< דברי הימים ב 8 >
ויהי מקץ עשרים שנה אשר בנה שלמה את בית יהוה--ואת ביתו | 1 |
Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay,
והערים אשר נתן חורם לשלמה--בנה שלמה אתם ויושב שם את בני ישראל | 2 |
ayuu Sulaymaan dhisay magaalooyinkii Xuuraam isaga siiyey, oo wuxuu halkaas dejiyey reer binu Israa'iil.
וילך שלמה חמת צובה ויחזק עליה | 3 |
Oo haddana Sulaymaan wuxuu tegey Xamad Soobaah, wuuna ka adkaaday.
ויבן את תדמר במדבר ואת כל ערי המסכנות אשר בנה בחמת | 4 |
Oo cidladiina ayuu Tadmor ka dhisay, oo weliba wuxuu Xamaad ka dhisay magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo dhan.
ויבן את בית חורון העליון ואת בית חורון התחתון--ערי מצור חומות דלתים ובריח | 5 |
Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh,
ואת בעלת ואת כל ערי המסכנות אשר היו לשלמה ואת כל ערי הרכב ואת ערי הפרשים ואת כל חשק שלמה אשר חשק לבנות בירושלם ובלבנון ובכל ארץ ממשלתו | 6 |
iyo weliba Bacalad, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa oo dhan, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem, iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.
כל העם הנותר מן החתי והאמרי והפרזי והחוי והיבוסי אשר לא מישראל המה | 7 |
Oo weliba dadkii ka hadhay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus oo aan reer binu Israa'iil ahayn,
מן בניהם אשר נותרו אחריהם בארץ אשר לא כלום בני ישראל ויעלם שלמה למס עד היום הזה | 8 |
kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay, oo aanay reer binu Israa'iil baabbi'in, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.
ומן בני ישראל אשר לא נתן שלמה לעבדים למלאכתו כי המה אנשי מלחמה ושרי שלישיו ושרי רכבו ופרשיו | 9 |
Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan shuqulkiisii addoommo ugama uu dhigan, waxayse ahaayeen rag dagaalyahan ah iyo madaxdii saraakiishiisa, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa iyo fardooleydiisaba.
ואלה שרי הנציבים (הנצבים) אשר למלך שלמה חמשים ומאתים הרדים בעם | 10 |
Oo kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Boqor Sulaymaan oo ahaa laba boqol iyo konton nin oo dadka u taliya.
ואת בת פרעה העלה שלמה מעיר דויד לבית אשר בנה לה כי אמר לא תשב אשה לי בבית דויד מלך ישראל--כי קדש המה אשר באה אליהם ארון יהוה | 11 |
Markaasaa Sulaymaan gabadhii Fircoon ka soo kaxeeyey magaaladii Daa'uud oo wuxuu keenay gurigii uu iyada u dhisay, waayo, wuxuu yidhi, Naagtaydu degganaan mayso gurigii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, meelihii sanduuqa Rabbigu yimid waa wada quduus.
אז העלה שלמה עלות ליהוה על מזבח יהוה אשר בנה לפני האולם | 12 |
Oo haddana Sulaymaan wuxuu Rabbiga qurbaanno la gubo ugu bixiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo uu isagu ka dhisay balbalada horteedii.
ובדבר יום ביום להעלות כמצות משה לשבתות ולחדשים ולמועדות שלוש פעמים בשנה--בחג המצות ובחג השבעות ובחג הסכות | 13 |
Wuxuu bixiyey wixii Muuse amray in la bixiyo maalin kasta, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha sannaddiiba saddex jeer loo amray, kuwaasoo ahaa Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iiddii Toddobaadyada, iyo Iiddii Taambuugyada.
ויעמד כמשפט דויד אביו את מחלקות הכהנים על עבדתם והלוים על משמרותם להלל ולשרת נגד הכהנים לדבר יום ביומו והשערים במחלקותם לשער ושער כי כן מצות דויד איש האלהים | 14 |
Oo kooxihii wadaaddadu ku adeegi jireen iyo kuwii reer Laawi shuqulkooda loo amray ku samayn jireenba wuxuu ka dhigay si waafaqsan amarkii aabbihiis Daa'uud inay Rabbiga ammaanaan oo ay wadaaddada hortooda ka adeegaan sidii maalin kasta hawsheedii loo doonayay, oo weliba iridjoogayaashii ayuu kooxahoodii irid kasta ku taagay, waayo, sidaas waxaa amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah.
ולא סרו מצות המלך על הכהנים והלוים לכל דבר--ולאצרות | 15 |
Oo iyana kama ay tegin amarkii boqorku ku amray wadaaddada iyo reer Laawi oo ku saabsanaa xaal kasta iyo xaggii khasnadahaba.
ותכן כל מלאכת שלמה עד היום מוסד בית יהוה ועד כלתו שלם בית יהוה | 16 |
Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.
אז הלך שלמה לעציון גבר ואל אילות על שפת הים--בארץ אדום | 17 |
Markaasaa Sulaymaan wuxuu tegey xagga Cesyoon Geber iyo Eelood oo ku yaal xeebta badda ee dalka Edom.
וישלח לו חורם ביד עבדיו אוניות (אניות) ועבדים יודעי ים ויבאו עם עבדי שלמה אופירה ויקחו משם ארבע מאות וחמשים ככר זהב ויביאו אל המלך שלמה | 18 |
Oo Xuuraamna wuxuu gacanta addoommadiisii ugu sii dhiibay doonniyo iyo addoommo badda aqoon u leh, oo iyagu waxay addoommadii Sulaymaan u soo raaceen Oofir, oo halkaasayna Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo konton talanti oo dahab ah.