< Mahukunta 21 >
1 Mutanen Isra’ila sun riga sun yi rantsuwa a Mizfa cewa, “Ba ɗayanmu da zai ba da’yarsa aure ga mutumin Benyamin.”
Haddaba raggii reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, iyagoo Misfaah jooga, oo waxay isku yidhaahdeen, Midkeenna waa inaanu gabadhiisa u guurin reer Benyaamiin.
2 Sai mutanen suka tafi Betel, inda suka zauna a gaban Allah har yamma, suna tā da muryoyinsu suna kuka mai zafi.
Markaasaa dadkii waxay yimaadeen Beytel, oo halkaasay Ilaah hor fadhiyeen ilaa fiidkii, oo intay codkoodii kor u qaadeen ayay aad u ooyeen.
3 Suka ce, ya Ubangiji, Allah na Isra’ila, “Me ya sa wannan abu ya faru da Isra’ila? Don me kabila ɗaya daga Isra’ila za tă ɓace a yau?”
Oo waxay yidhaahdeen, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, maxaa waxanu uga dhex dhaceen reer binu Israa'iil in maanta qabiil ka dhimanaado reer binu Israa'iil?
4 Kashegari da sassafe mutane suka gina bagade suka miƙa hadaya ta ƙonawa da hadaya ta salama.
Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
5 Sa’an nan Isra’ilawa suka ce, “Wace kabila ce cikin kabilan Isra’ila ba tă zo taro a gaban Ubangiji ba?” Gama an yi rantsuwa cewa duk wanda ya kāsa zuwa taro a gaban Ubangiji a Mizfa lalle a kashe shi.
Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, Qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan yaa ka maqan oo aan iman shirka Ilaah? Waayo, waxay ku dhaarteen dhaar weyn oo ku saabsan kii aan Misfaah Rabbiga ugu soo shirin, oo waxay yidhaahdeen, Hubaal kaas waa in la dilaa.
6 To, Isra’ilawa suka yi juyayin’yan’uwansu, mutanen Benyamin. “Yau an hallaka kabila daga cikin Isra’ila.
Oo reer binu Israa'iilna waxay u qoomamoodeen walaalahood reer Benyaamiin, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaa jira qabiil ka go'ay reer binu Israa'iil.
7 Yaya za mu ba wa waɗanda suka rage mata, da yake mun riga mun yi rantsuwa a gaban Ubangiji, ba za mu ba su ɗaya daga’ya’yanmu su aura ba?”
Sidee baynu inta ka hadhay naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, waxaynu ku dhaarannay Rabbiga inaynaan gabdhaheenna u guurin iyaga?
8 Sa’an nan suka ce, “Wace kabila ce cikin kabilan Isra’ila ba tă zo taro a gaban Ubangiji a Mizfa ba?” Sai su gane cewa babu wani daga Yabesh Gileyad da ya zo sansani don taron.
Oo waxay isku yidhaahdeen, Qabiilooyinka reer binu Israa'iil qabiilkee baan Rabbiga Misfaah ugu iman? Oo bal eeg, midnaba xeradii shirka ugama iman reer Yaabeesh Gilecaad oo dhan.
9 Gama da aka yi ƙidaya mutane, sai aka gane cewa babu wani daga mutanen Yabesh Gileyad da yake a can.
Waayo, markii dadka la tiriyey bal eeg, halkaas ma joogin ka mid ah dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa.
10 Saboda haka sai taron ya umarci jarumai dubu goma sha biyu su je Yabesh Gileyad su karkashe waɗanda suke zaune a can, duk da mata da yara.
Markaasaa shirkii wuxuu halkaas u diray laba iyo toban kun oo nin oo xoog leh, oo waxayna ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo seef ku laaya dadka Yaabeesh Gilecaad deggan, iyo dumarka iyo yaryarkaba.
11 Suka ce musu, “Ga abin da za ku yi. Ku karkashe duk namiji da kowace macen da ta riga ta san namiji.”
Oo waa inaad sidatan yeeshaan, oo aad inta lab oo dhan wada baabbi'isaan, iyo naag kasta oo nin la seexdayba.
12 Suka samu a cikin mutanen da suke zaune a Yabesh Gileyad mata ɗari huɗu da ba su taɓa kwana da namiji ba, suka kwashe su zuwa sansani a Shilo a Kan’ana.
Markaasay dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa ka soo heleen afar boqol oo gabdhood oo dhallinyar oo wada bikrado ah, oo aan weligood ninna la seexan; oo waxay iyagii keeneen xeradii Shiiloh, taasoo ku tiil dalka reer Kancaan.
13 Sa’an nan dukan taro suka aika wa mutanen Benyamin da suke a Dutsen Rimmon cewa yaƙi ya ƙare, yanzu sai salama.
Markaasaa shirkii oo dhammu wuxuu u cid diray oo la hadlay reer Benyaamiinkii joogay dhagaxii weynaa oo Rimmon, oo waxay ugu bishaareeyeen nabad.
14 Saboda haka mutanen Benyamin suka komo a lokacin aka kuma ba su matan Yabesh Gileyad nan da aka bari da rai. Amma matan ba su ishe su duka ba.
Oo markaasay reer Benyaamiin soo noqdeen, oo waxaa la siiyey naagihii iyagoo nool Yabeesh Gilecaad laga keenay ee ka hadhay naagihii dalkaas; oo weliba kuma ay filnaan.
15 Mutanen kuwa suka yi juyayi saboda mutanen Benyamin, domin Ubangiji ya yi gibi a cikin kabilan Isra’ila.
Oo dadkii waxay u qoomamoodeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Rabbigu dillaac buu u yeelay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.
16 Shugabannin taron suka ce, “Da matan Benyamin da aka hallaka, yaya za mu yi da mazan da suka ragu da ba su sami mata ba?”
Markaasaa odayaashii shirku waxay yidhaahdeen, Bal inta hadhay sidee baynu naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, naagihii waa laga baabbi'iyey reer Benyaamiin?
17 Suka ce, “Dole mutanen Benyamin da suka ragu su sami gādo, domin kada wata kabila a Isra’ila ta ɓace.
Oo waxay isku yidhaahdeen, Intii reer Benyaamiin ka baxsatay waa inay dhaxal helaan, si aan qabiil uga baabbi'in reer binu Israa'iil.
18 Ba za mu iya ba su’yan matanmu su zama matansu ba, da yake mu Isra’ilawa mun riga mun yi wannan rantsuwa cewa, ‘La’ananne ne wanda ya ba da’yarsa aure ga mutum Benyamin.’
Habase ahaatee waa inaynaan gabdhaheenna iyaga u guurin; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, oo yidhaahdeen, Inkaaru ha ku dhacdo kii gabadh u guuriya reer Benyaamiin.
19 Sai suka tuna, akwai bikin Ubangiji da sukan yi shekara-shekara a Shilo ya yi kusa. Shilo yana arewancin Betel, kudu da Lebona, gabas da hanyar da take tsakanin Betel da Shekem.”
Oo haddana waxay yidhaahdeen, Bal eeg, sannad ka sannad waxaa jirta iidda Rabbiga ee lagu sameeyo Shiiloh, taasoo woqooyi ka xigta Beytel, oo ah dhanka bari oo waddada weyn oo Shekem aadda oo Beytel ka tagta, iyo Leboonaah xaggeeda koonfureed.
20 Saboda haka suka cewa mutanen Benyamin, “Ku je ku ɓuya a gonakin inabi
Markaasay waxay reer Benyaamiin ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo ku gaada beeraha canabka ah dhexdooda;
21 ku lura. Sa’ad da’yan matan Shilo suka fito waje don su yi rawa, ku fito a guje daga gonakin inabi, kowannenku yă kama wa kansa mata daga cikin’yan matan Shilo, ku tafi ƙasar Benyamin.
oo bal eega, haddii ay gabdhaha reer Shiiloh u soo baxaan inay cayaaraan, de markaas ka soo baxa beeraha canabka ah, oo nin kastaaba naag ha ka qabsado gabdhaha reer Shiiloh, oo markaas waxaad la tagtaan dalka reer Benyaamiin.
22 Sa’ad da iyayensu maza ko’yan’uwansu suka kawo mana ƙara, za mu ce musu, ‘Ku yi mana alheri ku bar su, domin ba mu samo musu mata ba lokacin yaƙi, ku kuma marasa laifi ne, tun da yake ba ku ba da’ya’yan matanku gare su ba.’”
Oo markay aabbayaashood ama walaalahood noo soo cawdaan, waxaannu iyaga ku odhan doonnaa, Warroy raalli nooga ahaada iyaga; maxaa yeelay, annagu ninna dagaalkii naag ugama aannan reebin. Idinna ma aydnaan siin iyaga, haddii kalese haatan eed baad lahaan lahaydeen.
23 Haka mutanen Benyamin suka yi. Yayinda’yan matan suke rawa, kowane mutum ya kama ɗaya ya yi gaba da ita ta zama matarsa. Sa’an nan suka komo ƙasar gādonsu suka sāke giggina garuruwan suka kuwa zauna a cikinsu.
Oo reer Benyaamiinna sidii bay yeeleen, oo waxay intii tiradoodu ahaydba naago ka qaateen kuwii cayaarayay, oo way la tageen; oo waxay tageen oo ku noqdeen dalkoodii ay dhaxalka u heleen, oo magaalooyinkiina way dhiseen oo degeen.
24 A lokacin, Isra’ilawa sun bar wurin suka tafi gida zuwa ga kabilansu da zuriyoyinsu, kowane zuwa gādonsa.
Oo reer binu Israa'iilna markaasay halkaas ka tageen. Oo nin waluba wuxuu tegey qabiilkiisii iyo xaaskiisii, oo halkaas intay ka tageen ayaa nin waluba wuxuu u kacay dalkiisii dhaxalka ahaa.
25 A kwanakin Isra’ila ba ta da sarki; kowa ya yi abin da ya ga dama.
Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.