< Ayuba 4 >
1 Sai Elifaz mutumin Teman ya amsa,
Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 “In wani ya yi maka magana, za ka ji haushi? Amma wa zai iya yin shiru?
Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa? Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?
3 Ka tuna yadda ka yi wa mutane da yawa magana, yadda ka ƙarfafa hannuwa marasa ƙarfi.
Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay, Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.
4 Maganarka ta ƙarfafa waɗanda suka yi tuntuɓe; ka ƙarfafa gwiwoyin da suka rasa ƙarfinsu.
Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay, Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.
5 Amma yanzu wahala ta zo maka, sai ka karaya; wahala ta sa ka rikice.
Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa, Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.
6 Ashe bai kamata ka dogara ga Allahnka ba, amincinka kuma yă zama begenka?
War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato, Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?
7 “Ka duba ka gani yanzu. Wane marar laifi ne ya taɓa hallaka? Ko an taɓa hallaka masu adalci?
Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin? Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?
8 Na kula cewa waɗanda suke huɗa gonar mugunta, da waɗanda suke shuka mugunta, su ne suke girbe mugunta.
Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa, Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.
9 A sa’a ɗaya Allah yake hallaka su, cikin fushinsa yakan hallaka su.
Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa, Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.
10 Zakoki suna ruri suna gurnani; duk da haka an karya haƙoran manyan zakoki.
Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii, Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan.
11 Zakoki suna mutuwa domin ba dabbar da za su kashe su ci,’ya’yan zakanya kuma sun watse.
Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa, Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.
12 “Asirce aka gaya mini maganan nan, da ƙyar kunnuwana suka iya ji.
Haddaba war baa qarsoodi la iigu keenay, Oo dhegtayduna faqiisay qabsatay.
13 Cikin mafarki da tsakar dare, lokacin kowa yana zurfin barci, na sami saƙon nan.
Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan, Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,
14 Tsoro da fargaba suka kama ni har duk ƙasusuwan jikina suka yi ta rawa.
Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay, Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.
15 Wani iska ya taɓa mini fuska, sai tsigar jikina ta tashi.
Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray, Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.
16 Ya tsaya cik, amma ban iya sani ko mene ne ba. Wani abu ya tsaya a gabana, na kuma ji murya.
Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay; Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay; Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,
17 ‘Ko zai yiwu mutum yă fi Allah adalci, ko kuma mutum yă fi wanda ya halicce shi tsarki?
War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?
18 In Allah bai yarda da bayinsa ba, in ya sami mala’ikunsa da laifi,
Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo; Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.
19 to, su wane ne mutane masu zama a gidan da aka yi da laka, waɗanda da ƙura aka yi harsashensu, waɗanda za a iya murƙushe su kamar asu!
Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan, Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro, Oo sida balanbaallis u burbura!
20 Tsakanin safe da yamma mai yiwuwa ne ragargaza su; farat ɗaya, su mutu har abada.
Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan; Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.
21 Ba a tuge igiyar tentinsu, don su mutu ba tare da hikima ba?’
Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo? Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.