< דברי הימים א 15 >
ויעש לו בתים בעיר דויד ויכן מקום לארון האלהים ויט לו אהל | 1 |
Markaasaa Daa'uud wuxuu magaaladii Daa'uud ka dhistay guryo, oo sanduuqii Ilaahna meel buu u hagaajiyey, teendhona buu u dhisay.
אז אמר דויד לא לשאת את ארון האלהים כי אם הלוים כי בם בחר יהוה לשאת את ארון יהוה ולשרתו--עד עולם | 2 |
Markaasaa Daa'uud yidhi, Waa inaan ninna qaadin sanduuqa Ilaah reer Laawi mooyaane, waayo, Rabbigu iyaguu u doortay inay qaadaan sanduuqa Ilaah, iyo inay isaga u adeegaan weligood.
ויקהל דויד את כל ישראל אל ירושלם להעלות את ארון יהוה אל מקומו אשר הכין לו | 3 |
Oo Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan wuxuu ku soo wada ururiyey Yeruusaalem in sanduuqii Rabbiga la keeno meeshiisii uu u hagaajiyey.
ויאסף דויד את בני אהרן ואת הלוים | 4 |
Oo haddana Daa'uud wuxuu soo wada ururiyey reer Haaruun iyo reer Laawi.
לבני קהת--אוריאל השר ואחיו מאה ועשרים | 5 |
Kuwii reer Qohaad waxay ahaayeen Uurii'eel oo madax ahaa, iyo walaalihiis oo ahaa boqol iyo labaatan nin,
לבני מררי--עשיה השר ואחיו מאתים ועשרים | 6 |
kuwii reer Meraariina, Casaayaah oo madax ahaa, iyo laba boqol iyo labaatan nin oo walaalihiis ahaa,
לבני גרשום--יואל השר ואחיו מאה ושלשים | 7 |
kuwii reer Gershoomna, Yoo'eel oo madax ahaa, iyo boqol iyo soddon nin oo walaalihiis ahaa,
לבני אליצפן--שמעיה השר ואחיו מאתים | 8 |
kuwii reer Eliisaafaanna, Shemacyaah oo madax ahaa, iyo laba boqol oo nin oo walaalihiis ahaa,
לבני חברון--אליאל השר ואחיו שמונים | 9 |
kuwii reer Xebroonna, Elii'eel oo madax ahaa, iyo siddeetan nin oo walaalihiis ahaa,
לבני עזיאל עמינדב השר--ואחיו מאה ושנים עשר | 10 |
kuwii reer Cusii'eelna, Cammiinaadaab oo madax ahaa, iyo boqol iyo laba iyo toban nin oo walaalihiis ahaa.
ויקרא דויד לצדוק ולאביתר הכהנים וללוים לאוריאל עשיה ויואל שמעיה ואליאל ועמינדב | 11 |
Markaasaa Daa'uud u yeedhay Saadooq iyo Aabyaataar oo wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa Uurii'eel, iyo Casaayaah, iyo Yoo'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elii'eel, iyo Cammiinaadaab,
ויאמר להם אתם ראשי האבות ללוים התקדשו אתם ואחיכם והעליתם את ארון יהוה אלהי ישראל אל הכינותי לו | 12 |
oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.
כי למבראשונה לא אתם--פרץ יהוה אלהינו בנו כי לא דרשנהו כמשפט | 13 |
Maxaa yeelay, indinku markii hore ma aydnaan qaadin, oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaaheenna ahu degdeg inoogu qabtay, waayo, sidii qaynuunku ahaa wax kuma aynan weyddiin.
ויתקדשו הכהנים והלוים להעלות את ארון יהוה אלהי ישראל | 14 |
Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
וישאו בני הלוים את ארון האלהים כאשר צוה משה כדבר יהוה--בכתפם במטות עליהם | 15 |
Markaasaa reer Laawi garbaha ku qaadeen sanduuqii Ilaah iyagoo ulihiisii ku sida, sidii Muuse amray oo uu eraygii Rabbigu ahaa.
ויאמר דויד לשרי הלוים להעמיד את אחיהם המשררים בכלי שיר נבלים וכנרות ומצלתים--משמיעים להרים בקול לשמחה | 16 |
Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.
ויעמידו הלוים את הימן בן יואל ומן אחיו אסף בן ברכיהו ומן בני מררי אחיהם איתן בן קושיהו | 17 |
Sidaas daraaddeed reer Laawi waxay doorteen Heemaan oo ahaa ina Yoo'eel iyo walaalihiis oo ahaa Aasaaf ina Berekyaah, oo walaalahood reer Meraariina waxay ka doorteen Eetaan ina Quushaayaah,
ועמהם אחיהם המשנים זכריהו בן ויעזיאל ושמירמות ויחיאל ועני אליאב ובניהו ומעשיהו ומתתיהו ואליפלהו ומקניהו ועבד אדם ויעיאל--השערים | 18 |
oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.
והמשררים הימן אסף ואיתן--במצלתים נחשת להשמיע | 19 |
Sidaas daraaddeed kuwii gabayaagii ahaa oo ahaa Heemaan, iyo Aasaaf, iyo Eetaan waxay siteen suxuun naxaas ah oo laysku garaaco si ay aad ugaga dhawaajiyaan,
וזכריה ועזיאל ושמירמות ויחיאל ועני ואליאב ומעשיהו ובניהו--בנבלים על עלמות | 20 |
oo Sekaryaah, iyo Casii'eel, iyo Shemiiraamood iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Macaseeyaah, iyo Benaayaahna waxay siteen shareerado si ay ugu dhuftaan wax Calaamood lagu luuqeeyo,
ומתתיהו ואליפלהו ומקניהו ועבד אדם ויעיאל ועזזיהו--בכנרות על השמינית לנצח | 21 |
oo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel, iyo Casasyaahna waxay siteen kataarado ay ku hoggaamiyaan wax Shemiiniid lagu luuqeeyo.
וכנניהו שר הלוים במשא--יסר במשא כי מבין הוא | 22 |
Oo Kenanyaah oo madax u ahaa reer Laawina wuxuu u sarreeyey gabaygii, oo isagu wuxuu dadkii wax ka baray gabaygii, maxaa yeelay, aad buu u yiqiin.
וברכיה ואלקנה שערים לארון | 23 |
Oo Berekyaah iyo Elqaanaahna waxay iridjoogayaal u ahaayeen sanduuqii.
ושבניהו ויושפט ונתנאל ועמשי וזכריהו ובניהו ואליעזר הכהנים מחצצרים (מחצרים) בחצצרות לפני ארון האלהים ועבד אדם ויחיה שערים לארון | 24 |
Oo wadaaddadii ahaa Shebanyaah, iyo Yehooshaafaad, iyo Netaneel, iyo Camaasay, iyo Sekaryaah, iyo Benaayaah, iyo Eliiceserna turumbooyin ayay ku hor afuufayeen sanduuqii Ilaah, oo Cobeed Edoom iyo Yexiyaahna iridjoogayaal ayay sanduuqii u ahaayeen.
ויהי דויד וזקני ישראל ושרי האלפים ההלכים להעלות את ארון ברית יהוה מן בית עבד אדם--בשמחה | 25 |
Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.
ויהי בעזר האלהים את הלוים נשאי ארון ברית יהוה ויזבחו שבעה פרים ושבעה אילים | 26 |
Oo markii Ilaah caawiyey kuwii reer Laawi oo qaaday sanduuqii axdiga Rabbiga ayay toddoba dibi iyo toddoba wan ku allabaryeen.
ודויד מכרבל במעיל בוץ וכל הלוים הנשאים את הארון והמשררים וכנניה השר המשא המשררים ועל דויד אפוד בד | 27 |
Oo Daa'uudna wuxuu xidhnaa dhar aad u wanaagsan, isaga iyo kuwii reer Laawi oo sanduuqa qaaday oo dhan, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo Kenanyaah oo ahaa madaxdii gabayga oo la jiray nimankii gabayaaga ahaa, oo Daa'uudna wuxuu qabay eefod maro wanaagsan ah.
וכל ישראל מעלים את ארון ברית יהוה בתרועה ובקול שופר ובחצצרות ובמצלתים משמעים בנבלים וכנרות | 28 |
Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.
ויהי ארון ברית יהוה בא עד עיר דויד ומיכל בת שאול נשקפה בעד החלון ותרא את המלך דויד מרקד ומשחק ותבז לו בלבה | 29 |
Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu uu magaaladii Daa'uud imanayay ayay Miikaal oo ahayd ina Saa'uul daaqadda ka eegtay, oo kolkay aragtay Boqor Daa'uud oo cayaaraya ayay qalbiga ka quudhsatay.