< במדבר 36 >
ויקרבו ראשי האבות למשפחת בני גלעד בן מכיר בן מנשה--ממשפחת בני יוסף וידברו לפני משה ולפני הנשאים--ראשי אבות לבני ישראל | 1 |
Markaas madaxdii qabiilka reer Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, ina Manaseh oo ka mid ahaa qabiilooyinkii ilma Yuusuf way soo dhowaadeen, oo waxay ku hor hadleen Muuse iyo amiirradii ahaa madaxdii qolooyinka reer binu Israa'iil,
ויאמרו את אדני צוה יהוה לתת את הארץ בנחלה בגורל לבני ישראל ואדני צוה ביהוה לתת את נחלת צלפחד אחינו לבנתיו | 2 |
oo waxay yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, Rabbigu wuxuu kugu amray inaad reer binu Israa'iil dalka dhaxal ahaan saami ugu kala qaybiso, oo weliba, sayidkayagiiyow, waxaa Rabbigu kugu amray inaad walaalkayo Selaafexaad gabdhihiisa dhaxalka siiso.
והיו לאחד מבני שבטי בני ישראל לנשים ונגרעה נחלתן מנחלת אבתינו ונוסף על נחלת המטה אשר תהיינה להם ומגרל נחלתנו יגרע | 3 |
Oo hadday guursadaan wiilasha qabiilooyinka kale oo reer binu Israa'iil, markaas dhaxalkoodii waa laga gooynayaa dhaxalka awowayaashayo, oo waxaa lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa looga qaadan doonaa qaybtii dhaxalkayaga.
ואם יהיה היבל לבני ישראל ונוספה נחלתן על נחלת המטה אשר תהיינה להם ומנחלת מטה אבתינו יגרע נחלתן | 4 |
Oo markii reer binu Israa'iil ay gaadhaan sannaddii Yubilii, ayaa dhaxalkooda lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa dhaxalkooda looga qaadi doonaa dhaxalka qabiilka awowayaashayo.
ויצו משה את בני ישראל על פי יהוה לאמר כן מטה בני יוסף דברים | 5 |
Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil ku amray sidii uu eraygii Rabbigu ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Qabiilka ilma Yuusuf wax qumman bay ku hadleen.
זה הדבר אשר צוה יהוה לבנות צלפחד לאמר לטוב בעיניהם תהיינה לנשים אך למשפחת מטה אביהם--תהיינה לנשים | 6 |
Waxyaalaha ku saabsan Selaafexaad gabdhihiisa oo Rabbigu amray waa kuwan, oo wuxuu yidhi, Iyagu ha guursadeen kii la wanaagsan iyaga, laakiinse qabiilka aabbahood uun ha ka guursadeen.
ולא תסב נחלה לבני ישראל ממטה אל מטה כי איש בנחלת מטה אבתיו ידבקו בני ישראל | 7 |
Sidaasaanu dhaxalka reer binu Israa'iil qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, reer binu Israa'iil nin waluba waa inuu sii xajiyaa dhaxalkii qabiilka awowayaashiis.
וכל בת ירשת נחלה ממטות בני ישראל--לאחד ממשפחת מטה אביה תהיה לאשה למען יירשו בני ישראל איש נחלת אבתיו | 8 |
Oo gabadh kasta oo dhaxal ku leh qabiilooyinka reer binu Israa'iil middood waa inay afo u ahaato mid ka mid ah qolada qabiilka aabbaheed, si reer binu Israa'iil nin waluba u lahaado dhaxalkii awowayaashiis.
ולא תסב נחלה ממטה למטה אחר כי איש בנחלתו ידבקו מטות בני ישראל | 9 |
Sidaasaanu dhaxalna qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, qabiilooyinka reer binu Israa'iil mid waluba waa inuu dhaxalkiisa sii xajiyaa.
כאשר צוה יהוה את משה כן עשו בנות צלפחד | 10 |
Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen,
ותהיינה מחלה תרצה וחגלה ומלכה ונעה--בנות צלפחד לבני דדיהן לנשים | 11 |
waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood.
ממשפחת בני מנשה בן יוסף היו לנשים ותהי נחלתן על מטה משפחת אביהן | 12 |
Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.
אלה המצות והמשפטים אשר צוה יהוה ביד משה--אל בני ישראל בערבת מואב על ירדן ירחו | 13 |
Intaasu waa amarradii iyo xukummadii uu Rabbigu u soo dhiibay Muuse oo uu ku amray reer binu Israa'iil oo jooga bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday.