< יחזקאל 35 >

ויהי דבר יהוה אלי לאמר 1
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
בן אדם שים פניך על הר שעיר והנבא עליו 2
Wiilka Aadamow, wejigaaga Buur Seciir u jeedi, oo iyada wax ka sii sheeg,
ואמרת לו כה אמר אדני יהוה הנני אליך הר שעיר ונטיתי ידי עליך ונתתיך שממה ומשמה 3
oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Buur Seciiray, bal eeg, col baan kugu ahaye, oo gacantaydaan kugu fidin doonaa, waxaanan kaa dhigi doonaa cidla iyo yaab.
עריך חרבה אשים ואתה שממה תהיה וידעת כי אני יהוה 4
Oo magaalooyinkaaga waan wada dumin doonaa, oo cidla baad ahaan doontaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.
יען היות לך איבת עולם ותגר את בני ישראל על ידי חרב--בעת אידם בעת עון קץ 5
Weligaa had iyo goorba nacayb baad reer binu Israa'iil u qabtay, oo waagii masiibadoodii iyo waagii ay xumaantu dhammaatay ayaad reer binu Israa'iil xooggii seefta u gacangelisay,
לכן חי אני נאם אדני יהוה כי לדם אעשך ודם ירדפך אם לא דם שנאת ודם ירדפך 6
sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu dhiig baan kuu diyaarin doonaa, oo dhiig baa ku eryan doona. Dhiig baad nebcaan weyday oo sidaas aawadeed dhiig uun baa ku eryan doona.
ונתתי את הר שעיר לשממה ושממה והכרתי ממנו עבר ושב 7
Sidaasaan Buur Seciir cidla iyo yaab uga dhigi doonaa, oo waxaan ka baabbi'in doonaa kii dhex mara iyo kii ku soo noqdaba.
ומלאתי את הריו חלליו גבעותיך וגיאותיך וכל אפיקיך חללי חרב יפלו בהם 8
Oo buurihiisana waxaan ka buuxin doonaa raggiisa la laayay, oo kurahaaga, iyo dooxooyinkaaga, iyo webiyaashaadaba waxaa ku dhici doona kuwa seefta lagu laayay.
שממות עולם אתנך ועריך לא תישבנה (תשובנה) וידעתם כי אני יהוה 9
Weligaaba cidlaan kaa dhigi doonaa, oo magaalooyinkaagana lama degganaan doono, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.
יען אמרך את שני הגוים ואת שתי הארצות לי תהיינה--וירשנוה ויהוה שם היה 10
In kastoo uu Rabbigu halkaas joogay waxaad tidhi, Labadan quruumood iyo labadan waddanba anigaa iska lahaan doona, oo waannu hantiyi doonnaa,
לכן חי אני נאם אדני יהוה ועשיתי כאפך וכקנאתך אשר עשיתה משנאתיך בם ונודעתי בם כאשר אשפטך 11
sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu waxaan wax kuugu samayn doonaa sidii xanaaqaagu ahaa iyo siduu ahaa masayrkii nacaybkaaga ka yimid oo aad iyaga u muujisay, oo markaan ku xukumo ayaan dhexdooda isku garansiin doonaa.
וידעת כי אני יהוה שמעתי את כל נאצותיך אשר אמרת על הרי ישראל לאמר שממה (שממו) לנו נתנו לאכלה 12
Oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ah maqlay caydaadii aad buuraha reer binu Israa'iil ku cayday oo dhan, adoo lahaa, Iyaga cidlaa laga dhigay, oo annagaa lanoo siiyey inaan baabbi'inno.
ותגדילו עלי בפיכם והעתרתם עלי דבריכם אני שמעתי 13
Afkaagaad ku faantay oo isaga kay weynaysay, oo erayadaadiina waad igu badisay, oo anigu kulligood waan wada maqlay.
כה אמר אדני יהוה כשמח כל הארץ שממה אעשה לך 14
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyadoo dunida oo dhammu ay rayraynayso ayaan cidla kaa dhigi doonaa.
כשמחתך לנחלת בית ישראל על אשר שממה--כן אעשה לך שממה תהיה הר שעיר וכל אדום כלה וידעו כי אני יהוה 15
Sidaad dhaxalka reer binu Israa'iil ugu rayraysay markuu cidlada noqday sidaas oo kalaan kaa dhigi doonaa. Buur Seciiray, cidla baad noqon doontaa, dhammaantiin adiga iyo reer Edom oo dhammuba, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

< יחזקאל 35 >