< Ƙidaya 9 >

1 Ubangiji ya yi magana da Musa a Hamadar Sinai, a watan farko na shekara ta biyu bayan fitarsu daga ƙasar Masar. Ya ce,
Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay cidladii Siinay, bishii kowaad ee sannaddii labaad oo ka dambaysay wakhtigii ay dalkii Masar ka soo bexeen, oo wuxuu ku yidhi,
2 “Ka sa Isra’ilawa su yi Bikin Ƙetarewa a ƙayyadadden lokaci.
Weliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray.
3 A yi wannan bikin ƙayyadadden lokaci da yamma, a rana ta goma sha huɗu ga wannan wata, a yi shi bisa ga dokokinsa da ƙa’idodinsa.”
Bishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin.
4 Saboda haka sai Musa ya gaya wa Isra’ilawa su yi Bikin Ƙetarewa,
Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan.
5 suka kuwa yi haka a Hamadar Sinai da yamma, a rana ta sha huɗu ga watan farko. Isra’ilawa suka yi dukan abubuwa yadda Ubangiji ya umarci Musa.
Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay Iiddii Kormaridda ku dhawreen cidladii Siinay; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.
6 Amma waɗansunsu ba su iya yin Bikin Ƙetarewa a ranar ba gama sun ƙazantu ta wurin taɓa gawa. Saboda haka suka zo wurin Musa da Haruna a wannan rana
Oo waxaa jiray niman ku nijaasoobay nin dhintay meydkiis oo aanay sidaas aawadeed karin inay maalintaas Iiddii Kormaridda dhawraan, oo maalintaasay yimaadeen Muuse iyo Haaruun hortooda.
7 suka ce wa Musa, “Mun ƙazantu saboda mun taɓa gawa, don me aka hana mu mu ba da hadaya ga Ubangiji tare da sauran Isra’ilawa a ƙayyadadden lokaci?”
Oo nimankaasu waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku nijaasownay nin dhintay meydkiis. Haddaba maxaa nalooga celiyey inaannu reer binu Israa'iil la bixinno qurbaankii Rabbiga xilligii la amray?
8 Musa ya amsa musu ya ce, “Ku dakata sai na sami umarni daga wurin Ubangiji game da ku.”
Markaasaa Muuse ku yidhi, I suga intaan soo maqlayo waxa Rabbigu amri doono oo idinku saabsan.
9 Sai Ubangiji ya ce wa Musa,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
10 “Gaya wa Isra’ilawa cewa, ‘Sa’ad da waninku ko zuriyarku ya ƙazantu ta wurin taɓa gawa, ko kuwa ya yi tafiya mai nisa, duk da haka zai kiyaye Bikin Ƙetarewa ta Ubangiji.
Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin idinka mid ah amase farcankiinna ka mid ahu uu ku nijaasoobo sabab meyd ka timid, amase hadduu sodcaal dheer ku jiro, weli waa inuu Rabbiga u dhawraa Iidda Kormaridda.
11 Za su yi bikin da yamma, a rana ta sha huɗu ga wata na biyu. Za su ci naman tunkiya, tare da burodi marar yisti, da ganyaye masu ɗaci.
Bishii labaad maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidka tahay waa inay dhawraan oo ay kibis aan khamiir lahayn iyo caleemo qadhaadh cunaan.
12 Kada su bar kome daga cikinsa yă kai safe, ko a karye ƙashinsa. Sa’ad da suke Bikin Ƙetarewa, dole su kiyaye dukan ƙa’idodinsa.
Waa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan.
13 Amma in mutumin da yake da tsarki bai kuma yi tafiya ba, ya kuwa ƙi yă yi Bikin Ƙetarewar, dole a ware wannan mutum daga mutanensa, domin bai miƙa hadaya ga Ubangiji a ƙayyadadden lokaci ba. Wannan mutum zai ɗauki alhakin zunubinsa.
Laakiinse ninkii daahir ah oo aan sodcaal ku jirin oo ka hadha inuu dhawro Iidda Kormaridda, qofkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa, maxaa yeelay, wuxuusan bixin qurbaankii Rabbiga xilligiisii la amray, oo ninkaasu dembigiisuu qaadan doonaa.
14 “‘Baƙon da yake zaune a cikinku wanda yake so yă yi Bikin Ƙetarewar Ubangiji, dole yă yi shi bisa ga dokokinsa da ƙa’idodinsa. Dole ku kasance da ƙa’ida ɗaya ga baƙo da kuma ɗan ƙasa.’”
Oo haddii nin qalaad dhexdiinna deggan yahay, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro Iidda Kormaridda, waa inuu u sameeyaa sida ay Iidda Kormaridda qaynuunkeeda iyo amarkeedu yihiin, oo kii qalaad iyo kii dalka ku dhashayba waa inaad isku qaynuun u lahaataan.
15 A ranar da aka kafa Tenti na Alkawari, sai girgije ya rufe shi. Daga yamma har safe, girgijen da yake bisa tabanakul ya yi kama da wuta.
Oo maalintii taambuugga la dhisay ayaa daruurtu qarisay taambuuggii, kaasoo ah teendhadii maragga, oo fiidkii waxay taambuuggii korkiisa uga muuqatay sida wax dab u eg ilaa subaxdii.
16 Haka ya ci gaba da kasancewa; girgijen ya rufe shi, da dare kuma sai ya yi kamar wuta.
Oo sidaasay mar kasta ahayd. Maalintii daruurtii baa qarisay, habeenkiina wax dab u eg.
17 Duk sa’ad da aka ɗaga girgijen daga Tentin, sai Isra’ilawa su kama hanya; duk inda girgijen ya tsaya, a nan Isra’ilawa za su yi sansani.
Oo mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen.
18 Da umarnin Ubangiji, Isra’ilawa suke tashi. Da umarninsa kuma suke sauka. Muddin girgijen yana tsaye a bisa tabanakul, sukan yi ta zamansu a sansanoni.
Oo reer binu Israa'iil waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga, waxayna ku degi jireen amarka Rabbiga; oo in alla inta daruurtu taambuugga kor joogto halkaasay iska sii degganaan jireen.
19 Sa’ad da girgijen ya ci gaba da kasancewa a bisan tabanakul na dogon lokaci, Isra’ilawa sukan bi umarnin Ubangiji, ba kuwa za su tashi ba.
Oo haddii daruurtu taambuugga kor joogto maalmo badan, markaas reer binu Israa'iil way xajin jireen amarka Rabbiga oo mana ay guuri jirin.
20 Wani lokaci girgijen yakan yi’yan kwanaki ne kawai a bisa tabanakul; da umarnin Ubangiji sukan kafa sansani da umarninsa kuma su tashi.
Oo marmarna daruurtu taambuugga waxay kor joogi jirtay dhawr maalmood, oo markaas sidii amarka Rabbigu ahaa way iska sii degganaan jireen, oo waxay ku guuri jireen sidii amarka Rabbigu ahaa.
21 Wani lokaci girgijen yakan zauna daga yamma har safiya ne kawai, sa’ad da kuma aka ɗaga shi da safe, sai su kama hanya. Ko da rana, ko da dare, duk sa’ad da aka ɗaga girgijen, sai su ma su tashi.
Oo marmarna daruurtu waxay joogtay fiidkii ilamaa subaxdii; oo markii daruurta subaxdii la qaado ayay guuri jireen; oo hadday habeen iyo maalin sii joogtana, markii daruurta la qaado ayay guuri jireen.
22 Ko girgijen ya yi kwana biyu a bisa tabanakul, ko wata guda, ko shekara, Isra’ilawa za su zauna a sansani ba kuwa za su tashi ba; amma sa’ad da aka ɗaga shi, sai su kuma su tashi.
Oo hadday tahay laba maalmood ama bil ama sannad, in alla intii daruurtu taambuugga dul joogto, oo ay kor deggan tahay, reer binu Israa'iil way iska sii degganaan jireen, oo mana ay guuri jirin; laakiinse markii daruurta kor loo qaado way guuri jireen.
23 Da umarnin Ubangiji sukan kafa sansani, da umarninsa kuma sukan tashi. Sukan bi umarnin Ubangiji, bisa ga umarninsa ta wurin Musa.
Waxay ku degi jireen amarka Rabbiga, oo waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga. Iyagu xukunkii Rabbiga ayay ku dhawri jireen amarkii Rabbigu ugu soo dhiibay Muuse.

< Ƙidaya 9 >