< 1 Timoti 4 >

1 To Ruhu ya fada a fili cewa, a zamanin karshe wadansu mutane za su kauce daga bangaskiya, su mai da hankalin su ga ruhohi masu rudi, da koyarwar aljannu,
Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,
2 cikin karya da munafunci. Lamirinsu zai yi kanta.
oo waxay kaga fogaan doonaan labawejiilenimada dadka beenta ku hadla oo qalbigooda la gubay sida isagoo bir kulul lagu dhejiyey.
3 Za su haramta aure da karbar abincin da Allah ya halitta, domin su raba da godiya a cikin wadanda suka bada gaskiya suka kuma san gaskiyar.
Waxay diidaan in la guursado, oo amraan in laga fogaado cuntooyinka Ilaah u abuuray in kuwa rumaysta oo runta yaqaanu mahadnaqid ku aqbalaan.
4 Gama duk abin da Allah ya halitta yana da kyau. Domin duk abin da muka karba da godiya, bai kamata mu ki shi ba.
Waayo, wax kasta oo Ilaah abuuray wuu wanaagsan yahay, waana inaan waxba la diidin haddii mahadnaqid lagu aqbalo,
5 Gama an tsarkake shi ta wurin maganar Allah da addu'a.
waayo, waxaa quduus lagaga dhigaa ereyga Ilaah iyo ducada.
6 Idan ka tuna wa 'yan'uwa wadannan abubuwa za ka zama bawan kirki na Almasihu. Domin ana gina ka ne ta wurin maganar bangaskiya da kuma kyakkyawar koyarwa wadda ka bi.
Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.
7 Amma ka guji labaran almara wadanda tsofaffin mata ke so. Maimakon haka sai ka hori kanka cikin bin Allah.
Laakiin ka fogow sheekooyinka habraha oo nijaasta ah, oo nafsaddaada bar cibaadaysiga,
8 Domin horon jiki ya na da amfani kadan. Amma horon kai cikin bin Allah yana da amfani ga dukkan abubuwa. Gama a cikinsa akwai alkawari domin wannan rayuwar da kuma rayuwa mai zuwa.
waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba.
9 Maganan nan amintacciyace ta isa a karbe ta dungum.
Hadalku waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo.
10 Dalilin da ya sa kenan mu ke aiki tukuru. Domin muna sa bege ga Allah mai rai, mai ceton dukkan mutane, musamman masu ba da gaskiya.
Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.
11 Ka yi shela ka kuma koyar da wadannan abubuwa.
Waxyaalahan dadka ku amar oo bar.
12 Kada ka yarda kowa ya rena kuruciyarka. Maimakon haka, ka zama abin koyi ga dukkan masubi: a furci, hali, kauna, aminci da kuma tsarki.
Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba.
13 Har sai na zo, ka himmatu da yin karatu, da wa'azi, da kuma koyarwa.
Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow.
14 Kada ka yi sakaci da baiwar da ka ke da ita wadda aka baka ta wurin anabci sa'ad da dattawa suka dibiya maka hannayensu.
Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen.
15 Ka kula da wadannan abubuwa. Ka himmatu a cikinsu. Domin ci gabanka ya zama sananne a idanun kowa.
Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo.
16 Ka kula da kanka da kuma koyawarka. Ci gaba a cikinsu. Domin ta yin haka ne za ka ceci kanka da masu sauraronka.
Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.

< 1 Timoti 4 >