< איוב 2 >

ויהי היום--ויבאו בני האלהים להתיצב על יהוה ויבוא גם השטן בתכם להתיצב על יהוה 1
Haddaba waxaa kaloo jirtay maalin kale oo ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay, si uu isna Rabbiga isu soo hor taago.
ויאמר יהוה אל השטן אי מזה תבא ויען השטן את יהוה ויאמר משט בארץ ומהתהלך בה 2
Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.
ויאמר יהוה אל השטן השמת לבך אל עבדי איוב--כי אין כמהו בארץ איש תם וישר ירא אלהים וסר מרע ועדנו מחזיק בתמתו ותסיתני בו לבלעו חנם 3
Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla'aan ugu halligo.
ויען השטן את יהוה ויאמר עור בעד עור וכל אשר לאיש--יתן בעד נפשו 4
Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa.
אולם שלח נא ידך וגע אל עצמו ואל בשרו--אם לא אל פניך יברכך 5
Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa.
ויאמר יהוה אל השטן הנו בידך אך את נפשו שמר 6
Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.
ויצא השטן מאת פני יהוה ויך את איוב בשחין רע מכף רגלו עד (ועד) קדקדו 7
Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cedhib ku dhuftay boogo xunxun.
ויקח לו חרש להתגרד בו והוא ישב בתוך האפר 8
Markaasaa Ayuub wuxuu qaatay dheri burburkiis inuu isku xoqo, oo wuxuu dhex fadhiistay dambas.
ותאמר לו אשתו עדך מחזיק בתמתך ברך אלהים ומת 9
Markaasaa naagtiisii waxay ku tidhi, War ma weli baad daacadnimadaadii sii haysanaysaa? War hoy, Ilaah wax xun ka sheeg, oo iska dhimo.
ויאמר אליה כדבר אחת הנבלות תדברי--גם את הטוב נקבל מאת האלהים ואת הרע לא נקבל בכל זאת לא חטא איוב בשפתיו 10
Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.
וישמעו שלשת רעי איוב את כל הרעה הזאת הבאה עליו ויבאו איש ממקמו אליפז התימני ובלדד השוחי וצופר הנעמתי ויועדו יחדו לבוא לנוד לו ולנחמו 11
Haddaba Ayuub saddexdiisii saaxiib markay maqleen xumaantii isaga ku dhacday oo dhan ayuu midkood kastaaba meeshiisii ka yimid. Oo kuwaasu waxay ahaayeen Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii, oo iyana waxay dhammaantood ballan ku dhigteen inay u yimaadaan si ay isaga ugu tacsiyeeyaan oo ay u qalbi qaboojiyaan.
וישאו את עיניהם מרחוק ולא הכירהו וישאו קולם ויבכו ויקרעו איש מעלו ויזרקו עפר על ראשיהם השמימה 12
Oo markay isagii meel fog ka arkeen oo ay aqoon waayeen ayay codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, oo midkood waluba wuxuu jeexjeexay huwiskiisii, oo intay boodh xagga samada u tuureen ayay madaxa isaga shubeen.
וישבו אתו לארץ שבעת ימים ושבעת לילות ואין דבר אליו דבר--כי ראו כי גדל הכאב מאד 13
Oo toddoba maalmood iyo toddoba habeen ayay isagii dhulka la fadhiyeen, oo midkoodna eray keliya kuma odhan, waayo, waxay arkeen inuu aad iyo aad u xanuunsanayo.

< איוב 2 >