< יהושע 19 >

ויצא הגורל השני לשמעון--למטה בני שמעון למשפחותם ויהי נחלתם בתוך נחלת בני יהודה 1
Oo saamigii labaadna wuxuu u soo baxay reer Simecoon, oo waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Simecoon u heleen siday reerahoodu ahaayeen. Oo dhaxalkooduna wuxuu ku dhex jiray dhaxalkii reer Yahuudah.
ויהי להם בנחלתם--באר שבע ושבע ומולדה 2
Oo waxay dhaxal u heleen: Bi'ir Shebac, ama Shebac, iyo Molaadaah,
וחצר שועל ובלה ועצם 3
iyo Hasar Shuucaal, iyo Baalaah, iyo Cesem,
ואלתולד ובתול וחרמה 4
iyo Eltoolad, iyo Betuul, iyo Hormaah,
וצקלג ובית המרכבות וחצר סוסה 5
iyo Siiqlag, iyo Beytmarkaabod, iyo Hasar Suusaah,
ובית לבאות ושרוחן ערים שלש עשרה וחצריהן 6
iyo Beytlebaa'ood, iyo Shaaruuhen, oo intaasu waa saddex iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,
עין רמון ועתר ועשן ערים ארבע וחצריהן 7
Cayn, iyo Rimmon, iyo Ceter, iyo Caashaan, oo intaasu waa afar magaalo iyo tuulooyinkoodii,
וכל החצרים אשר סביבות הערים האלה עד בעלת באר ראמת נגב זאת נחלת מטה בני שמעון--למשפחתם 8
iyo tuulooyinkii ku wareegsanaa magaalooyinkaas oo dhan ee ku yiil tan iyo Bacalad Bi'ir, iyo Raamaahda Koonfureed. Intaasu waa dhaxalkii qabiilkii reer Simecoon sidii ay reerahoodii ahaayeen.
מחבל בני יהודה נחלת בני שמעון כי היה חלק בני יהודה רב מהם וינחלו בני שמעון בתוך נחלתם 9
Oo qaybtii reer Yahuudah waxaa ku jiray dhaxalkii reer Simecoon, maxaa yeelay, reer Yahuudah qaybtoodu waa ku badnaa; sidaas daraaddeed reer Simecoon waxay dhaxal ka heleen dhaxalkii reer Yahuudah dhexdiisa.
ויעל הגורל השלישי לבני זבולן למשפחתם ויהי גבול נחלתם עד שריד 10
Oo saamigii saddexaadna wuxuu u soo baxay reer Sebulun siday reerahoodu ahaayeen, oo dhaxalkoodii soohdintiisuna waxay ahayd ilaa Saariid.
ועלה גבולם לימה ומרעלה ופגע בדבשת ופגע אל הנחל אשר על פני יקנעם 11
Oo soohdintoodu waxay u baxday xagga galbeed, iyo xataa ilaa Marcalaah, oo waxay gaadhay tan iyo Dabbaashed, oo haddana waxay gaadhay tan iyo durdurka ku yaal Yoqnecaam horteeda;
ושב משריד קדמה מזרח השמש על גבול כסלת תבר ויצא אל הדברת ועלה יפיע 12
oo waxay Saariid uga leexatay xagga bari ee qorraxdu ka soo baxdo, ilaa soohdinta Kislod Taabor, kolkaasay waxay u baxday xagga Daberad, oo haddana kor ugu baxday Yaafiica,
ומשם עבר קדמה מזרחה גתה חפר עתה קצין ויצא רמון המתאר הנעה 13
oo halkaasna waxay uga gudubtay xagga bari oo martay Gad Heefer iyo tan iyo Citaah Qaasiin, oo waxay u baxday xagga Rimmon oo gaadhaa ilaa Neecaah,
ונסב אתו הגבול מצפון חנתן והיו תצאתיו גי יפתח אל 14
soohdintu waxay xagga woqooyi ugu laabatay Xannaatoon, oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa dooxadii Yiftax'eel,
וקטת ונהלל ושמרון וידאלה ובית לחם ערים שתים עשרה וחצריהן 15
iyo Qataad, iyo Nahalaal, iyo Shimroon, iyo Idalaah, iyo Beytlaxam, intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
זאת נחלת בני זבולן למשפחותם--הערים האלה וחצריהן 16
Intaasu waa dhaxalkii ay reer Sebulun u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
ליששכר--יצא הגורל הרביעי לבני יששכר למשפחותם 17
Oo saamigii afraadna reer Isaakaar buu u soo baxay sidii reerahoodu ahaayeen.
ויהי גבולם--יזרעאלה והכסולת ושונם 18
Oo soohdintooduna waxay ahayd ilaa Yesreceel, iyo Kesullood, iyo Shuuneem,
וחפרים ושיאן ואנחרת 19
iyo Xafaarayim, iyo Shii'oon, iyo Anaaxaraad,
והרבית וקשיון ואבץ 20
iyo Rabbiid, iyo Qiishyoon, iyo Ebes,
ורמת ועין גנים ועין חדה ובית פצץ 21
iyo Remed, iyo Ceyn Ganniim, iyo Ceyn Xaddaah, iyo Beytfasees,
ופגע הגבול בתבור ושחצומה (ושחצימה) ובית שמש והיו תצאות גבולם הירדן ערים שש עשרה וחצריהן 22
oo soohdintu waxay gaadhay ilaa Taaboor, iyo Shaxasimaah, iyo Beytshemesh, oo soohdintooda dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun, oo intaasuna waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
זאת נחלת מטה בני יששכר--למשפחתם הערים וחצריהן 23
Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Isaakaar u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
ויצא הגורל החמישי למטה בני אשר למשפחותם 24
Oo saamigii shanaadna wuxuu u soo baxay reer Aasheer sidii reerahoodii ahaayeen.
ויהי גבולם--חלקת וחלי ובטן ואכשף 25
Oo soohdintooduna waxay ahayd Xelqad, iyo Xali, iyo Beten, iyo Akshaaf,
ואלמלך ועמעד ומשאל ופגע בכרמל הימה ובשיחור לבנת 26
iyo Allammeleg, iyo Camcaad, iyo Mishaal; oo wuxuu gaadhay Karmel xaggeeda galbeed, iyo ilaa Shiihoor Libnaad,
ושב מזרח השמש בית דגן ופגע בזבלון ובגי יפתח אל צפונה בית העמק ונעיאל ויצא אל כבול משמאל 27
oo waxay u leexatay xagga qorraxdu ka soo baxdo, ee ah Beytdaagoon, oo waxay gaadhay tan iyo Sebulun, iyo dooxadii Yiftax'eel xaggeeda woqooyi iyo ilaa Beytcemeq iyo Necii'eel, oo waxay u baxday xagga bidix ee ah Kabuul,
ועברן ורחב וחמון וקנה עד צידון רבה 28
iyo Cebroon, iyo Rexob, iyo Xammoon, iyo Qaanaah, iyo xataa Siidoonta weyn;
ושב הגבול הרמה ועד עיר מבצר צר ושב הגבול חסה ויהיו (והיו) תצאתיו הימה מחבל אכזיבה 29
oo soohdintii waxay u leexatay xagga Raamaah, iyo xagga magaaladii deyrka lahayd oo Turos, oo haddana soohdintu waxay u leexatay xagga Xosaah, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda ee Aksiib dhinaceeda ah,
ועמה ואפק ורחב ערים עשרים ושתים וחצריהן 30
iyo Cummaah, iyo Afeeq, iyo Rexob, oo intaasu waa laba iyo labaatan magaalo iyo tuulooyinkoodii.
זאת נחלת מטה בני אשר--למשפחתם הערים האלה וחצריהן 31
Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Aasheer u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba
לבני נפתלי יצא הגורל הששי--לבני נפתלי למשפחתם 32
Oo saamigii lixaadna reer Naftaali buu u soo baxay sidii reerahoodii ahaayeen.
ויהי גבולם מחלף מאלון בצעננים ואדמי הנקב ויבנאל--עד לקום ויהי תצאתיו הירדן 33
Oo soohdintoodu waxay ka bilaabatay Xelef, tan iyo geedka ku yaal Sacananniim, iyo Adaamii Neqeb, iyo Yabne'eel, iyo ilaa Laquum; oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun.
ושב הגבול ימה אזנות תבור ויצא משם חוקקה ופגע בזבלון מנגב ובאשר פגע מים וביהודה הירדן מזרח השמש 34
Oo soohdintu waxay u leexatay xagga galbeed tan iyo Asnood Taaboor, oo halkaasna waxay ugu baxday xagga Xuqoq; oo waxay gaadhay ilaa xagga koonfureed oo Sebulun, oo haddana waxay gaadhay xagga galbeed oo Aasheer, iyo tan iyo reer Yahuudah oo Webi Urdun xagga qorraxdu ka soo baxdo ka xiga.
וערי מבצר--הצדים צר וחמת רקת וכנרת 35
Oo magaalooyinkii deyrka lahaa waxay ahaayeen Siddiim, iyo Seer, iyo Xammad, iyo Raqad, iyo Kinnered,
ואדמה והרמה וחצור 36
iyo Adaamaah, iyo Raamaah, iyo Xaasoor,
וקדש ואדרעי ועין חצור 37
iyo Qedesh, iyo Edrecii, iyo Ceyn Xaasoor,
ויראון ומגדל אל חרם ובית ענת ובית שמש ערים תשע עשרה וחצריהן 38
iyo Yiroon, iyo Migdal Eel, iyo Xoreem, iyo Beytcanaad iyo Beytshemesh, waxay ahaayeen sagaal iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
זאת נחלת מטה בני נפתלי--למשפחתם הערים וחצריהן 39
Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Naftaali u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinka iyo tuulooyinkooduba
למטה בני דן למשפחתם יצא הגורל השביעי 40
Oo saamigii toddobaadna wuxuu u soo baxay qabiilkii reer Daan sidii reerahoodii ahaayeen.
ויהי גבול נחלתם--צרעה ואשתאול ועיר שמש 41
Oo soohdintii ay dhaxalka u heleenna waxay ahayd Sorcaah, iyo Eshtaa'ool, iyo Ciir Shemesh,
ושעלבין ואילון ויתלה 42
iyo Shacalabbiin, iyo Ayaaloon, iyo Yitlaah,
ואילון ותמנתה ועקרון 43
iyo Eeloon, iyo Timnaataah, iyo Ceqroon,
ואלתקה וגבתון ובעלת 44
iyo Elteqeeh, iyo Gibbetoon, iyo Bacalad,
ויהד ובני ברק וגת רמון 45
iyo Yehud, iyo Bini Beraaq, iyo Gad Rimmoon,
ומי הירקון והרקון עם הגבול מול יפו 46
iyo Meey Yarqoon, iyo Raqoon, iyo soohdinta ka soo hor jeedda Yaafaa.
ויצא גבול בני דן מהם ויעלו בני דן וילחמו עם לשם וילכדו אותה ויכו אותה לפי חרב וירשו אותה וישבו בה ויקראו ללשם דן כשם דן אביהם 47
Oo soohdintii reer Daan iyagay ka baxday, oo intay reer Daan tageen ayay la dirireen Leshem, oo way qabsadeen, oo dadkii degganaana waxay ku laayeen seef markaasay Leshem hantiyeen oo iska degeen, oo waxay u bixiyeen Daan, kaas oo ahaa magicii awowgood Daan.
זאת נחלת מטה בני דן--למשפחתם הערים האלה וחצריהן 48
Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Daan u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
ויכלו לנחל את הארץ לגבולתיה ויתנו בני ישראל נחלה ליהושע בן נון בתוכם 49
Sidaasay ku dhammeeyeen qaybintii dhulkii ay dhaxalka u qaybsanayeen siday soohdimihiisu ahaayeen, oo reer binu Israa'iil dhaxal bay Yashuuca ina Nuun dhexdooda ka siiyeen,
על פי יהוה נתנו לו את העיר אשר שאל--את תמנת סרח בהר אפרים ויבנה את העיר וישב בה 50
oo sidii Rabbigu ku amray waxay isagii siiyeen magaaladii uu weyddiistay taasoo ahayd Timnad Serah oo ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim; markaasuu magaaladii dhistay oo dhex degay.
אלה הנחלת אשר נחלו אלעזר הכהן ויהושע בן נון וראשי האבות למטות בני ישראל בגורל בשלה לפני יהוה--פתח אהל מועד ויכלו מחלק את הארץ 51
Kuwanu waa qaybihii dhaxalka ahaa ee wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii, ay saamiga ugu qaybiyeen Rabbiga hortiisa, iyagoo jooga Shiiloh, oo fadhiya teendhadii shirka iriddeeda. Wayna dhammeeyeen qaybintii dhulka.

< יהושע 19 >