< Luka 11 >
1 Wani lokaci, Yesu yana yin addu'a a wani wuri, sai daya daga cikin almajiransa yace da shi, “Ubangiji, ka koya mana yin addu'a kamar yadda Yahaya ya koya wa almajiransa.”
Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray.
2 Yesu ya ce ma su, “Sa'anda ku ke yin addu'a ku ce, 'Uba a tsarkake sunanka. Mulkin ka ya zo.
Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado.
3 Ka ba mu abin da za mu ci a kowacce rana.
Maalinba maalin kibistayada nagu filan na sii.
4 Gafarta mana zunubanmu, kamar yadda muke gafarta ma wadanda suke mana laifi. Kada ka kai mu cikin jaraba.'”
Oo naga cafi dembiyadayada, waayo, annaguba waa u cafinnaa mid walba oo aannu qaan ku leennahay, oo jirrabaaddana ha noo kaxayn.
5 Yesu ya ce masu, “Wanene a cikinku idan yana da aboki, za ya je wurinsa da tsakar dare ya ce masa, ''Aboki, ka ba ni rancen dunkulen gurasa guda uku,
Wuxuuna ku yidhi, Kiinnee baa saaxiib leh oo saqdadhexe u tegaya oo ku odhanaya, Saaxiibow, saddex kibsood i amaahi,
6 da ya ke wani abokina ya iso yanzu daga tafiya, kuma ba ni da abin da zan ba shi ya ci,'
waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo.
7 Sai wanda yake ciki, ya amsa, ya ce, 'Kada ka dame ni. Na riga na rufe kofa ta, kuma ni da yarana mun riga mun kwanta. Ba zan iya tashi in ba ka gurasa ba.'
Kaasaana gudaha ka jawaabaya oo odhanaya, Ha i dhibin. Albaabka waa la xidhay; carruurtayduna sariirtay ila jiiftaa; umana kici karo inaan wax ku siiyo.
8 Na fada maku, ko da bai tashi ya ba ka gurasar ba, a matsayin abokinsa, ba ka ji kunya ba, ka nace da rokonsa, za ya tashi ya ba ka dukan yawan gurasar da kake bukata.
Waxaan idinku leeyahay, In kastoo aanu kici doonin oo aanu siin doonin saaxiibnimadiisa aawadeed, weliba baryo badnaantiisa aawadeed ayuu u kici doonaa oo u siin doonaa in alla intuu u baahan yahay.
9 Ni kuma ina ce maku, ku roka za a ba ku; ku nema za ku samu; ku kwankwasa za a bude maku.
Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa.
10 Domin dukan wanda yake roko ya na karba; dukan wanda ya ke nema kuma yana samu; kuma wanda yake kwankwasawa, za a bude masa.
Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa.
11 Wanne uba ne a cikinku, idan dansa ya tambaye shi kifi, zai ba shi maciji a maimakon kifi?
Midkiinnee baa oo aabbe ah haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? Ama hadduu kalluun weyddiisto, kalluunka meeshiis abeeso siinaya?
12 Ko kuwa idan ya tambaye shi kwai, za ya ba shi kunama?
Ama hadduu ukun weyddiisto, dabaqallooc siinaya?
13 To, da yake ku da kuke masu mugunta kun san ku ba 'yanyan ku abu mai kyau. Yaya fa ga Ubanku wanda yake cikin sama, za ya ba da Ruhu Mai Tsarki ga wadanda suka roke shi?”
Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Quduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
14 Wani lokaci, Yesu yana fitar da wani beben aljani. Sa'adda aljanin ya fita, sai mutumin da yake bebe ya yi magana. Sai taron mutanen suka yi mamaki!
Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.
15 Amma, wadansu daga cikin mutanen suka ce, “Da ikon Ba'alzabuba sarkin aljanu ne yake fitar da aljanu.”
Laakiin qaarkood ayaa yidhi, wuxuu jinniyada ku saaraa Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada.
16 Wadansu suka gwada shi, suka nemi ya nuna masu wata alama daga sama.
Markaasaa kuwa kale oo jirrabaya waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso.
17 Amma Yesu da yake ya san tunaninsu, ya ce da su, “Dukan mulkin da ya rabu biyu, gaba da kansa, ya rushe kenan, kuma idan gida ya rabu biyu, gaba da kansa za ya fadi.
Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cidla' bay noqotaa, guri guri ka qaybsamaana waa dumaa.
18 Idan Shaidan ya rabu biyu gaba da kansa, ta yaya mulkinsa zai iya tsayawa? Gama kun ce ina fitar da aljanu ta wurin Ba'alzabuba.
Shayddaankuna hadduu kala qaybsamo, boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? Waayo, waxaad tidhaahdaan, Waxaad jinniyo ku saartaa Be'elsebul.
19 Idan ni na fitar da aljanu ta wurin Ba'alzabuba, ta wurin wa wadanda suke bin ku suke fitar da aljanu? Saboda haka, su ne zasu zama masu yi maku shari'a.
Anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinna yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna.
20 Amma idan daga wurin Allah na ke fitar da aljanu, to, ya zama ke nan mulkin Allah ya zo wurinku.
Laakiin haddaan jinniyada ku saaro farta Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.
21 Idan mutum mai karfi, mai kayan fada ya tsare gidansa, kayansa za su tsira.
Nin xoog leh oo hubaysan markuu ilaalinayo barxaddiisa, alaabtiisu waa nabad gelaysaa.
22 Amma idan wani mutum wanda ya fi shi karfi ya zo ya ci nasara a kansa, zai dauke kayan fadan daga wurin mutumin, kuma ya kwashe kayansa.
Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay.
23 Wanda ba ya tare da ni, gaba da ni ya ke yi, kuma wanda ba ya tattarawa tare da ni, watsarwa yake yi.
Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.
24 Idan kazamin ruhu ya fita daga cikin mutum, ya kan bi ta wurin busassun wurare yana neman wurin da zai huta. Idan bai samu ba sai ya ce, 'Bari in koma gidana inda na baro.
Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn, isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay.
25 Sa'adda ya dawo, ya tarar an share gidan, an kuma gyara shi tsaf.
Oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo xaaqan oo hagaagsan.
26 Sai ya je ya dauko wadansu aljanu guda bakwai wadanda su ka fi shi mugunta, su zo su zauna a wurin. Sai karshen mutumin nan ya fi farkonsa muni.”
Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore.
27 Ya zama, lokacin da ya ke fadin wadannan abubuwa, wata mace ta tada muryarta a cikin taron mutanen ta ce da shi, “Mai albarka ne cikin da ya haife ka, da maman da ka sha.”
Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.
28 Sai shi kuma ya ce, “Masu albarka ne wadanda suke jin maganar Allah suke yin biyayya da ita.”
Laakiin wuxuu ku yidhi, Runtaa, laakiin waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaah maqla oo xajiya.
29 Lokacin da mutane suke kara taruwa, sai ya fara cewa, “Wannan tsara, muguwar tsara ce. Ta na neman alama, Ko da yake ba wata alamar da za a bata sai irin ta Yunusa.
Goortii dadkii badnaa isugu soo ururayeen, wuxuu bilaabay inuu yidhaahdo, Qarniganu waa qarni shareed; calaamo bay doonayaan, lamana siin doono, calaamada Yoonis maahee.
30 Domin kamar yadda Yunusa ya zama alama ga mutanen Neneba, haka kuma Dan Mutum za ya zama alama ga wannan tsara.
Waayo, sida Yoonis calaamo ugu noqday reer Nineweh, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahu calaamo ugu ahaan doonaa qarnigan.
31 Sarauniyar Kudu, za ta tsaya ta yi shari'a da mutanen wannan tsara, kuma za ta kashe su, gama ta zo daga wuri mai nisa domin ta saurari hikimar Sulaimanu. Kuma ga wani wanda ya fi Sulaimanu a nan.
Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga.
32 Mutanen Neneba, za su tsaya shari'a da matanen wannan tsara, kuma za su kashe su. Gama sun ji wa'azin Yunusa sun tuba. Kuma ga wani wanda ya fi Yunusa a nan.
Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.
33 Ba wanda zai kunna fitila ya boye ta, ko kuwa ya sa ta a karkashin kasko, amma zai sa ta a mazaunin ta domin dukan wanda ya shiga dakin ya ga haske.
Ma jiro nin, goortuu ilays shido, dhiga meel qarsoon ama weel hoostiisa, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.
34 Idon ku shine fitilar jikinku. Idan idonku yana gani sosai, jikinku zai cika da haske. Amma idan idonku ba ya gani sosai, jikinku zai cika da duhu.
Ilayska jidhkaagu waa ishaada, ishaaduna markay hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammu waa iftiimaa, laakiin goortay xun tahay, jidhkaaguna waa gudcur.
35 Ku yi hankali fa, domin kada hasken da ya ke wurinku ya zama duhu.
Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan.
36 Idan dukan jikinku yana cike da haske, babu duhu ko kadan, to sai dukan jikinku ya zama kamar fitilar da take bada haskenta a bisanku.”
Haddaba haddii jidhkaaga oo dhammu iftiimo, aanuna lahayn meel gudcur ah, waa wada iftiimaa, sida goortii ilayska dhalaalayaa uu kuu iftiimiyo.
37 Sa'adda ya gama jawabi, sai wani Bafarise ya ce da shi ya zo gidansa ya ci abinci, sai Yesu ya shiga ya zauna.
Goortuu hadlayay, nin Farrisi ah ayaa weyddiistay inuu wax la cuno; wuuna galay gurigiisa, oo cunto u fadhiistay.
38 Sai Bafarisen ya yi mamaki da ganin bai wanke hannu kafin ya ci abinci ba.
Farrisigii markuu arkay waa yaabay, waayo, cuntada horteed ma uu faraxalan.
39 Amma sai Ubangiji ya ce da shi, “Ku Farisawa kuna tsabtace bayan kofi da bangaji, amma cikin yana cike da kazamta da mugunta.
Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar.
40 Ku mutane marasa tunani, wanda ya yi wajen, ba shine ya yi cikin ba?
Doqonno yahow, kii dusha sameeyey miyaanu gudahana samaynin?
41 Ku bayar da abin da ke ciki ga matalauta, kuma dukan abu zai zamar maku da tsafta.
Laakiin waxa gudaha ah sadaqad u bixiya, oo bal eeg, wax walba waa idiin nadiifsan yihiin.
42 Amma kaitonku Farisawa, gama kuna karbar zakka da daddoya da karkashi da kowanne irin ganye na lambu, amma kun watsar da adalci da kaunar Allah. Dole ne a yi adalci, a kaunaci Allah, a yi sauran abubuwan kuma.
Laakiin waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo khodaarta oo dhan toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaaftaan xukunka iyo jeclaanta Ilaah. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.
43 Kaitonku Farisawa, domin kuna so a ba ku wuraren zama masu kyau a cikin masujadai, a kuma yi maku gaisuwar bangirma a cikin kasuwanni.
Waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, waxaad jeceshihiin kursiyada hore oo sunagogyada, iyo salaanta suuqa.
44 Kaiton ku, gama kuna kama da kabarbarun da ba yi masu shaida ba, mutane kuwa suna tafiya akansu ba tare da saninsu ba.”
Waa idiin hoog, waayo, waxaad tihiin sida xabaalo aan muuqanaynin; nimanka dul marayaana aanay garanaynin.
45 Wani malami a cikin shari'ar Yahudawa ya amsa masa ya ce, “Malam, abin da ka ce ya bata mana rai mu ma.”
Kuwa sharciga yaqaan midkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, markaad waxaas leedahay, annagana waad na caayaysaa.
46 Sai Yesu ya ce, “Kaitonku malaman shari'a! Gama kun dora wa mutane kaya mai nauyi wanda ya fi karfinsu dauka. Amma ku, ko da dan yatsa ba ku taba kayan ba.
Markaasuu ku yidhi, Idinkana waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, waxaad nimanka ku rartaan wax culus oo qaadiddoodu dhib leedahay; idinkuse farihiinna middood kuma taabataan culaabta.
47 Kaiton ku, gama kuna gina abubuwan tunawa a kabuburan annabawa, alhali kuwa kakanni-kakanninku ne suka kashe su.
Waa idiin hoog, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, awowayaashiinse way dileen.
48 Ya zama kenan kuna sane da ayyukan kakanni-kakanninku, domin sune suka kashe annabawan da kuke tunawa da su.
Haddaba waxaad tihiin markhaatiyaal oo aad oggoshihiin shuqulkii awowayaashiin, waayo, iyagaa dilay, idinkuna waad dhistaan xabaalahooda.
49 Saboda wannan daliline hikimar Allah ta ce, ''Zan aika manzanni da annabawa a wurinsu, kuma za su tsananta masu har ma za su kashe wadansu daga cikinsu.'
Sidaa darteed xigmadda Ilaah ayaa tidhi, Waxaan u diri doonaa nebiyo iyo rasuullo; qaarkood waa la dili doonaa oo la silcin doonaa,
50 Wannan tsarar, za ta dauki alhakin jinin dukan annabawan da aka kashe tun kafuwar duniya.
in qarnigan la weyddiiyo dhiiggii nebiyada oo dhan oo daatay tan iyo aasaaskii dunida,
51 Tun daga jinin Habila, har zuwa jinin Zakariya wanda aka kashe tsakanin bagadi da wuri mai tsarki. I, na gaya ma ku za a nemi hakin su a wurin wannan tsarar
oo laga bilaabo dhiiggii Haabiil ilaa dhiiggii Sakariyas kii ku dhintay meeshii allabariga iyo meesha quduuska ah dhexdooda. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Qarnigan ayaa la weyddiin doonaa.
52 Kaitonku malaman shari'a na Yahudawa, domin kun dauke mabudin sani, ku da kanku ba ku shiga ba, kuma kun hana masu shiga su shiga.”
Waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, furihii garashada ayaad qaaddeen. Idinka qudhiinnu ma gelin, oo kuwii gelayayna ayaad ka hor joogsateen.
53 Bayan da Yesu ya bar nan wurin, Marubuta da Farisawa suka yi gaba da shi, suka yi jayayya da shi a kan abubuwa da yawa,
Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimmada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan,
54 suna kokari su kafa masa tarko domin su kama shi a cikin kalmomin da yake fadi.
iyagoo gaadaya inay ku qabtaan wixii afkiisa ka soo baxa.