< דברי הימים א 5 >
ובני ראובן בכור ישראל כי הוא הבכור--ובחללו יצועי אביו נתנה בכרתו לבני יוסף בן ישראל ולא להתיחש לבכרה | 1 |
Oo kuwanuna waa wiilashii Ruubeen kaasoo ahaa curadkii Israa'iil, (laakiinse isagu wuxuu nijaaseeyey gogoshii aabbihiis oo sidaas daraaddeed curadnimadiisii waxaa la siiyey wiilashii Yuusuf ina Israa'iil, oo abtiriskiisiina laguma tirin xagga curadnimadiisii.
כי יהודה גבר באחיו ולנגיד ממנו והבכרה ליוסף | 2 |
Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf: )
בני ראובן בכור ישראל חנוך ופלוא חצרון וכרמי | 3 |
oo wiilashii Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.
בני יואל--שמעיה בנו גוג בנו שמעי בנו | 4 |
Farcankii Yoo'eelna wuxuu ahaa Shemacyaah oo dhalay Juuj, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Miikaah,
מיכה בנו ראיה בנו בעל בנו | 5 |
oo isna dhalay Re'aayaah, oo isna dhalay Bacal,
בארה בנו--אשר הגלה תלגת פלנאסר מלך אשר הוא נשיא לראובני | 6 |
oo isna dhalay Be'eeraah, oo ahaa kii boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser la odhan jiray uu maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo isna wuxuu ahaa amiirkii reer Ruubeen.
ואחיו למשפחתיו בהתיחש לתלדותם--הראש יעיאל וזכריהו | 7 |
Oo qolooyiinkii walaalihiis ahaa markii abtiriskii dhalashadooda la tiriyey waxay ahaayeen duqii Yecii'eel iyo Sekaryaah,
ובלע בן עזז בן שמע בן יואל הוא יושב בערער ועד נבו ובעל מעון | 8 |
iyo Belac oo ahaa ina Caasaas ina Shemac oo ahaa ina Yoo'eel oo degganaan jiray Carooceer, iyo xataa tan iyo Nebo iyo Bacal Mecoon,
ולמזרח ישב עד לבוא מדברה למן הנהר פרת כי מקניהם רבו בארץ גלעד | 9 |
oo xagga barina wuxuu degganaan jiray tan iyo xataa meesha laga galo cidlada markii laga soo bilaabo Webi Yufraad, maxaa yeelay, xoolahoodii ayaa ku tarmay dalkii Gilecaad.
ובימי שאול עשו מלחמה עם ההגראים ויפלו בידם וישבו באהליהם על כל פני מזרח לגלעד | 10 |
Oo wakhtigii Saa'uul ayay la dagaallameen reer Hagrii'iim, oo iyaga gacantooda ku baabba'ay, oo iyana waxay degeen teendhooyinkoodii ku dhex yiil dalkii Gilecaad bari ka xigay oo dhan.
ובני גד לנגדם ישבו בארץ הבשן--עד סלכה | 11 |
Oo waxaa meel iyaga ka soo hor jeedda, oo ah dalka Baashaan iyo tan iyo Salkaah degganaa wiilashii Gaad
יואל הראש ושפם המשנה ויעני ושפט בבשן | 12 |
kuwaasoo ahaa Yoo'eel oo madax ahaa, iyo Shaafaam oo ahaa kii labaad, iyo Yacnay, iyo Shaafaad, waxay wada joogeen Baashaan,
ואחיהם לבית אבותיהם מיכאל ומשלם ושבע ויורי ויעכן וזיע ועבר--שבעה | 13 |
oo walaalahood oo ay isku reer ahaayeen waxay ahaayeen Miikaa'eel, iyo Meshullaam, iyo Shebac, iyo Yooray, iyo Yackaam, iyo Siica, iyo Ceeber, oo waxay ahaayeen toddoba.
אלה בני אביחיל בן חורי בן ירוח בן גלעד בן מיכאל בן ישישי בן יחדו--בן בוז | 14 |
Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii Abiixayil ina Xuurii, oo ahaa ina Yaaroo'ax, oo ahaa ina Gilecaad, oo ahaa ina Miikaa'eel, oo ahaa ina Yeshiishay, oo ahaa ina Yaxdoo, oo ahaa ina Buus;
אחי בן עבדיאל בן גוני ראש לבית אבותם | 15 |
Axii ina Cabdii'eel oo ahaa ina Guunii madax buu u ahaa reerahoodii.
וישבו בגלעד בבשן ובבנתיה ובכל מגרשי שרון על תוצאותם | 16 |
Oo waxay degganaayeen Gilecaad oo Baashaan ku tiil iyo magaalooyinkeedii, iyo Shaaroon agagaarkeedii oo dhan, iyo tan iyo soohdintooda meesha ugu fog.
כלם התיחשו בימי יותם מלך יהודה--ובימי ירבעם מלך ישראל | 17 |
Oo kuwan oo dhan abtiriskooda waxaa la tiriyey wakhtigii Yootam oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa iyo wakhtigii Yaaraabcaam oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa.
בני ראובן וגדי וחצי שבט מנשה מן בני חיל אנשים נשאי מגן וחרב ודרכי קשת ולמודי מלחמה--ארבעים וארבעה אלף ושבע מאות וששים יצאי צבא | 18 |
Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis raggoodii xoogga lahaa oo awoodda u lahaa inay gaashaan iyo seef qaadaan, iyo inay qaansooyin ganaan, oo dagaalyahannada ahaa waxay ahaayeen afar iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo lixdan nin oo wada awooda inay dagaal u baxaan.
ויעשו מלחמה עם ההגריאים ויטור ונפיש ונודב | 19 |
Oo iyagu waxay la dagaallameen reer Hagrii'iim iyo reer Yetuur, iyo reer Naafiish, iyo reer Naadaab.
ויעזרו עליהם--וינתנו בידם ההגריאים וכל שעמהם כי לאלהים זעקו במלחמה ונעתור להם כי בטחו בו | 20 |
Oo iyagiina waa looga hiiliyey, markaasaa reer Hagrii'iim waxaa la soo geliyey gacantoodii, iyagii iyo kuwii kale oo la jiray oo dhanba, waayo, intay dagaalka ku jireen ayay Ilaah u qayshadeen, wuuna aqbalay, maxaa yeelay, isagay isku halleeyeen.
וישבו מקניהם גמליהם חמשים אלף וצאן מאתים וחמשים אלף וחמורים אלפים ונפש אדם מאה אלף | 21 |
Oo waxay iyagii ka dhaceen xoolahoodii kuwaasoo ahaa geel ah konton kun, iyo ido ah laba boqol iyo konton kun, iyo dameerro ah laba kun, iyo dad tiradiisu tahay boqol qof.
כי חללים רבים נפלו כי מהאלהים המלחמה וישבו תחתיהם עד הגלה | 22 |
Oo qaar badan baa laga laayay, maxaa yeelay, dagaalku wuxuu ka yimid xag Ilaah. Oo meeshoodii bayna degeen tan iyo waagii maxaabiisnimada.
ובני חצי שבט מנשה ישבו בארץ מבשן עד בעל חרמון ושניר והר חרמון--המה רבו | 23 |
Oo qabiilkii reer Manaseh badhkoodna dalkay degeen, oo waxay ku kordheen tan iyo Baashaan, iyo ilaa Bacal Xermoon, iyo tan iyo Seniir, iyo ilaa Buur Xermoon.
ואלה ראשי בית אבותם ועפר וישעי ואליאל ועזריאל וירמיה והודויה ויחדיאל אנשים גבורי חיל--אנשי שמות ראשים לבית אבותם | 24 |
Oo kuwii reerahooda madaxda u ahaana waxay ahaayeen Ceefer, iyo Yishcii, iyo Elii'eel, iyo Casrii'eel, iyo Yeremyaah, iyo Hoodawyaah, iyo Yaxdii'eel, oo intaasu waxay wada ahaayeen rag xoog badan oo magac leh oo reerahooda madax u ah.
וימעלו באלהי אבתיהם ויזנו אחרי אלהי עמי הארץ אשר השמיד אלהים מפניהם | 25 |
Oo iyagu waxay ku xadgudbeen Ilaahii awowayaashood, oo sidii naag ninkeedii ka dhillowday ayay raaceen ilaahyadii dadkii dalka degganaa, oo Ilaah hortooda ku baabbi'iyey.
ויער אלהי ישראל את רוח פול מלך אשור ואת רוח תלגת פלנסר מלך אשור ויגלם לראובני ולגדי ולחצי שבט מנשה ויביאם לחלח וחבור והרא ונהר גוזן עד היום הזה | 26 |
Oo markaasaa Ilaah wuxuu kiciyey boqorkii Ashuur ee Fuul ahaa, kaasoo ahaa boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser ahaa, oo isna iyagii buu kaxaystay xataa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu iyagii geeyey Xalax, iyo Xaaboor, iyo Haaraa, iyo tan iyo webiga Goosaan, oo halkaasay joogaan ilaa maantadan.