ומהלמות לגו כסילים | 29 |
Kuwa wax quudhsada waxaa loo diyaariyey xukunno, Oo dhabarka nacasyadana waxaa loo diyaariyey karbaash.