< ויקרא 1 >
ויקרא אל משה וידבר יהוה אליו מאהל מועד לאמר | 1 |
Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi,
דבר אל בני ישראל ואמרת אלהם אדם כי יקריב מכם קרבן ליהוה--מן הבהמה מן הבקר ומן הצאן תקריבו את קרבנכם | 2 |
Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.
אם עלה קרבנו מן הבקר זכר תמים יקריבנו אל פתח אהל מועד יקריב אתו לרצנו לפני יהוה | 3 |
Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.
וסמך ידו על ראש העלה ונרצה לו לכפר עליו | 4 |
Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud.
ושחט את בן הבקר לפני יהוה והקריבו בני אהרן הכהנים את הדם וזרקו את הדם על המזבח סביב אשר פתח אהל מועד | 5 |
Oo dibiga waa inuu Rabbiga hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan, oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka horteeda taal.
והפשיט את העלה ונתח אתה לנתחיה | 6 |
Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.
ונתנו בני אהרן הכהן אש--על המזבח וערכו עצים על האש | 7 |
Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka,
וערכו בני אהרן הכהנים את הנתחים את הראש ואת הפדר--על העצים אשר על האש אשר על המזבח | 8 |
oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,
וקרבו וכרעיו ירחץ במים והקטיר הכהן את הכל המזבחה עלה אשה ריח ניחוח ליהוה | 9 |
laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
ואם מן הצאן קרבנו מן הכשבים או מן העזים לעלה--זכר תמים יקריבנו | 10 |
Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.
ושחט אתו על ירך המזבח צפנה--לפני יהוה וזרקו בני אהרן הכהנים את דמו על המזבח--סביב | 11 |
Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga.
ונתח אתו לנתחיו ואת ראשו ואת פדרו וערך הכהן אתם על העצים אשר על האש אשר על המזבח | 12 |
Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,
והקרב והכרעים ירחץ במים והקריב הכהן את הכל והקטיר המזבחה--עלה הוא אשה ריח ניחח ליהוה | 13 |
laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
ואם מן העוף עלה קרבנו ליהוה והקריב מן התרים או מן בני היונה--את קרבנו | 14 |
Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar.
והקריבו הכהן אל המזבח ומלק את ראשו והקטיר המזבחה ונמצה דמו על קיר המזבח | 15 |
Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga miiro meesha allabariga agteeda.
והסיר את מראתו בנצתה והשליך אתה אצל המזבח קדמה--אל מקום הדשן | 16 |
Oo waa inuu ka soo bixiyaa gulgulada iyo baalasheeda oo ha ku tuuro meesha allabariga dhinaceeda bari, kaasoo ah meeshii dambaska.
ושסע אתו בכנפיו לא יבדיל והקטיר אתו הכהן המזבחה על העצים אשר על האש עלה הוא אשה ריח ניחח--ליהוה | 17 |
Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.