< במדבר 31 >
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
נקם נקמת בני ישראל מאת המדינים אחר תאסף אל עמיך | 2 |
Reer binu Israa'iil uga aargud reer Midyaan, oo taas dabadeedna dadkaagaad ku darman doontaa.
וידבר משה אל העם לאמר החלצו מאתכם אנשים לצבא ויהיו על מדין לתת נקמת יהוה במדין | 3 |
Markaasaa Muuse dadkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, War idinku dhexdiinna rag dagaal uga diyaariya, oo hub siiya, inay reer Midyaan ku kacaan, oo ay Rabbiga reer Midyaan uga aargudaan.
אלף למטה אלף למטה--לכל מטות ישראל תשלחו לצבא | 4 |
Oo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan waa inaad qabiil kastaba kun ka soo bixisaan oo dagaal u dirtaan.
וימסרו מאלפי ישראל אלף למטה--שנים עשר אלף חלוצי צבא | 5 |
Sidaas daraaddeed kumanyaalkii reer binu Israa'iil qabiil kasta waxaa laga soo bixiyey kun nin, oo waxay ahaayeen laba iyo toban kun oo nin oo dagaal hub u sita.
וישלח אתם משה אלף למטה לצבא אתם ואת פינחס בן אלעזר הכהן לצבא וכלי הקדש וחצצרות התרועה בידו | 6 |
Markaasaa Muuse qabiilba kun dagaalka uga diray, iyagii iyo Fiinexaas wadaadkii Elecaasaar wiilkiisii ahaa isagoo wada alaabtii meesha quduuska ah iyo turumbooyinkii dhawaaqa digtoonaanta oo gacanta ugu jira.
ויצבאו על מדין כאשר צוה יהוה את משה ויהרגו כל זכר | 7 |
Oo waxay la dirireen reer Midyaan sidii Rabbigu Muuse ugu amray, oo waxay dileen mid kasta oo lab ahaa.
ואת מלכי מדין הרגו על חלליהם את אוי ואת רקם ואת צור ואת חור ואת רבע--חמשת מלכי מדין ואת בלעם בן בעור הרגו בחרב | 8 |
Oo boqorradii reer Midyaan ayay la dileen kuwii kaloo la laayay, oo shantii boqor oo reer Midyaan waxay ahaayeen Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac; oo Balcaam oo ahaa ina Becoorna seef bay ku dileen.
וישבו בני ישראל את נשי מדין ואת טפם ואת כל בהמתם ואת כל מקנהם ואת כל חילם בזזו | 9 |
Oo reer binu Israa'iil waxay maxaabiis ahaan u wateen dumarkii reer Midyaan iyo dhallaankoodiiba; oo lo'doodii oo dhan, iyo idahoodii oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhanna way wada dheceen.
ואת כל עריהם במושבתם ואת כל טירתם--שרפו באש | 10 |
Oo magaalooyinkoodii ku yiil meelihii ay degganaayeen iyo xerooyinkoodii oo dhan way wada gubeen.
ויקחו את כל השלל ואת כל המלקוח--באדם ובבהמה | 11 |
Oo dad iyo duunyaba way dheceen oo booli bay u qaateen.
ויבאו אל משה ואל אלעזר הכהן ואל עדת בני ישראל את השבי ואת המלקוח ואת השלל--אל המחנה אל ערבת מואב אשר על ירדן ירחו | 12 |
Oo maxaabiistii iyo boolidii iyo wixii la soo dhacay waxay u keeneen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo joogay xeradii ku tiil bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa oo Yerixoo ka soo hor jeeday.
ויצאו משה ואלעזר הכהן וכל נשיאי העדה--לקראתם אל מחוץ למחנה | 13 |
Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirka amiirradiisii oo dhammu waxay u bexeen inay kaga hor tagaan xerada dibaddeeda.
ויקצף משה על פקודי החיל שרי האלפים ושרי המאות הבאים מצבא המלחמה | 14 |
Markaasaa Muuse u cadhooday saraakiishii ciidanka, kuwaas oo ahaa kun-u-taliyayaashii iyo boqol-u-taliyayaashii ka yimid hawshii dagaalka.
ויאמר אליהם משה החייתם כל נקבה | 15 |
Oo Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, War dumarkii oo dhan miyaad badbaadiseen?
הן הנה היו לבני ישראל בדבר בלעם למסר מעל ביהוה על דבר פעור ותהי המגפה בעדת יהוה | 16 |
Bal eeg, taladii Balcaam aawadeed kuwanu waxay reer Israa'iil ka dhigeen inay Rabbiga kaga xadgudbaan xaalkii Fecoor, oo sidaas daraaddeed belaayadaa uga dhex dhacday shirkii Rabbiga.
ועתה הרגו כל זכר בטף וכל אשה ידעת איש למשכב זכר--הרגו | 17 |
Haddaba sidaas daraaddeed dila dhallaanka mid kastoo lab ah, oo dila naag kastoo nin la seexatay.
וכל הטף בנשים אשר לא ידעו משכב זכר--החיו לכם | 18 |
Laakiinse carruurta dhaddig oo aan rag la seexan daysta.
ואתם חנו מחוץ למחנה--שבעת ימים כל הרג נפש וכל נגע בחלל תתחטאו ביום השלישי וביום השביעי--אתם ושביכם | 19 |
Oo idinna xerada dibaddeeda dega intii toddoba maalmood ah. Oo ku alla kii qof dilay, iyo ku alla kii qof la dilay taabtayba, maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ha isdaahiriyo, idinka iyo maxaabiistiinnuba.
וכל בגד וכל כלי עור וכל מעשה עזים וכל כלי עץ--תתחטאו | 20 |
Oo waxaad kaloo daahirsataan dhar kasta iyo inta haragga laga sameeyey oo dhan, iyo wax kasta oo dhogor riyaad ah, iyo alaab kasta oo qoryo laga sameeyeyba.
ויאמר אלעזר הכהן אל אנשי הצבא הבאים למלחמה זאת חקת התורה אשר צוה יהוה את משה | 21 |
Oo wadaadkii Elecaasaar ahaana wuxuu ku yidhi raggii dagaalka u baxay, Kanu waa qaynuunkii sharciga oo Rabbigu Muuse ku amray.
אך את הזהב ואת הכסף את הנחשת את הברזל את הבדיל ואת העפרת | 22 |
Habase yeeshee dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo waxa daasadda ah, iyo waxa rasaasta ah,
כל דבר אשר יבא באש תעבירו באש וטהר--אך במי נדה יתחטא וכל אשר לא יבא באש תעבירו במים | 23 |
iyo wax kasta oo dab u adkaysta waa inaad dab dhex marisaan, oo markaas nadiif bay ahaan doonaan; hase ahaatee waa in lagu daahiriyaa biyaha nijaasta daahiriya, oo wixii aan dabka u adkaysanna waa inaad biyaha dhex marisaan.
וכבסתם בגדיכם ביום השביעי וטהרתם ואחר תבאו אל המחנה | 24 |
Oo dharkiinnana waa inaad maalinta toddobaad maydhaan, oo markaas daahir baad ahaanaysaan oo kolkaas dabadeed waa inaad xerada soo gashaan.
ויאמר יהוה אל משה לאמר | 25 |
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
שא את ראש מלקוח השבי באדם ובבהמה--אתה ואלעזר הכהן וראשי אבות העדה | 26 |
Soo tiriya boolida la soo dhacay, dad iyo duunyaba, adiga iyo wadaadka Elecaasaar ah iyo madaxda qabiilooyinka shirka,
וחצית את המלקוח בין תפשי המלחמה היצאים לצבא--ובין כל העדה | 27 |
oo boolida laba meelood u kala qaybi, oo kala sii ragga dagaalyahanka ah ee dagaalka u baxay, iyo intii kale ee shirka oo dhan;
והרמת מכס ליהוה מאת אנשי המלחמה היצאים לצבא--אחד נפש מחמש המאות מן האדם ומן הבקר ומן החמרים ומן הצאן | 28 |
oo Rabbiga canshuur uga qaad raggii dagaalka u baxay; oo shantii boqolba mid ka soo bixi dadka, iyo lo'da, iyo dameerrada, iyo idaha,
ממחציתם תקחו ונתתה לאלעזר הכהן תרומת יהוה | 29 |
badhkooda intaas ka qaad, oo waxaad wadaadka Elecaasaar ah u siisaa Rabbiga qurbaankiisa sare loo qaado.
וממחצת בני ישראל תקח אחד אחז מן החמשים מן האדם מן הבקר מן החמרים ומן הצאן--מכל הבהמה ונתתה אתם ללוים שמרי משמרת משכן יהוה | 30 |
Oo reer binu Israa'iil badhkoodana kontonkiiba mid ka soo bixi dadka, iyo lo'da, iyo dameerrada, iyo idaha, iyo xataa xoolaha oo dhan, oo waxaad siisaa reer Laawi oo haya shuqulka taambuugga Rabbiga.
ויעש משה ואלעזר הכהן כאשר צוה יהוה את משה | 31 |
Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.
ויהי המלקוח--יתר הבז אשר בזזו עם הצבא צאן שש מאות אלף ושבעים אלף--וחמשת אלפים | 32 |
Haddaba boolidii aan lagu tirin wixii nimankii dagaalyahannada ahaa soo dhaceen waxay ahayd lix boqol iyo shan iyo toddobaatan kun oo ido ah,
iyo laba iyo toddobaatan kun oo lo' ah,
iyo kow iyo lixdan kun oo dameer,
ונפש אדם--מן הנשים אשר לא ידעו משכב זכר כל נפש שנים ושלשים אלף | 35 |
oo dadkuna kulligiis wuxuu ahaa laba iyo soddon kun oo ah dumarkii aan rag la seexan.
ותהי המחצה--חלק היצאים בצבא מספר הצאן שלש מאות אלף ושלשים אלף ושבעת אלפים וחמש מאות | 36 |
Oo badhkii ahaa kuwii dagaalka u baxay qaybtoodii waxay ahayd saddex boqol iyo toddoba iyo soddon kun iyo shan boqol oo ido ah.
ויהי המכס ליהוה מן הצאן--שש מאות חמש ושבעים | 37 |
Oo Rabbiga canshuurtiisii idaha ka go'day waxay ahayd lix boqol iyo shan iyo toddobaatan neef.
והבקר--ששה ושלשים אלף ומכסם ליהוה שנים ושבעים | 38 |
Oo lo'duna waxay ahayd lix iyo soddon kun, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd laba iyo toddobaatan neef.
וחמרים שלשים אלף וחמש מאות ומכסם ליהוה אחד וששים | 39 |
Oo dameerraduna waxay ahaayeen soddon kun iyo shan boqol, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd kow iyo lixdan neef.
ונפש אדם ששה עשר אלף ומכסם ליהוה--שנים ושלשים נפש | 40 |
Oo dadkuna wuxuu ahaa lix iyo toban kun, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd laba iyo soddon qof.
ויתן משה את מכס תרומת יהוה לאלעזר הכהן--כאשר צוה יהוה את משה | 41 |
Oo canshuurtii ahayd Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado Muuse wuxuu siiyey wadaadkii Elecaasaar ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
וממחצית בני ישראל אשר חצה משה מן האנשים הצבאים | 42 |
Oo reer binu Israa'iil badhkoodii wuxuu Muuse gooni uga dhigay qaybtii raggii dagaallamay.
ותהי מחצת העדה מן הצאן--שלש מאות אלף ושלשים אלף שבעת אלפים וחמש מאות | 43 |
(Haddaba shirka badhkiisii wuxuu ahaa saddex boqol iyo toddoba iyo soddon kun iyo shan boqol oo ido ah,
iyo lix iyo soddon kun oo lo' ah,
וחמרים שלשים אלף וחמש מאות | 45 |
iyo soddon kun iyo shan boqol oo dameerro ah,
iyo lix iyo toban kun oo qof.)
ויקח משה ממחצת בני ישראל את האחז אחד מן החמשים--מן האדם ומן הבהמה ויתן אתם ללוים שמרי משמרת משכן יהוה כאשר צוה יהוה את משה | 47 |
Oo xataa reer binu Israa'iil badhkoodii Muuse kontonkiiba mid buu ka soo saaray dad iyo duunyaba, oo wuxuu siiyey reer Laawi oo haya shuqulkii taambuuggii Rabbiga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
ויקרבו אל משה הפקדים אשר לאלפי הצבא--שרי האלפים ושרי המאות | 48 |
Markaas waxaa Muuse u yimid saraakiishii ahayd kun-u-taliyayaashii iyo boqol-u-taliyayaashii oo u sarreeyey kumanyaalkii ciidanka ahaa,
ויאמרו אל משה עבדיך נשאו את ראש אנשי המלחמה אשר בידנו ולא נפקד ממנו איש | 49 |
oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waan soo tirinnay ragga dagaalyahannada ah oo aannu u talinno, oo nin qudhuhu nagama dhinna.
ונקרב את קרבן יהוה איש אשר מצא כלי זהב אצעדה וצמיד טבעת עגיל וכומז--לכפר על נפשתינו לפני יהוה | 50 |
Oo annagu waannu keennay qurbaankii Rabbiga, kaas oo ah wixii dahab ah oo nin waluba helay, kuwaasoo ah silsilado, iyo dugaagado, iyo kaatunno, iyo hilqado, iyo murriyado, inaannu naftayada Rabbiga hortiisa u kafaaro gudno.
ויקח משה ואלעזר הכהן את הזהב--מאתם כל כלי מעשה | 51 |
Oo Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagay ka qaadeen dahabkii oo ahaa wax kasta oo laysku sharxo oo dahab laga sameeyey.
ויהי כל זהב התרומה אשר הרימו ליהוה--ששה עשר אלף שבע מאות וחמשים שקל מאת שרי האלפים ומאת שרי המאות | 52 |
Oo dahabkii qurbaanka sare loo qaado oo dhan oo ay kun-u-taliyayaasha iyo boqol-u-taliyayaashu Rabbiga u bixiyeen wuxuu ahaa lix iyo toban kun iyo toddoba boqol iyo konton sheqel.
(Waayo, raggii dagaalyahannada ahaa nin waluba wuxuu qaatay wixii uu soo dhacay.)
ויקח משה ואלעזר הכהן את הזהב מאת שרי האלפים והמאות ויבאו אתו אל אהל מועד זכרון לבני ישראל לפני יהוה | 54 |
Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa dahabkii ka qaadeen kun-u-taliyayaashii iyo boqol-u-taliyayaashii, oo waxay soo geliyeen teendhadii shirka inuu reer binu Israa'iil Rabbiga hortiisa xusuus ugu ahaado.